Marwada
Koowaad Ee Somaliland Oo Dhagax dhigtay Xarun Lagu daryeelayo
Agoomaha Burco

Burco (TNN)- Marwada koowaad ee
Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde iyo wefti ay ho
ggaaminaysay ayaa maanta dhagax dhigtay dhismaha xarun lagu daryeeli
doono carruurta agoo maha magaalada, kaasi oo laga binaynayo xaafada
Aadan Saleebaan ee magaalada Burco,
Waxaan u mahad naqayaa dadka sharfta leh ee Maanta halkan isugu yimi
ee aan ku dhagax dhig ayo Xaruuntii Agoomaha ee Gobolka Togdheer oo
aan rajanayo in ay noqon doonto goob ay mus taqbalka caruurta
Agoonta ah ee ku barbaartaa ay noqon doo naan kuwo mustaqbal
wanaagsan hela Waxaanan ILAAHAY ka baryayaa in uu dhamaystir
wanaagsan inoogu dhameeyo hirgalinta xaruntan oo baahi weyn loo
qabo,”ayay tidhi Marwada koowaad ee Somaliland oo ka hadashay dhagax
dhiga xaruntaasi.
Sidoo kale Marwo Aamino Weris ku Sugnayd Xaafada Aadan salebaan ee
Magaalada Burco wax ay goob fagaare ah kala hadashay dadka dan’yarta
ah ee k u nool Xafadaasi waxaynaha uga ma had celisay soo dhaweynta
ay u sameyeen.
“Waxaan idiinka mahad naqayaa soo dhaweynta wanaagsan ee aad ii
samayseen waxaanan Maa nta halkan ka dhagax dhigay Xarun jaar idinla
noqon doonta oo hoyna u noqon doonta Agooma ha Gobolka Togdheer
Waxaanan ku ogahay Xaafadiinan Aadan Salebaan mid Daryeeli Agoomaha
asi codsigiina ku saabsan dhul yarida idin haysatana waxaan ugudbin
doonaa maamulka Dawlada Hoose ee Burco.”
Geesta kale Xaflad balaadhan oo xalay Marwda Madaxweynaha Somaliland
iyo weftigii ay hoggaa minaysay loogu Sameeyay Hotel Barwaaqo ee
Magaalada Burco, waxaana ka soo qeyb gashay m adashaasi maamulka
Gobolka Togdheer,Kan Degmada Burco,Gudiga horumarinta ee Gobolka
Togd heer,Saladiin Cuqaal,Abwaano,qurba jog,Ururada Haweenka iyo
Dadweyne kale oo badan.waxa ana xafladaasi nuxurkeedu ahaa in
dhaqaalaha ku baxaya xaruntan agoomaha looga qeyb qaad an lahaa.
Duqa Degmada Burco Maxamuud Axmed Xasan, ayaa Cadeeyay in in ka
Dawlad Hoose ahaan ay ku deeqeen lixdan baloodh oo kamid ah Boqolka
baloodh ee Laga hirgalinyo dhiskan Agoomaha halka Afartanka kalena
ay ku deeqeen Ilma Cabdale Qawracane.
Canab Cilmi Gaas oo iyana ku hadlaysay Ururada Afka qurba joogta
Najax Relief iyo Horseed Kal kaal oo ururada sida gaarka ah u
hirgalinaya Xaruuntan Agoomaha ayaa Qeexday in qurba jog ahaan ay
yagleelida Xaruuntan ay door muhiima ka ciyaari donaan waxayna
Marwada madaxwey naha Somaliland Mahad Naq balaadhan ugu soo
jeedisay ka qayb galga Dhagax dhiga goobtani waxaanay Canab ugu
baaqday Qurba joogta Somaliland in ay ka qayb qataan hawlaha
dhismaha iyo horumarinta Dalka.
Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam
Cabdi Aadan, Xildhibaan C ali Marexaan, Gudoomiyaha Gobolk Togdheer
Yasiin muxumed Cabdi, Gudoomiyaha Gudiga Horum arinta Gobolka
Togdheer, Maxamuud Aadan Dheri ,Suldaan Maxamuud Guleed,Abwaan
Cismaan Ibraahim Warsame”Hure Walanwal” iyo marti sharaf badan oo
kale oo ka hadlay Munaasibadani Dumarka Qurba joogta ah ee
Somaliland doorkooda ku aadan ka qayb qaadashada horumarinta Dalka
iyagoo dhanka kalena ugu baaqay Ganacsatada iyo bulushada in ay ka
qaybqataan dhama y stirka Xaruuntan la Dhagax dhigay.
Ugu Danabyntii Waxaa Habeenkii xalay ahaa halkaasi Qadhaan ku aadan
Hirgalinta Xaruuntan ka ga dhawaaqay Marwada Madaxweynaha Somaliland
marwo Aamina Weris Sh.Maxamed Jirde iya doo ku dhawaaqaday lacag
qadarkeedu dhan yahay Saddex kun oo Dolar(3000$),Xildhibaan Cali
Xasan (Mareexaan) iyo laba kamid ah qurba jooga ayaa ku dhawaqay
lacag gaadhaysa saddex kun oo dolar.
Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam
Cabdi Aadan,Wasiir ku Xi geenka Wasaarada Caafimaadka Nimco Xuseen
Qawdhan,Mareeyaha Xafiiska Samafalka ee Mad axtooyada Marwo Aamina
Maxamuud Diiriye iyo Xubno ka tirsan Ururada Najax Relief iyo Horse
ed Kalkaal oo ah qurba joogta Somaliland ee dalka Ingiriiska kuwaasi
oo iyagu gacan ka geysan aya dhaqaalaha ku baxaya xaruntan.
Source:
Somaliland.Org
|