Martiqaadka Madaxweynaha JSL Waa Marti qaadkii ugu Heer Sareeyay ee Abid Loo Fidiyo Wefdi Somaliland

 

Waxa xalay oo taariikhdu ahayd 04/03/09 gaadhay Magaalada London, wefdigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin marti qaad rasmi ah ka helay Dawlada UK. Wefdiga waxa si heer sare ah halkaasi ugu soo dhaweeyay Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada Dawlada Britain , Jaaliyada Somaliland ee dalkaasi iyo masuuliyiin ka socota Safaarada Somaliland ee UK iyo Ireland.

Waxa wefdiga Madaxweynaha, isla markiiba lagu qaabilay , qolka VIP-da ee Madaarka Heathrow ee London, soo dhawayn iyo is waraysi ka bacdi , waxa wefdiga Madaxweynaha si heer qaran ah loogu galbiyay huteel weyn oo loo sii diyaariyay oo loogu tallo gala in lagu qaabilo Madaxweynayaasha, huteelkaasi oo ku yaala badhtamaha Magaalada London.

Marti qaadkan rasmiga ah oo ah kii ugu heer sareeyay ee abid loo fidiyo wefdi ka socda Jamhuuriyada Somaliland, waxa u fidiyay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dalka Britain Mudane David Milliband.

Wefdiga uu hogaaminayo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo xukuumada UK ay ka wada hadli doonaan danaha laba dal, hir gelinta dimuqraadiyada iyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha , Siyaasada iyo Nabad gelyada.

Wefdiga madaxweynha ayaa horaantii sanadkii 2008 booqosho taariikhiya ku tagey dalka Britan halkaasoo Raiisal wasaare Gordon Brown uu erayadan ka yidhi barlamanka Britan oo naxdin iyo argagax ku ridey cadowga Somaliland

"Waan ku soo dhawaynaa wafdiga Somaliland UK, waanan hambalyaynayaa, waxaan samaynayaa wax kasta oo aan awoodno si waddamada la xidhiidhayo aanu gacan uga siino Horumarinta Caalamiga ah, maaha oo qudha Horumarinta Caalamiga ah, ee waxaanu gacan ka geysanaynaa dhismaha Hay’adaha Dimuqraadiga".

Raysal Wasaaraha Dawlada UK ayaa hore ugu amaanay Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin sidii uu u hir geliyay Dimuqraadiyada iyo doorashooyinkii kala danbeeyay ee ka qabsoomay Somaliland, ka hor-taga Argagaxisada iyo adkaynta Nabad gelyada iyo ka hortaga Budhcad badeeda, arrimahaasi oo dhamaantood aanay jirin cid gacan ka siisay Xukuumada Somaliland.

Booqashadan Madaxweynuhu, waxa ay qayb weyn ka tahay dedaalka loogu jiro Ictiraaf raadinta, iyadoo hadh iyo habeenba ugu taagan tahay xukuumadu ictiraaf raadinta, iyadoo xidhiidh fiican la samaysay dalal badan oo caalamka ka mid ah.

Wefdiga Madaxweynaha oo ka kooban Marwada koowaad ee Madaxweynaha Marwo Huda Barkhad Aadan, Wasiirka Arrimaha Dibada Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Axmed Maxamed Ciise.

Somaliland waxa aan u rajaynayaa Guul
 

 

 


Mohamed Cabdi Yaasiin

London, UK
Email: maxamedyasin@yahoo