maxaan ku muteystey heyb-sooca

 

marka ugu horeysa waxaan halkan ka salaamaya salaan xushmad & qadariin mudan dhaman shaqaalaha websetka ,gaar ahaan maamulka shabakada ,salan taas lamidana waxaan ku salamaya dhamaan akhristaha sharafta & xurmada mudan ,

waa barnaamijkii taxanaha ahaa ee aan ugu magaca darey (maxaan ku muteystey heyb-sooca)dood furan ,walalayal waxaan qeytan ku soo qadaneynaa ,mooqiifka & aragtida uu ka qabo , dastuurka & mabaadiida uu ku dhisanyahey xisbiga mucaaradka ee <kulmiye>
hordhac,

waxeynu wada ogsoonahey ,xisbiga kulmiye ,inuu yahey xisbi mucaarad ah oo u taagan doorashada madaxtinimo jsld,kuna rajo weyn inuu ku guuleysandoono doorashada hanashada hananka madaxtinimo ee jsld ,waa xisbi run ahaantii xoowli dheer ku socda ,baaxadiisuna ay weyntahey ,waxaana dadka intooda badani ay u aaminsanyihiin ,inuu yahey xisbiga siyaasadiisu ay fogtahey lana qiimeyn kariin wuxuu gadaal kala soo baxi,

hadaba mar aan booqdey ,kulmiye part, barnaamijyadiisa isbadal doonka ah ee uu ugu talo galey dadka & dalka inuu ku hago ,ayaa waxaan baariis ku sameeyey ,barnaamijka xisbiga kulmiye & dastuurka sharciga qawaaniintiisa aasaasiga ah ,anigoo ka duulaya halku dhigeyga ah (mooqifka & aragtida xisbiga kulmiye ,uu ka qabo ,heyb-sooca & dulmiga lagu hayo beesha gabooye,beeshan oo kana mid ah taageerayasha xisbiga kulmiye dal & dibadba inkastaba ha leekaadeene,

hadaba badhistaan aan ku sameeyey ,qodobada dastuurka qawaaniinta xeerarka xisbiga kulmiye ,ayaa waxaa iiga soo dhexbaxey , iney ku jiraan ,xeererkiisa qodobo xuseeya ,mooqifka & aragtida uu dastuurkiisa xisbiga kulmiye ka qabo heyb-sooca & dulmiga lagu duusinayo xaqa & xaquuqda beesha gabooye ee muwaadiniinta reer sld,kuwaasoo ah qodobada hoos ku qoran ,

run ahaantii markii aan arkey qodobadan dastuurka ee aan wada akhgristey ayaa dareenkeyga hididiilo wanaagsan galiyey & rajo weyn igu abuurey,qodobasad oo ku saleysan ,mooqifka & aragtida uu ka qabo heyb -sooca ,xisbiga kulmiye & mooqifka uu doonayo inuu wax ka ga badalo ,aragtida foosha xun ee ku saleysan takoorka & heyb-sooca lagu hayo beeshan dulmanaha la quursanayo mudada dheer ee ragaadiyey umad dhan dibu dhaca weyna uga geystey xaga is dhexgalka bulsho & xaga horumar kaba hadey tahey xaga aqoonta & xaga dhaqalahaba taasoo sababtey iney umadan beesha gabooye noqoto beesha kaliya ee dibu dhaca weyni ku habsadey uguna liidata maanta beelaha reer sld,

WAANA KUWAN SHARCIGA & DASTUURKA QAWAANIINTA XISBIGA KULMIYE & MOOQIFKA UU KA QABO HEYB-SOOCA ,WIXII LAGAGA GUDBILAHAA ,



HIMILADA XISBIGA KULMIYE:
Barnaamijka Xisbiga Kulmiye wuxuu ka turjumayaa xaqiijinta himilooyinka hoos ku xusan?



5: Xisbiga Kulmiye wuxuu tiigsanayaa xaqiijinta bulsho ka dhiidhida addoonsiga weji kasta oo uu leeyahay iyo nooc kasta oo gumaysi ah, kana dheeraata yasidda, kala-faquuqidda iyo is-qabyaaladaynta;

MEEL-MARINTA XUKUN-WANAAGGA:


18: dhiirri-gelinta iyo ka qayb gelinta beelaha laga tirade a badan yahay iyo haweenka talada dalka;

XIV. SIYAASADDA XISBIGA EE DADKA LA HAYB-SOOCO.
Siyaabo farabadan ayaa loo takooraa dadka la hayb-sooco. Iyadoo ay ugu wacan tahay xaaladooda bulsho iyo dhaqaale, waxa laga duudsiyey ka qaybgalka dhaqaale, waxbarasho iyo siyaasadeed.
Xisbiga Kulmiye waxa ka go’an tirtiridda nooc kasta oo takoor ah, gaar ahaan, kan ku salaysan hayb-sooca. Kulmiye wuxu aqoonsanyahay in dadka la hayb-soocaa ay dulman yihiin, sidaas daraadeed, waxa ka go’an inuu dadkaas ka awood-siiyo dhinacyada dhaqaalaha, waxabarashada, iyo siyaasadda.
Kulmiye wuxu aaminsan yahay in awoodsiinta noocaas ahi ay muftaax u tahay wax ka qabashada takoorka dhaqanka ka soo jeeda iyo la dagaalanka macaamilka xun ee lagu hayo qayb bulshada ka mid ah.
Si dadka la hayb sooco loogu soo celiyo xurmadoodii bin’aadminimo, iyadoo hoos loogu daadegaayo nuxurka dhibaatada, xisbiga Kulmiye wuxu qaadayaa tallaabooyinka soo socda:

In xeer ahaan loo qoondeeyo tiro kuraas ah ee wakiilnimada siyaasadeed heer deegaan iyo heer qaran.
In dhiirrigelin iyo tixgelin loo siiyo dhinac-yada waxbarashada iyo shaqada dawladda.
In la meel mariyo siyaasado iyo shuruuc lagula dagaalamayo cudurkan bulsho, laguna joojinayo takoorka haybta ku dhisan, xeerar adagna laga soo saaro.
In saraakiisha dawladda iyo sharci fulinta lagu wacyi- geliyo dacdarrada Kooxaha laga Tirada badan yahay, sidaas daraadeed, la diiwaan geliyo lana baadho xadgudbayada ku xidhiidhsan haybsooca iyo gefafka laga galo Dadka laga Tirada badan yahay
In la abuuro barnaamijyo gaar ah oo loo habeeyey tababaridda Dadka laga Tirada badan yahay gaar ahaan xirfad siintooda
In loo abuuro fursado ay ku qaataan deyn fudud si kor loogu qaado ganacsiga yar yar ee ay ku hawlan yihiin.

markii aan run ahaantii aan la dhacey mooqifka & aragtida xisbiga kulmiye uu ka qabo heyb-sooca & wixii lagaga gudbi lahaa dhibaatada heyb-sooca leehyahey ,ayaa waxan baadhis labaad ku sameeyey xisbigan kulmiye inuu isaga ,xisbi kulmiye ahaan ,in uu xeerarkan sharciga dastuurkiisa qawaaniintiisa ku taala ee uu qodobadaaas u qoon deeyey beesha gabooye ,iney jiran qodoba ka mida, xisbiga kulmiye gudihiisa uu ka dhaqan galiyey ,xaga maamulka xisbiga kulmiye & masuuliyiintiisa ,

taasna waxaan uga jeedaa waxaan wada ogsoonahey ,xisbiga kulmiye ,inuu leehyahey madax & masuuliyiin farabadan kana wada hawlgala dalka & dibadiisaba ,kuwaasoo jagooyin kala duwan u malata xisbiga kulmiye ,tanlabad xisbiga kulmiye wuxuu leehyahey ,golayal ka la duwan ,sida ,(GOLAHA JOOGTADA AH,& GOLAHA FULIINTA XISBIGA & QAARKALE OO FARA BADAN , markaa waxaan raadiyey iney jiraan xubno ka tirsan beesha gabooye iney ku jiraan ,madaxda & masuuliyiintiisa xisbiga kulmiye ilaa golayaashiisa ,nasib daro waxaan ka dhexwaayey hal xubin sare oo ka tirsan maamulkiisa & masuuliyiintiisa xisbiga kulmiye ,

hadaba walalayal anigooney iga aheyn caadifad & dhaleeceyn midnaba ee ay iga tahey xaq raadis ,ayaa waxaan is weydiiyey su aalo fara badan oo ku saleysan aragtideydan ,su alahaas oo ay ka mid yihiin kuwan hoos ku qoraan ,jawabtana aan u dhaafayo ,masuuliyiinta & madaxda xisbiga kulmiye & akhristaha aragtida caafimadka qaba ,

1:xisbiga kulmiye ma aaminsan yahey beesha gabooye iney yihiin muwadiniin xaq & xaquuq kuleeh xisbiga kulmiye ?

2:xisbiga kulmiye maxaa hada u diidey iney ka dhex muuqdaan golayaashiisa xubno matala beesha gabooye?

3:xisbiga kulmiye ma aaminsanyahey mar haddii aaney ka dheex muuqan xubnaha golayaashiisa xisbiga ,xubno ka soo jeeda beesha gabooye,inuu isaguna xisbi ahan qeybtiisa ka qaatey heyb-sooca & duudsiga xaquuqdii xisbi ahan loogu lahaa?

4:muxuu hada xisbiga kulmiye uu u hayaa ama uu ugu talo galey beesha gabooye ,xag siyasaded & xag horumarba ?

5:malaha xisbiga kulmiye xubnaha maamulkiisa iney ka mid noqdaan xubno beesha gabooye ,hada xaqba uma laha ee marka uu ku guuleysto hogaanka madaxtinimo ee jsld ayaa xaq lagu leehyahey ?

6:xisbiga kulmiyoow ,waxaasaan idiin qaban doona miyaaney ka habooneyn waxaan baan hada idiin qabanayaa ?


guntii & gaba gabeyntii waxaan su aalahaas jawaabtooda u dhaafaya ,iney iiga soo jawaaban masuuliyiinta & madaxda xisbiga kulmiye & akhristaha fikirka caafimaadka qaba ,

 


wabilaahi towfiiq,


qore(barkhad xaaji cabdi,mr gaboye,
ontario canada
email:abokoriye1@hotmail.com
email:mrgaboye@hotmail.com