Marwadda
koowaad oo Hargeysa ka furtay shir-madaxeedka haweenka Afrika

Hargeysa (TNN)- Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh.
Maxamed Jirde, ayaa maan ta ka furtay Huteelka Ambassador ee
magaalada Hargeysa Shir-madaxeedka Hoggaamiyeyaasha haweenka Afrika
ee G-40, kaasi oo muddo afar maalmood ah socon doona.
Marwada koowaad oo warbixin dheer ka jeedisay shirkaasi waxay
sheegtay inay haweenka Somalil and ay kaalin weyn ka soo qaateen
nabadeyntii beelaha Somaliland isla markaana ay door weyn ka soo
qaatay dhinacyada horumarka iyo dhaqaalaha bulshada Somaliland.
Marwo Aamina Waris waxay sharaxaad ka bixisay doorka haweenku ay ku
lahaayeen marxaladihii Somaliland soo martay, waxaanay tidhi “Tan
iyo markii Somaliland xornimadeedii kala soo noqotay Soomaaliya,
waxa nabadeyntii aanu ka soo bilownay xididka u hooseeya, in kasta
oo aanay dumar ku si wanaagsan uga muuqan oo aanay ku jirin Golaha
Guurtida, haddana haweenku waxay kaalin ka soo qaateen nabadeyntii
dalka waxaanay si tartiib tartiib ah u galeen Ha’yadaha dastuuriga
ah ee dalka sida Goleyaasha Baarlamaanka, dawlada iyo Goleyaasha
deegaanka. Haddii aanaan naba d-gelyo buuxda helinna qaran ahaan
nooma ay shaqeeyeen dawladnimada iyo horumarka aanu ga adhnay.”
Waxay sheegtay in xukuumadda Somaliland ay ahmiyad weyn siisay
haweenka, waxaanay xustay in dawlada ku jiraan sadex wasiir oo
haween ah.
“Waxaanu ku han weyn nahay kuna faraxsan nahay inay Haweenka
Somaliland ay sadex xubnood ku leeyihiin Golaha Wasiirrada kuwaasi
oo ka mid ah Wasiirrada kuwa ugu waxqabadka badan, 2 xubnoodna ku
leeyihiin Golaha Wakiilada, isla markaana hal xildhibaan ku
leeyihiin Golaha Guurtida oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka iyo
xubin ka tirsan Goleyaasha deegaanka ee Gabilay,"ayay tidhi Marwo
Aamina Waris.
Marwo Aamina Waris waxa kale oo ay tafaasiil ka bixisay marxaladihii
kala duwanaa ee ay Somalila nd soo martay labaatankii sanadood ee la
soo dhaafay, waxaanay u mahad celisay Golaha Guurtid a oo ay xustay
inay sees u ahaayeen nabadeyntii iyo hirgelintii Ha’yadaha dawliga
ah.
Marwaddu waxay dalalk afrika iyo beesha caalamkaba u soo jeedisay
inay Somaliland siiyaan aqoo nsi dublamaasiyadeed.
Marwo Aamina Waris waxay sheegtay inay Soo dhawaynayso shirarka
noocan oo kale ah waxaan ay tilmaantay in Somaliland ay ka jirto
nabad-gelyo suurto-gal ka dhigaysa in shirarka caalamiga a h ku
qabsoomaan.
Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxay intaasi ku dartay
in kulankan ay isugu yimaadeen afartankan xubnood ee haweenka ahi oo
ka kala yimid dalalka Ugandha, Koonfurta Sud an,Itoobiya,
Ereteriya,Jabuuti,Somalia iyo Somaliland in looga fadhiyo sidii ay u
keeni lahaayeen fi krado midho dhal ah oo wax ka tara sidii ay
haweenku saami fiican uga heli lahaayeen ka qayb qaa dashada
hogaaminta dalalkooda.
Qaar ka mid ah Xubnaha ka qayb galay kulankan oo halkaasi ka hadlay
ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin imaatinkooda Somaliland
isla markaana ay ka muuqato nabadgalyo cago adag ku taagan oo ku
timid rabitaanka shacbiga.
waxaa kale oo ay u mahadceliyeen xukuumada Somaliland ka taageerista
inuu shirkani ka furmo Ca asimadda.
Sidoo kale waxa shirkan saxaafadda uga warantay Guddoomiyaha ururka
Barwaaqo Khadra Cumar Xasan waxaanay tidhi “Waxa maanta halkan ka
furmay shir la yidhaahdo (High level mission) oo la iskaga wada
yimid dhammaan dalalka Afrika oo dhan, shirkan waxa la yidhaahdaa
G-40.waxa ku jir a 40 haween ah oo ah hoggaamiyeyaasha haweenka
Afrika, kuwaasi oo ay Somaliland-na ka mid tahay. shirkan dhawrkii
biloodba mar ayaa lagu shiraa wadan waxaana laga hadlaa nabadda,horu
marka iyo hoggaaminta heerka ay dumarku ka gaadhi karaan.”
Khadra Cumar Xasan waxay sheegtay in shirkani wax weyn tarayo ,
waxaanay tidhi “Shirkani waa shir runtii aan odhan karo wax badan
ayuu tarayaa, kii u dambeeyay waxa lagu qabtay Koonfurta Suudaan.
Markaa waxaanu ka codsanay qolada caawisa shirkan oo ah Ha’yad
fadhigeedu Spain tahay. runtii wax weyn ayay naga weydiiyeen shirkan
ma lagu qaban karaa Somaliland, anaguna waxaanu tafaasiil ka sinay
xaaladda nabadgelyada Somaliland waanay naga aqbaleen markaa
shirkani sidan ayuu Hargeysa uga qabsoomay sumcadda Somaliland-na
sare ayuu u qaadayaa. Waxa shirkan ku badan dalalka Geeska Afrika.
Waxa kale oo Afrikada kale kaga jira South Afrika, Yugaandha iyo
kuwo kaleba.”
source:so
|