Marwada Madaxweynaha
oo Xadhigga ka Jartay Mashruuc Xuq uuqda Aadanaha ah oo Somaliland
Laga Fulin Doono 2011
Hargeysa (TNN)- Marwada 1aad ee Madaxweynaha Marwo Aamina Sheekh
Maxamuud Jirde (Aamina-weris), ayaa xadhigga ka jartay shalay
mashruuc ku saabsan xuquuqda aadanaha oo hay’ad Faransiis ah ka
fulin doonto Somaliland sannadkan 2011.
Munaasibad ballaadhan oo loo sameeyey furitaanka mashruucaas oo
badankiisu ku jihaysan horumari nta dadka naafada ah oo ay
maalgelintiisa bixin doonto hay’adda lagaga leeyahay dalka
Faransiiska ee Handicap International oo lagu qabtay shalay
hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay marwada
Madaxweyne Siilaanyo, wasiirrada Caddaaladda, Shaqada iyo Arrimaha
Bulshada, Agaasimaha Xafiiska Taakulaynta ee Madaxtooyada, madaxda
ugu sarreysa adduunka iyo gobolka Gee ska Afrika ee Handicap,
masuuliyiin ka kala socday ururrada xuquuqal-insaanka iyo naafada
Somaliland iyo marti-sharaf tiro badan oo ay ku jireen xubno kala
duwan oo naafo ah.
Mr. Jean Marc oo ah masuulka ugu sarreeya hay’adda Handicap
International oo fadhigiisu yahay mag aalada Paris ee
caasimadda dalka Faransiiska, kana mid ah masuuliyiinta ka qaybgalay
kulankaas, ayaa khudbad dheer oo uu halkaa ka jeediyey wuxuu si
faahfaahsan ugaga hadlay mashruuca xuquuqda aa danaha ee
hay’addiisu ka fulinayso Somaliland, isagoo si gaar ah farta ugu
fiiqay dhibaatooyinka hays ta dadka naafada ah, waxaannu soo
bandhigay daraasad Handicap ka soo ururisay waddamo kala du
wan oo caalamka ah oo muujinaysa tirada naafada ah ee adduunka
guudkiisa maanta ku nool.
Waxa kaloo uu sheegay in dunidu gaadhay xilligii la beddeli lahaa
aragtiyaha gurracan ee lagu duudsiyo xuquuqda dadka naafada ah,
kuwaasoo uu tilmaamay inay ka yimaaddaan dadka laxaadkoodu dhan
ya hay, gaar ahaan marka naafadu doonayaan fursado shaqo ay qaban
karaan.
Sidaa awgeed, Mr. Marc waxa uu bulshada caalamka u soo jeediyey inay
u dhago-nuglaadaan cabash ada dadka naafada ah, isla markaana
u tixgaliyaan duruufaha ay ku nool yihiin, isagoo dhanka kalena
tibaaxay hay’ad ahaan inay u baahan yihiin sidii bulshada Somaliland
u heli lahaayeen wacyigelin badan oo ku saabsan tacadiyada ka dhanka
ah naafada, iyadoo la adeegsanayo qalabka kala duwan ee warb
aahinta.
Mr. Jean waxa uu carrabka ku dhuftay Handicap International inay
muddo 29 sannadood ah ka soo sh aqaynaysay wax-u-qabashada
dadka naafada ah ee dacallada adduunka ku kala nool, waxaannu xusay
baahida loo qabo in dadka naafada ah yeeshaan xidhiidh iyo
wada-shaqayn dhexdooda ah, iyada oo aan loo eegayn waddan iyo
jinsiyad toona, ugu dambayntiina waxa uu dadweynaha iyo dawladaha
caa lamka ka codsaday in loo sinnaado shaqooyinka mid caafimaad qaba
iyo mid naafo ah, isla markaana qof waliba ilaaliyo sharafta iyo
karaamada qofka kale.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo
Ilhaan Maxamed Jaamac, ay aa ugu horreyn si weyn ugu mahad-celisay
hay’adda Handicap Intentional oo ay xustay inay ka mid tahay
hay’adihii ugu horreeyey ee Somaliland, wax weynna ka qabatay
horumarinta bulshada naafada ah.
Marwo Ilhaan waxa ay sheegtay in wasaaraddeedu samayn doonto xafiis
u gaar ah arrimaha dadka aanu laxaadkoodu dhammayn ee naafada ah.
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Professor Imaaciil
Muumin Aar, ayaa isaguna ka warra may qiimaha iyo faa’iidada
mashruucani u leeyahay dalka Somaliland, kaasoo uu ku tilmaamay mid
ahm iyad gaar ah ugu fadhiya bulshada naafada ah.
“Curyaannimo ma jirto sideedaba, balse curyaannimadu waa maskaxda,
dadka naafada ahna waxay ku sii badan yihiin dalalka aan dhaqaalaha
iyo nabadgelyada fiican haysan,” ayuu yidhi Prof. Ismaaciil Mu
umin Aar, waxaannu intaa ku daray, “Ummad wada nacas ah ayaa
cuuryaan ah! Waddama dadkoodu helaan cuntada fiican ee nafaqada leh
way ka fiican yihiin kuwa foqorada ah. Lugaha iyo gacmaha uun ha
eegina ee cuuryaaminada ummaddeennu meelo badan bay ka socotaa, tan
ugu weyna waa jahliga.”
Waxa kaloo Wasiirku sheegay in dadka naafada ah shaqada fiican
yihiin kuwa laxaadka qaba kaga, isa goo arrimahaas ka hadlayeyna
waxa uu yidhi; “Waannu tijaabinay oo dadka naafada ahi way kaga fii
can yihiin kuwa laxaadka qaba shaqada.”
Dhanka kale waxa uu xusay inay ku ogaadeen daraasad ay hadda ka hor
sameeyeen inay shaqada ugu badan soo saaraan dadka naafada ah,
isagoo intaa raaciyey in tignoolajiyadda casriga ah tahay mid aad u
caawinaysa waxqabadka naafada.
Mr. Ismaaciil Cabdi oo ka socday Komishanka Xuquuqal-insaanka
Somaliland oo isna halkaa ka hadlay, ayaa tilmaamay inay dib-u-habayn
ku sameeyeen guddigooda muddada kooban ee ay xafiiska joogeen,
waxaannu sheegay in la sameeyo wacyigelin badan si loo yareeyo
xadgudbyada xuquuqul-insaanka ee ka dhaca Somaliland, waxaannu
daboolka ka qaaday in ay dhowaan booqan doonaan xabsiyada dadku ku
xidhan yihiin waqti ka badan inta shuruucda dalku xaddeeyeen, isagoo
xusay in Komishanka Xuquuqal-insaanka Qaranku awood u leeyahay inuu
inay xukuumadda iyo goleyaasha sharci-dejintaba u gudbiyo wax-ka-beddelka
qodobadda xeerarka kala duwan ee caqabadaha ku ah bulshada naafada.
Waxa kaloo uu caddeeyey inay kormeer ku soo sameeyeen dhammaan
jeelasha gobollada dalka oo dhan, marka laga reebo Gobolka Sool,
“Waxaanu samaynay horumar ballaadhan intii aanu xafiiska joognay,”
ayuu yidhi Mr. Ismaaciil Cabdi.
Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamuud Jirde (Aamina-weris)
oo soo xidhay shirka, isla markaana si rasmi ah xadhigga uga jartay
mashruuca cusub, ayaa si weyn ugu mah ad naqday ka
qaybgalayaasha kulankaas, gaar ahaan Handicap International oo iyadu
maalgelinaysa mashruucan xuquuqda aadanaha ee Somaliland laga
hirgelinayo.
“Waxaan si weyn ugu mahadnaqayaa dhammaan ka qaybgalayaasha
munaasibaddan, gaar ahaan mas uuliyiinta hay’adaha caalamiga
ah ee innoogu yimi wax-u-qabashada dadkeenna.
“Waxa ka go’an dawladda Somaliland inay horumariso dadka naafada ah.
Waa muhiim in la ilaaliyo dad ka xiskoodu dhiman yahay,
laakiin bulshada Somaliland waxaan u sheegayaa in dadka naafada ah
ee xiskoodu dhan yahay ay leeyihiin xuquuq la siman dadka caadiga
ah.
Waxaan ugu baaqayaa bulshada Somaliland in aanay quudhsan dadka
naafada ah oo ay siiyaan doork ooda, mana habboona in la
takooro dadka naafada ah. Carruurta naafada ah yaan la odhan waxba
ma baran karaan, waayo dayaxa laguma tegin dhammaystiran, laakiin
waxa horumar kasta lagu gaadhay aqoon iyo cilmi,” ayey tidhi marwo
Aamina-weris.
Sidoo kale, waxay tusaale u soo qaadatay nin dhinac kasta ka curyaan
ah, una dhashay dalka Ingiriiska oo ah saynisyahan weyn oo aad looga
dambeeyo aqoontiisa, muxaaradooyin badanna ka jeediya jaam
acadaha waaweyn ee waddankaas.
Ugu dambayn, marwadu waxa ay ballanqaaday inay hormood ka noqon
doonto sidii looga midho-dhalin lahaa hirgelinta in bulshada
Somaliland helaan xuquuq siman, sidoo kalena wax loogu qaban lahaa
dad ka laxaadkoodu dhiman yahay.
Shirkan ay wadajir u soo qabanqaabiyeen hay’adda caalamiga ah ee
Handicap International, dalladda ururrada naafada SNDF iyo
Komishanka Qaranka ee Xuquuqal-insaanka, waxa loogu dabbaaldagayey
furitaanka mashruuc ku saabsan xuquuqda aadamaha oo sannadkan ka
bilaabmi doona dalka Somaliland.
Source:Jamhuuriya Online
|