Marwada
Koowaad ee Somaliland Oo Ka qeyb gashay ma dal dhar loogu deeqay
Xarunta Agoomaha Hargeysa

Hargeysa (TNN)-Marwada koowaad Somaliland Aamina Sh.Maxamed Jirde (Aamina
Waris) ayaa maanta deeq dhar iyo kabo isugu jirta ka gudoontay
Machadka faafinta diinta islaam ka kaas oo ay ugu tabo ruceen
Xarunta Agoomaha ee Magaalada Hargaysa.
Xafladan oo lagu qabtay xarunta agoomaha ee magaalada hargaysa waxaa
ka soo qayb g alay Maareeyaha Xafiiska Samo falka Madaxtooyda, Madax
ka tirsan Ururka Haweenka qa ranka ee Now,Mas’uuliyiin ka socday
machadka faafinta diinta islaamka iyo Madaxda xaru nta agoomaha ee
caasimada Hargeysa.
Gudoomiyaha Machadka faafinta diinta islaamka Sh.Maxamed Cabdi
Yuusuf iyo Sh. Cawil Fa atax oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay
xiligii la aasaasay machadkan iyo hawlaha ay bulshada u qabtaan
waxaanay sheegeen inay deeqdan ay u fidinayaan caruurta agoomaha ay
ka kooban tahay dhar iyo kabo kuwaas oo dhan Laba boqol oo beer oo
kabo ah iyo laba boqol oo Surwaal, iyagoo ku dheeraaday xilka
bulshada iyo xukuumadaba ka saaran darye elka ubadka agoomaha ah
taas oo ah waajib sharci ah.
Canab Xasan Nuur oo ah ku simaha agaasimaha xarunta agoomaha iyo
Maareeyaha Xafiis ka Samo falka Madaxtooyada Aamina Maxamud Diiriye
oo halkaasi ka soo jeediyay hadalo mahadnaq iyo soo dhawayn ah ayaa
ka waramay xaalada xarunta agoomuhu ku jirto iyag oo sheegay inay
gacanta ku hayaan afar boqol oo caruur ah kuwaas oo u baahan in laga
taageero noloshii aasaasiga ahayd.
Madaxdani waxay xuseen in deeqdani ka danbaysay markii ay dhawaan
baahida xarunta ta ala u gudbiyeen Culimada Machadkan isla markaana
ay si dhakhso ah uga soo jawaabeen.
Marwada koowaad Somaliland Aamina Sh.Maxamed Jirde (Aamina Waris) oo
hadal kooban halkaasi ka soo jeedisay ayaa mahad naq balaadhan u
dirtay Machadka faafinta diinta islaa mka iyadoo sheegtay in
kaalmadani aanay ahayn tii u horaysay ee uu machadkani soo gaa
dhsiiyo .
Marwo Aamina Waris waxa ay tilmaantay in nidaamkii iyo maamulkii
xaruntan ay wax bada n ka badaleen isla markaana ay dhismayaal kale
ku soo kordhiyeen waxaanay intaas ku dartay inay u qorshaysan tahay
hirgelinta dhismayaal kale oo lagu xanaaneeyo caruurta Xaruntan ku
jirta oo mar walba u baahan daryeel joogto ah maadaama ay yihiin
Mustaqbalkii Wadanka.
Gabo gabadiina Caruurta ku jirta Xaruntan ayaa halkaasi ku soo
bandhigay Masrixiyad ka turjumaysa wax tarka ay bulshadu u gaysato
iyo Suugaan ay ka waramaysa qiimaha nabadgalyada iyo Calanka aynu
hoos hadhsanayno ee Somaliland.
source:so
|