Marwo Ilhaan oo ku
Dhawaaqday inay ka Tanaas ushay
Xubinnimadii KULMIYE u Xulay ee
Komishanka

“Waxaan ummadda
Somaliland gudo iyo dibadba u sheegayaa in aan berri [ma anta] si
cad ugu faahfaahin doono sababaha keenay in aan iscasilo iyo sidii
w ax u dhaceen”
Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac
Hargeysa (Longlivesomaliland News) - Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac,
ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah uga tanaasushay xubinnimadii
xisbiga KULMIY E u xulay ee Komishanka, kadib markii
Madaxweyne Rayaale markii saddexaad shalay ka horjoogsaday ka mid
noqoshada xubnaha cusub ee Guddiga Doora shooyinka Somaliland.
Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac oo Jamhuuriya xalay cawayskii ugu
warrama ysay gurigeeda magaalada Hargeysa, waxa ay sheegtay inay si
buuxda ah is aga casishay xubinnimadii Komishanka
Doorashooyinka ee xisbiga KULMIYE u soo magacaabay.
Haseyeeshee, Marwo Ilhaan wax tafaasiil ah kama ay bixin asbaabaha
ku dha liyey go’aanka kaga tanaasushay xubinnimadii KULMIYE u
soo xulay ee Guddi ga Doorashooyinka Qaranka, balse wax ay
xustay inay Axadda maanta umma dda Somaliland u soo bandhigi
doonto aragtideeda ku wajahan diidmada Mada xweynuhu kaga
horjoogsaday ka mid noqoshada Komishanka cusub.
“Anigoo ah Ilhaan Maxamed Jaamac waxaan halkan ka caddaynayaa in aan
is ka casilay xubinnimadii Komishanka Doorashooyinka ee xisbiga
KULMIYE ii mag acaabay. Sidaa awgeed, waxaan ummadda
Somaliland gudo iyo dibadba u she egayaa in aan berri [maanta]
si cad ugu faahfaahin doono sababaha keenay in aan xilkaas iska
casilo iyo sidii wax u dhaceen,” ayey tidhi Marwo Ilhaan Ma
xamed Jaamac.
Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa markii saddexaad shalay
xisbiga m ucaaradka ah ee KULMIYE ku soo celiyey haweenaydan
oo ah xubinta uu u soo xulay inay ka mid noqoto toddobada xubnood ee
Komishanka Doorashooyinka cusub ee hadda la dhisayo.
Source: Jamhuuriya Online
|