Marwada 1-aad Oo Shahaado Guddoon siisay muwaadinad ka shaqaysay dacwad ku oogisii C.Samatar

 



Hargeysa (TNN) -Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina we ris) ayaa shahaado sharaf guddoonsiisay Aamina Faarax Jirre, oo hormood ka ahayd xubnihii u dhashay Somaliland ee dacwaddii xasuuqa ku soo oogtay Cali Samatar.

Xaflad casho sharaf ah lagu maamuusay Aamina Faarax Jirre oo uu soo qaban qaabiyay wasiirka cadaal adu oo caawa lagu qabtay hoteelka Maansoor ee magaalada Hargaysa, waxa kia soo qayb galay marw ada koowaad ee qaranka Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, wasiirka Cadaalada, wasiirka war faaf inta, wasiirka waxbarashada, wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha, guddoomiyaha ha’ada la dagaalanka musuq maasuqa, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, guddoomiyaha xisbiga UCID, xildhibaano, salaadiin, culimawdiin, haween iyo marti sharaf kale.

Wasiirka cadaalada Somaliland Md Xuseen Axmed Caydiid oo xafladaasi hadal ka jeediyay ayaa ka wara may heerarkii kala duwanaa ee ay la soo martay dacwada ay Aamina Faarax Jirre iyo xubnihii kale la so o martay dacwada ay ku soo oogeen Cali samatar oo ahaa ninkii masuulka ka ahaa xasuuqii balaadhnaa ee loo gaystay shacabka Somaliland sanadkii 1988-kii.

Isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “may hawl yarayn wadadii loo maray in Cali Samatar maxkamad la horkeeno dhawr iyo toban sano ayay soo jiitamaysay maalinba meel ay fadhiisataba, dac wadii ugu horaysay ee oo laga furay maxkamad degmo oo ku taala gobolka Firjiiniya ee dalka maraykan ka waxay noqotay in uu Cali Samatar looyaradiisii ku doodaan in uu dhawr sanaan ka leeyahay in maxk amad la horkeeno, qareenadiisu waxay u cuskanayeen qodob sharci oo u yaala dalka maraykanka oo odhanaya masuuliyiinta ajnabiga ah ee dalka maraykanka jooga in ay dhawr sanaan ka leeyihiin wixii lagu oogo gudaha dalka maraykanka, aakhirkii waxay noqotay in Cali Samatar lagu oogi karo dacwad.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “23-kii bishii jeenawari ee sanadkan ayuu soo baxay go’a ankii maxkamadu uu soo dhamaaday, weli xukunkii maxkamadu wuu laalan yahay, laakiin wuxuu ku soo gabagaboobay in uu cali samatar is difaaci kari waayay oo uu yidhi waan qabaa danbigaa maadaama oo aan qaran masuul ka ahaa, masuuliyada wixii halkaa ka dhacay waan qaatay, imikana waxa la sugay aa waa in waxyaabahaas lagaga xukumo halkaa. Aamina faarax Jire iyo xubnihii la socday intaas oo sa no way daba socdeen dacwadaasi, iyaga ayaana u halgamayay.”

Wasiirku waxa kale oo uu aad ugu mahad naqay Aamina faarax Jirre hawsha balaadhan ee ay muudada dheer daba socotay, taasi oo ah mid ay u qabatay qaranka Somaliland “Waxaan aad iyo aad ugu faraxs anahay in aan caawa (xalay) halkan ku kulano Aamina oo aan casho sharaftan ugu qabano, anaga oo u ga mahad naqayna oo u og hawsha ay qabatay ee qaranka u qabatay”. Ayuu yidhi Md Caydiid.

Wasiirka wasaarada war faafinta iyo wacyi gelinta Somaliland Md C/raxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa uga mahad naqay aamina faarax jirre si ay ugu dadaashay in ay dacw ad ku soo oogto Cali Samatar oo ahaa ninkii ka danbeeyay xasuuqii loo gaystay dadka reer Somaliladn wakhtigii uu ka tirsanaa taliskii Siyaad Bare.

Waxaanu wasiirku ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo amray halgankii dib u xoraynta ee loo soo maray dalka Somaliland, isaga oo wasiirku xusay in loo baahan yahay in la ururiyo dhibaata dii ay shacabka Somalialdn u gaysatay dawladii siyaad Barre is ay cadayn ugu noqoto.

Aamina Faarax Jirre oo ah gabadha si aadka ah ugu hawl gashay in maxkamad la soo taago cali Samata r oo iyadna halkaa ka hadashay ayaa ka warantay marxaladihii kala duwanaa ee ay la soo martay arri ntaasi, waxanay tidhi “anigu waxaan u arkaa in aan sameeyay arrin waajib ahayd kelidayna aanan sam aynin, waxaan ogahay in aanu jirin qof halkan jooga oo odhanaya waxaasi aniga ima soo marin ama qof uu garanayo soo maray, qof walba halkii ay ku qabsatay ayuu ka qaaday, anaguna halkii ay nagu qabs atay ayaanu ka qaadnay, anaga oo dal shisheeye joogna, ayaanu hadana aragnay dadkii dadkayaga soo baabiiyay ee soo laayay oo jaar nala ah oo lacagtii ay ka soo qaateen guryo ka iibsaday oo ku nool nolol raaxo leh, markaanu ogaanay taasi waay dadku nagu yidhaahdeen maxaad cali samatar oo qudha u dabagasheen.”

Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina weris) oo iyadna halk aa ka hadashay waxay tidhi “waxaan shahaadadan u siinayaa in aan Aamina iyo kooxdii la socotayba hanbalyeeyo, waajibkoodii ayay ka soo baxeen, ilaahay baa waajibkoodii garansiiyay Somaliland oo dh ana way idiin mahad naqaysaa, shahaadadan aan guddoonsiinayno waa mid shacbiga Somalialdn oo dhan iyo dawladaba ka timid oo aanu idiinku mahad naqayno arrintaa iyada ah, ee aad ka gun gaadhee n ee aad sumcadeenii iyo sharafteeniiba kor ugu qaadeen, aad iyo aadna waanu idiinku mahad celinaynaa.”

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyeyaasha xisbiyada KULMIYE iyo UCID Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Faysal Cali waraabe oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ururiyo xa suuqii dawladii Siyaad barre u geysatay shacbiga reer Somaliland. Iyagoo tilmaamay in tallaabadda Cali Samatar lagu maxkamadeynayaa ay digniin ugu filan tahay cid kasta oo xasuuq ka geysatay dalkan in maalin uun laga daba tagi doono. Gababadii xafladaasi marwada koowaad ayaa shahaado sharaf gudd oonsiisay Aamina Faarax Jire oo ah muwaadinad ku nool dalka Maraykanka oo kaalin weyn ka qaadatay dacwad ku oogistii Cali Samatar.

Source: somaliland.org