Marwada kowaad ee Somaliland Aamina Waris oo hogaaminaysa wefti Wasiiro ah oo booqasho ugu baxday magaalooyinka Berbera, Sheekh iyo Burco

 


Hargeysa(TNN) Marwada kowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh Maxamed Jirde (Aamina Waris) iyo wefti ay hogaaminayso oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan iyo Wasiir ku-xigeenka Caafimaada Nimco Qawdhan ayaa maanta ka baqoolay Caasimada Hargeysa wax aanay kormeer ku tageen magaaladda Berbera halkaas oo ay ka qayb qaateen Xus loo samaynayay m aalinta Dhir beerista Adduunka oo Somaliland laga xusay maanta.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo aan khadka Telefoon ka ku waraysanay iyadoo ku sugan Dugsiga Sheekh ayaa ujeedada safarkeeda ku sheegtay “ weftiga ujeedadiisu waxa weeyi dhisme xarun Agoomaha ah oo wasaaradda looga dhisayo Magaaladda Burco oo aanu soo furayno, waxa kale oo aanu mucaawino u sidnaa dadkii Abaaraha ku waxyeeloobay laakiin maanta intii aanu soo soconay waxaanu magaaladda Berbera iyo Sheekh ba kaga qayb qaadanay maali nta Dhir beerida Adduunka oo maanta ku baagan” ayay tidhi wasiir Samsam.

Safarkan ayaa ah kii labaad ee ay wefti ay hogaaminayso Marwadu ku tagtay Goboladda Dalka iyadoo horena magaaladda Gabilay kaga qayb qaadatay Xarun dhinaca Agoomaha ah oo ay u geysay Kaalmo.

 

Source: Waaheen