Marwada Koowaad ee Jamhuuriyada Somaliland,Amina-weris S heekh Maxamed Jirde ,ayaa dhagax dhigtay dhismaha Xarunta agoomaha ee magaalada Tog-Wajaale
 


Tog-Wajaale (TNN):- – Marwada koowaad ee qaranka Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jird e (Aamina-weris), ayaa maanta booqasho hawleed ku tagtay Magaalooyinka Gabiley iyo Wajaale, waxaanay Marwadu Magaalada Wajaale ka dhagax dhigtay xarun lagu daryeeli doono carruurta Agoomaha ee Magaaladaasi.

Marwada Koowaad oo ay safarkeeda ku wehelinayeen wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soma liland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo xubno ka mid ah urur waynaha haweenka qarankak ee NOW , ayaa bulshada reer Wajaale kala hadashay goobtii ay dhagax dhigtay dhismaha loo samaynayo agoomaha Wajaale, waxaanay tidhi “Maanta sharaf iiga weyni ma jirto inaan Imaado degmada Wa jaale ee Gobolka Gabiley, oo aan ka qayb-qaato dhagax dhiga xarunta ay Carruurteena Agoomuhu ku raaxaysan doonaan, wax ku baran doonaan, laguna daryeeli doono, wax alaale iyo wax aanu ka hagran doonaa ma jiri-doono, waanu ka qayb-gali doonaa wixii ay u baahan tahay wixii nagaga so o hagaaga.”

Marwo Aamina Weris, waxa kale oo ay sheegtay in degmada Wajaale ay tahay xarunta ganacsiga Somaliladn, sidaasi darteedna ay tahay goob qaali ah oo mudan il la ilaaliyo , lana horumariyo, iyad a oo arrintaasi ka hadlaysana waxay tidhi “Degmada Wajaale, dawladdan qaali ayay ku tahay, sa babta oo ah waxay ka mid tahay goobaha wakhtigii aanu Mucaaradka ahayn taageerada hagar la’aanta ah aanu ka heli jirnay. Degmada Wajaale, wixii ay dawladdu u qabatay waa wax waajib ah, waa wax dalkeenana badhaadhe u ah. Waxaan qabaa inay Wajaale tahay xarunta Ganacsiga Somaliland, in la ilaaliyo, in waddooyinkeeda la dhiso intaba xaq-bay u leedahay.”

Marwada koowaad ee qaranka Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde (Aamina-weris), w axa ay xaruntaasi ugu deeqday lacag dhan $ 1000 doolar oo shakhsi ah “Annigu halkan aan dha gax dhigayo (Xarunta Agoomaha Wajaale), $ 1000 ayaan ku daray oo aan ugu deeqay”ayay Tidhi.

Marwadadda koowaad Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina-weris), markii ay ka soo laabatay deg mada Wajaale, sidoo kale waxa Munaasibad soo dhaweyn ah loogu qabtay degmada Gabiley, waxa anay ururka NOW ee Gabiley ku wareejisay qalab loogu talo-galay dadka naafada ah, waxaanay ti dhi “Dawaarka wax lagu baro dadka naafada ah oo aanu gobolka Gabiley u haynay ayaanu doona ynaa haweenka ururka NOW ee Gabiley in aanu ku wareejino, ILAAHAYNA waxaan ka rejaynayaa inay uga faa’ideeyaan dadka baahidu u hayso, khaasatan kuwa naafada ah.”
 



Cumar Maxamed Faarax
Tog-wajaale,Somaliland