Markab Ganacsatada
Somaliland u siday hanti lagu qiyaasay 5
Milyan Dollar oo ka goostay Dekeda Berbera, isagoon shixnaddii laga
rogin

Hargeysa (TNN) :- Markab u rarnaa Ganacsato reer Somaliland ah
isla-markaana muddooyinkii u dambe eyay ku xidhnaa Dekedda Magaalada
Berbera, ayaa halkaa dib uga goostay isagoon Alaabtii laga rogi n.
Warar uu helay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sheegaya in Markabku ka
goostay Dekedda Berbera, ka dib markii ay is khilaafeen Ninkii
Wakiilka u ahaa, kaasi oo deggan dalka Imaaraadka Carabta.
Illaa hadda lama oga meel uu jaan iyo Cidhib dhigay Markabkan oo
Ganacsatada Somaliland u siday Ala ab lagu Qiyaasay illaa 5 Milyan oo
Dollarka Maraykanka.
Warar kala duwan oo Geeska Afrika soo gaadhay, ayaa sheegay in
Ganacsatadu ku mashquulsan yihiin inay meel ku ogaadaan Markabkii
alaabta u siday, balse illlaa hadda lama oga halka uu ku sugan yahay
Markabkaasi.
Xilliga Markabku Alaabta la goostay, ayaa ku soo beegmaysa iyadoo
Maalmo ka hadheen Ciidda Carafo.
Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika
|