Marwadda Koowaad oo abaal marin gudoon siisay Marwo Shukri Bandarre
Hargeysa (TNN)- Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Waris
Sh,Maxamed Jirde ayaa abaal marin gaar ah Gudoon-siisay marwo Shukri
Xaaji Ismaaciil Baandare oo ah Madaxa hay’ada Wadaniga ah ee
Candle-light oo ku guulaysatay dabayaaqadii sannadkii 2011- kii
abaal Marinta uu bixiyo Ururka ka hortaga Xasaradaha Caalamiga ah ee
ICG taas oo lagu qabtay xalay Hotelka Ambassador ee Magaalada
Hargaysa.
Xafladaasi oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxa kale oo ka
qayb-galay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada , Guddoomiyaha Komishanka
Doorashooyinka, Wasiiro ka tirsan xukuumadda, masuuliyiin ka socotay
Xisbiyada qaranka gaar ahaana xisbiga UDUB, ha’yadaha caalamiga ah
ee ka hawlgala Somaliland iyo martisharaf kale.
Ugu horyn waxa xafladaasi hadal ka soo jeediyey guddoomiyaha golaha
wakiilada Somliland Mudane C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa si ayaa
Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ku hambalyeeyey abaal-marinta
Caalamiga ah ee ay ku guulaysatay isagoo ku tilmaamay in
abaal-marinta la ay tahay Mid sharaf weyn ugu fadhida shacabka
Somaliland.
Agaasimaha hay’adda Candle Ligth Axmed Ibraahim Cawaale ayaa isna si
mug leh ugu waramay Maraaxilkii ay soo martay Ha’yadda Candle Light
iyo kaalinta ay kaga jirto Shukri hay’ad ahaan isaga oo sheegay inay
tahay Deegaan Jire wakhti badan u hurtay ilaalinta dhirta iyo
bay’ada Deegaanka dabiiciga ah ee Somaliland.
Marwo Edna Adan Ismaaciil ayaa waxa ay sheegtay in abaal-marinta la
siiyey Shugri ay tahay mid ay ku mutaysatay Dadaalkii dheeraa ee ay
u soo gashay wax u qabashada dadka jilicsan iyo dhawrista deegaanka.
Drs Edna Aadan Ismaaciil waxay intaas ku dartay in haweenka
Somaliland laga dhex heli karo dumar aqoon iyo karti u leh
bulshadooda .
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-galinta Somaliland Mudane
Cabdi Yuusuf Ducaale(Boobe) ayaa waxa uu sheegay in Marwo Shugri
Xaaji Ismaaciil Baandare ay Makhraati u tahay heerka ay taagan
yihiin haweenka Somaliland iyo doorkii Shariifka ahaa ee ay ka soo
qaadatay dib u dhiska, Nabadaynta iyo u bislaynta ummada ee nidaamka
dimuquraadiyada Somaliland maadama ay xubin firfircoon ka ahayd sida
uu xusay Komiishankii u horeeyay ee Somaliland ka hirgaliyay sadex
doorasho oo si hufan u dhacay.
Wasiirka Warfaafintu waxa uu intaas ku daray in Marwo Shugri Xaaji
Baandare ay tahay Shakhsiyad ku adag Qaranimada iyo jiritaanka
somaliland.
Wasiirk Gaashaan-dhiga Somaliland Mudane Axmed Xaji Cali Cadami oo
ay ka soo wada shaqeeyeen Komishankii ugu horeeyey Somaliland ayaa
ku sifeeyay Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare qof xilkas ah oo
ku wanaagsan hawl kasta oo la galayo isla markaana daacad ah kana
soo dhalaasha waajibaadka loo xil saaro .
Shukri Xaaji Ismaaciil (Baandare) oo Munaasibadaasi ka hadashay ayaa
ka warantay halgankii ay u soo martay wax qabadada ay ku mutaysatay
abaal marinta la siiyey iyadoo si aada ugu mahad naqday cid kasta oo
ku dhiiri galisay kuna garab gashay waxyaabihii ay qabatay.
Waxa kale oo ay ka warantay dhacdooyin lama ilaabaanka ahaa ee soo
maray intii ay ku jirtay hawlaha samo-falka ah ee ay waday sida
waqtiyadii ay ka socdeen dalka dagaaladii sokeeye iyo waxqabadyadii
u hirgalay Mudadii ay ku Xubinta ka ahayd komishankii ugu horeeyey
Somliland, iyadoo geesta kalena xustay qiimaha ay nabadu guud ahaan
u leedahay nolosha Aadmaha.
Marwada Madaxweynaha Somaliland marwo Aamina Waris Sheekh Maxamed
Jirde oo soo gabo-gabaysay xafladaasi ayaa ka mara-kacday inay
Shukri Baandare tahay qof dadka dhex-diisa amaan balaadhan ku dhex
leh iyadoo ka sheekaysay taakulada iyo wax qabadka ay mar walba la
garab taagan tahay bulshada dhiban gaar ahaana wakhtiyadii ay
dagaaladu dalka ka socteen.
Marwo Aamina Waris waxay kula dardaarantay in aanay ka daalin
dadaalkeeda iyo waxa qabadka ay faraha badan ee ay gacanta ku
hayso.Gabagabadii waxay Marwadda koowaad Guddoonsiisay Marwo Shugri
Xaaji Ismaaciil Baandare Abaal Marin ay ugu tallo gashay in ay ku
Maamuusto.
Weriye Cumar Maxamed Faarax
|