Marwada Koowaad Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyay 24 Kalkaaliye
Caafimaad Ah
‘Waxaan idin kula dardaarmayaa in wixii aad barateen aad uga
faa’iidaysaan dadkiina, wax barashaduna ma dhamaato ee dadaalkiina
sii-wada’Marwada-koowaad
Hargeysa (TNN):- Marwada koowaad ee Qaranka Somaliland
Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Weris) ayaa maanta
shahaadooyin guddoonsiisay afar iyo labaatan kal kaali ye oo ka qalin
jabiyay maxadka caafimaadka ee magaalada Hargeysa.
Munaasibaddii shahaadooyinka lagu guddoonsiinayay 24 kalkaaliye oo
lagu qabtay xarunta maxadka tababarka kalkaaliyaasha caafimaadka ee
magaalada Hargeysa waxaa ka soo qa ybgalay Marwada Madaxweynaha
Somaliland Marwo Aamina X. Maxamuud Jirde, Agaasima ha Guud ee
Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cismaan Xuseen Warsame, Dhakhaatiir iyo
mada xda waaxyaha, wasaarada caafimaadka qaarkood agaasimaha maxadka
kalkaaliyeyaasha caafimaadka Marwo Foosiya Maxamed Ismaaciil iyo
marti sharaf kale duwan.
Agaasimaha maxadka tababarka kalkaaliyaha Caafimaadka Marwo Foosiya
Maxamed Isma aciil ayaa ugu horayn halkaasi hadal ka jeedisay
waxaanay tidhi “ardaydan 24 ka ah ee ma anta qalin jabinaysaa waxay
mudo sanad ah baranayeen siyaabaha loo diyaariyo marka uu qofku
qaliin galaayo iyo siyaabaha loo ilaaliyo marka uu qaliinka ka soo
baxo oo dalkeena looga baahan yahay.”
Sidoo kale, waxa isaguna ka hadlay munaasibadaasi shahaadooyinka
lagu guddoonsiinayay 24-ka kalkaaliye caafimaad lagu siinaayay
shahaadada kalkaaliyenimo agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka
waxaanu yidhi “waxaan halkan ugu mahad celinayaa cid kasta oo gacan
idinku siisay hawshan iyo waxbarashada waxaanan idiin sheegayaa in
wasaarada caafimaadku ay idin qaadatay oo aad shaqaale tihiin maanta
laga bilaabo la idiina qaybin doono cisbitaalada dalka.”
Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde
oo shahaado oyinka guddoonsiisay dhakhaatiirtaa kalkaaliyeyaasha ah
ayaa hadalo dardaaran ah ujee disay waxaanay tidhi “marka hore waxaan
halkan hanbalyo iyo bogaadin uga dirayaa waa lidiintii iyo
macalimiintii dadaalka iyo gacanta ka gaystay in aad waxbarataan
idinkana wax aan idin kula dardaarmayaa in wixii aad barateen aad uga
faa’iidaysaan oo u shaqaysaan una gargaartaan dalkiina iyo dadkiina
u baahan, waxaad tihiin madaxdii barito iyo dhakhaa tiirtii barito,
waxbarashaduna ma dhamaato ee dadaalkiina sii wada.”
Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland
|