Wafti Balaadhan Oo ay Hogaamineyso Marwada Madaxweynaha S omaliland ,Amina-weris Sheekh Maxamed Jirde, ayaa dhagax dhi gey Cisbitaal weyn oo laga dhisayo degaanka kalabaydh,oo ay maal galintiisa ku Deeqdey Marwada Koowaad ee Jamhuuriyada Jabuuti, Khadra Maxamuud Xayd
 


Cisbitaalkani waxaa maal galineysa marwada madaxweynaha jabuuti ,khadra maxamuud xayd..........+ Halkan ka daawo sawiro


Kalabaydh (TNN):-Wafti balaadhan oo ay hogaamineyso marwada madaxweynaha Somaliland Aamin sh. Ma xamed jirde,oo ay weheliyaan wasiirka wasaarada waxbarashada Somaliland Samsam cabdi Aadan, wa siirka wasaarada caafimaadka DR saleebaan ciise xaglo toosiye,agaasimaha samofalka madaxtooyada, c/laahi geel jire, maBadhasaabka Gobolka Gabiley Yuusuf ibraahin Geedi, Maayerka Degmada Gabiley Shucayb maxamed muuse

waftigani Ayaa si layaab leh loogu soo dhaweeyey guud haanba gobolka gabiley, waxaan waftiga loo g albiyey magaalada kala baydha oo laga dhagax dhigayey cisbitaal weyn oo ay maal galintiisa ku deeqd ey marwada madaxweynaha dalka jabuuti khaddar maxamuud xayde.Waxaan Xaflada balaadhan oo la gu qabtey baxad hore ee dugsiga sare ee magaalada kalabaydha.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadashay marwada madaxweynaha somailand Aaamin sh.maxamed jire waxayna u mahad mmaqadey dhamaan dadweynihii soo haweeyey waxaaney tidhi”Runtii magaaladan kalabaydha aad bay noogu weyntahay, walaashay khadra maxamuud xaydana aad baan ugu mahad naqayaa sida wanaagsan ee ay mucaawinadaa ugu deeqay deegaankii ay kusoo xagaa bixijirtey, insh aa allaah ka dawlada ahaan gacanta ayuu ku hayn doonaa marka la dhiso cisbitaalkaasi,”marwada mad axweynaha

Wasiirka caafimaadka Somaliland Saleebaan ciise Axmed xaglotoosiye oo halkaasi ka Hadley ayaa shee gay inay ka wasaarada ahaa ay iyagu maamuli doonaan cisbitaalkaasi uuna noqon doono cisbitaal daw ladadeed waxanu yidhi”waxaan aad ugu farax sanahay manta cisbitaalkaasi ay magaalada kalabaydha ugu deeqdey marwada madaxweynaha jabuuti khadra maxamuud xayda, runtii aad bay ugu mahadsan tahay abaalkaasina waynu u haynaa,”wasiirka caafimaadka

Wasiirada waxbarashada Somaliland marwo samasam cabdi aadan oo halkooban halkaasi ka jeedisay ayaa u mahad celisay marwada madaxweynaha jabuuti khadra maxamuud xayda,waxaaney tidhi”ma anta reer kalabaydhoow waa maalin qaadiya runtii aad baan ugu mahad celineynaa marwada maxweyn aha jabuuti soona wakiilatey marwada madaxweynaha somalilan Aamin waris, runtii cisbitaalkani wuxu u daboooli doonaa baahi faro badan oo ay qabeen dadweynha reer kalabaydha” wasiirka waxbarasha da samsam cabdi aadan

Badhasaabka gobolka gabiley yuusuf ibraahin geedi iyo Maayerka degmada gabiley ayaa aad u soo dhaweeyey dhismaha cisbitaalkani, waxayna mahad celin balaadhan u direen marwada madaxweynaha jabuuti, waxayna dadweynaha reer kalabaydha ugu baaqeen inay u diyaar garoobaan soona dhaweeyaan waxqbadka u bilaabmay.

Sidoo kala waxaa halkaasi ka Hadley jiif caaqil dayib cabdi ciidle, caaqil maxamed cabdi qawdhan,boqor muxumed geele seed,odey aw ciise jamaac waxaaney dhamaantood u mahad celiyeen marwada madaxweymaha jabuuti khara maxamuud xayda iyo marwada madaxweynaha Somaliland, waxaaney dadweynaha reer gabiley kula dardaarmeen inay la sheqeeyaan xukuumada oo ay ku xidhnaadaan.
 



Cabdiraxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Obsiye2007@hotmail.com
Kalabaydh , Somaliland