Marwadu sir weyn bay bixisay

Waxaan akhriyey maqaal lagu faafiyey website aan muran ku jirin in Madaxtooyadu leedahay oo aan dhihi karo waxa lagu qoray dacaayaddii dunida ugu raqiisanayd, ugu xikmadda yarayd, uguna yaqyaqsiga badnayd.

Illaahay dulmiga ma jecla, waxaana la yidhi, "Marka Daallinka Illaahay fashilayo meel fog loogama doono ee isaga uun baa is dabra!". Maqaalka oo hoosta lagaga qoray magac qof dumar ah oo la yidhi waxay joogtaa Nairobi, waxa qoray qof jooga Hargeysa, weliba Madaxtooyada. Ha ka noqoto jaahilnimo ama ha noqoto xikmad wax la inagu tusayo oo lagu fashilinayoe, qoraalka oo afsoomaali ku qoran laftiisa ayay ka muuqataa halka ay joogto ama ka soo qortay maqaalka.

Maqaalkaas waxay marwadu ku bilaabay; "Safar aan la sii shaacin lana ogeyn ujeedda saxda ah ee ka danbeysa ayaa waxa Dalalka Djibouti iyo Kenya ugu baxay Gudoomiyaha xisbiga kulmiye!!". Waxa labadaa sadar ee bilowga sheekada ah ku cad in qofka qoraalka sameeyey uu joogo Hargeysa oo ah halkii Guddoomiyaha iyo weftigiisu ka tageen.

Haddii marwada wax qortay ay Nairobi joogto waxay sheegi lahayd inuu "yimi ama ku joogo Nairobi". Weliba mar kaliya maaha ee mar kale ayay haddana qortay Marwadu "…waxa ay sheegayaan ilo ku dhaw dhaw Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye in uu gudoomiyuhu u tagay Dalka Kenya Caasimaddiisa Nairobi.." Markanna kelmedda "Tegay" waxay inoo sheegaysaa in qoraha sheekadu aanu joogin halkaas, Nairobi.

Haddaba, shaki igagama jiro in qof dumar ahi qortay maqaalka, waxaana u daliil ah arrimo waxyaabo badan oo ay ka mid tahay sida qoraalku Guddoomiyaha ugu lammaaniyey xaaskiisa. ".. ujeedooyinka ka danbeya, ee kilifay in Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo iyo Ku Xiggeenkiisa, iyo Xaaskiisku ugu baxaan Dalalka aynu soo sheegnay!" Dembina igama raacayo haddii aan idhaahdo waxa qortay haweeneyda keliya ee Madaxtooyada joogta.

Haddii aan intaa ka gudbo, waxa kale oo uu qoraalku inoo sheegay sir culus oo ah in Madaxweynaha iyo weftigiisu ay u tagaan Jabuuti iyo Nairobi arrimaha Soomaaliya ee aanay weligood wax Somaliland danaheeda ah u tegin, lagalana hadlin. Sidaa darteedna, ay ugu malaynayaan Haddii Axmed Siilaanyo tegey dalalkii ay tegi jireen in wixii loogu yeedhi jirey ama ay ka hadli jireen in uu u socdo oo lagala hadli doono.

Weliba waxa ka muuqata qoraalka Madaxtooyada ee Marwada lagu saxeexay cuqdad iyo baqdin ay ka qabaan Awoodda, waaya-aragnimada iyo miisaanka siyaasadeed ee uu leeyahay Axmed Siilaanyo oo ay u arkaan inuu ka qabsado dhegaha beesha caalamka oo isaga wax laga weydiiyo arrimaha Mandaqadda.

Marwo haddii Axmed Siilaanyo dunidu wax ka weydiiso arrimaha Soomaaliya, waanu hubnaa inuu talo nasteex u ah Soomaalida dhibaataysan uu ka bixinayo ee aanu Sacabka u tumayn Males Zenawi, sidii aad sacabka ugu tumayseen Males markii ciidamadiisu maatida iyo dadka muslimka ah ku laynayeen Muqdisho.

Ta kale, ninka aan u soo halgamin ee aan shacabka Somaliland la qaybsan dhibaatadii loo geystey, ninkii aan ka dhiidhiyin, Sarkaalkii NSS-ta ahaa ku dalacayey dilka, xasuuqa, xadhigga, Jaajuusidda iyo tacaddiga dadka reer Somaliland ayaa aaminsan, dunidana u sheega in 18 sannadood kadib dadka reer Somaliland ay iska ilaaween dhibaatadii ka soo gaadhey midnimadii Soomaaliya. Laakiin, Siilaanyo maaha.

Axmed Siilaanyo wuxuu dadka reer Somaliland la soo maray wax kasta oo ay soo muteen, wuxuuna baxaa waxa Somaliland iyo dadkeedu baxaan ama yihiin, sinaba uma kala qaadi kartid Siilaanyo iyo Somaliland. Waayo, ilmaha sebiga ah baa og wixii uu u galay Siilaanyo iyo halkuu kala soo dabaashay.

Marwo, waxaad noo sheegtay sida aad u fekertaan iyo siraha Madaxtooyada. Waadse ogaan doontaa dhowaan in dadkani aanay ahayn sida aad mooddey!.

 



Khadra Warsame

Cardiff, UK