Marwada
Koowaad Iyo Masuuliyiin Door Ka Qayb-galay Furit aanka Qayb Ka Mid
Ah Cusbitaalka Carruurta Ee Maxamed Aaden Sheekh

Cisbitaalkan oo noqon doona mid u gaar ah Carruurta isla-markaana
qayb ka mid ah .............
Hargeysa (TNN) - Marwada Madaxwaynaha Somaliland Marwo Aamina Sheekh
Maxamed Jirde (A amina-weris), ayaa ka qayb-galay Munaasibad xadhiga
lagaga jaray qayb ka mid ah dhisma ha Cisbitaalka Carruurta ee ay
Hargeysa ka hirgaliyeen qoyska Maxamed Aaden Sheekh oo Cisbitaa
lkaasi loogu Magac daray.
Cisbitaalkan oo noqon doona mid u gaar ah Carruurta isla-markaana
qayb ka mid ah lagu bixin doono tababarada caafimaadka, ayaa waxa
furitaanka ka qayb-galay Masuuliyiin ay ka mid yi hiin Guddoomiyaha
Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Wasiirrada
Ca afimaadka iyo qorshaynta iyo dhakhaatiir badan.
Munaasibadan ayaa sidoo kale waxa
ka qayb-galay saraakiil ka socotay hay’addaha caafimaa dka ee
Somaliland ka shaqeeya, kuwaasi oo soo dhaweeyay cisbitaalka Maxamed
Aaden Shee kh, kaasi oo laga hirgaliyey halkii uu hore u ahaan jiray
Cisbitaalkii Jajabka ee Magaalada Harg eysa, oo sanadkii hore laga
raray qoysas danyar ahaa.
Marwada Koowaad oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay ku
faraxsan tahay inay ka qa yb-gasho furitaanka qaybta maanta la furay,
iyadda oo sheegtay in cisbitaalkani wax badan oo loo baahnaa dabooli
doono, waxay u mahadnaqday qoyska Maxamed Aaden Sheekh oo ka hor
intii aanu geeriyoon ku sii dardaarmay in cisbitaalkan laga dhiso
Somaliland, gaar ahaan Magaalada Hargeysa, kaasi oo dhismihiisu
socdo, isla-markaana qaybtii koowaad maanta la fu ray.
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr Xuseen Maxamed Muxumed
(Xoog) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasaarad ahaan ay
ka go’an tahay inay dhamaystiraan guud ahaan agabyada cisbitaalku u
baahan yahay marka la dhamaystiro, isla-markaana hore ba u
diyaariyeen shaqaalihii ka hawlgali lahaa.
Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland
|