Marwada Koowaad Ee Somaliland Oo Xadhiga Ka Jartay Dhisme Cusub Oo Lagu Kordhiyey Xarunta Agoomaha

 


Munaasibadan oo lagu qabtay xarunta agoomaha magaalada Hargeysa ayaa waxa......

Hargeysa (TNN) – Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirdde (Aa mina-waris) ayaa maanta xadhiga ka jartay dhisme cusub oo lagu soo kordhiyey Xarunta Ago omaha ee Magaaladda Hargeysa.

Munaasibadan oo lagu qabtay xarunta agoomaha magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin ay ugu horeyso Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamin Sheekh M axamed Jirde (Aamino Waris), Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, la taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Haweenka Marwo Amaal Xaaji Miisaan iyo masu uliyiin ka kala socotay Juba Express, hay’addaha Caritas iyo Bisha Cas.

Agaasimaha Xarunta Agoomaha Hargeysa Marwo Caasha Xasan Qaalib halkaas ka hadahay ay aa sheegtay in u mahadnaqayso cis kasta oo taageero la garab-taagan Xaruntan lagu xanaan eeyo Agoomaha, waxaana hadaladeedii ka mid ahaa “Waxaan halkan uga mahadnaqayaa Xuku umadda oo mar kasta bar bar taagan horumarinta xarunta agoomaha, waxaanan sidoo kale aa d iyo aad uga mahadnaqayaa Juba Airways, hay’adaha Amoud Foundation iyo Caritas oo iyag una si balaadhan u bar bar taagan xaruntan agoomaha oo ay mar kasta garab taagan yihiin, waxaanaynu xadhiga ka jari doonaa xarun cusub oo loo dhisay hablaha”

Masuul ka socday hay’adda Caritas oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay xuska maalinta guubaabada faraxalka aduunka oo maanta ku beegnayd, isaga oo caruurtii halkaasi ka soo qay b gashayna ugu baaqay inay ku dedaalaan nadaafada iyo faraxalka.

Sidoo kale Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirdde Maxam uud Jirde oo halkaas ka hadashay ayaa uga mahadcelisay hay’adda bisha cas oo dhismahaasi hir-gelisay, waxaanay sheegtay in ay dhismahan qalabayntiisa ay ka qayb qaadan doonto, waxaana hadalkeedii ka mid ahaa “Waxaan ku faraxsan nahay Maalinta aan xaruntan imaadaba waxaan ku arkaa isbedel weyn iyo horumar balaadhan, waxaana isbedelkaasi keentay Agaasim aha Xaruntan oo aan aad iyo aad ugu mahad celinayo kuna ammaanayo,”.

Marwadda koowaad oo hadalkeeda sii watay waxay tidhi “Markii la arkay daacadnimada Agaasi maha iyo Hoggaaminteeda ayaa xaruntu ay heshay maal-gelin balaadhan.”

Waxa kale oo Munaasibadaasi ka hadashay Wasiirka Waxbarashada Somaliland Marwo Sam-sa m Cabdi Aadan, oo ka warantay xaalada xaruntan iyo ahmiyada ay carruurta iyo caafimaadka buslashadaba u leeyahay faroxalku.

Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa sheegtay in ardayda xarunta agoomaha ku jirta laga bixiyo jaamacadaha,Iskuulada iyo adeegyada kale ee ay u baahan yihiin,iyadoo intaas ku dartay inay markasta ka war hayaan xaalada ay ku sugan yihiin .

Marwo Aamina-waris ayaa xadhiga ka jartay dhisme cusub oo lagu soo kordhiyey xarunta ago omaha oo ay dhistay hay’adda bisha cas, taas oo loogu talo galay in ay goob hurdo u noqoto hablaha yar yar oo kaliya.
 

 



Khalid Xabsi
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland