Maraykanku isagoo Sudan Aqonsan ayuu South Sudan gooni isutagedana ka shaqaynayey

 


Shacbiga Somaliland ha ogaadaan in aanay jirin cid bedeli kartaa aaya ka tashigoo da iyo go,aanka g o oni isu taagooda ee ay qaateen, arinta aqoonsiga Somalia ee Maraykank una yaa nay idin mashquu lin waxaa buunbuuninaya kooxaha mucaaridka ee mucaaradnimada u qaatay in sha cabka la mooral jebiyo oo tacabkoodii laga dhigo waxaan jirin, waxaa nasiib xumo inagu ah in aan weli siyaasiyiinteen u kala baranin hadalada ku haboon in xukuumad lagu mucaarido iyo hadalada qaranka iyo jiritaankee na dhaawacaya ee u adeegaya cadowgeena.

Wadanka Maraykanku wuxuu yidhi tan iyo 1991kii waa xukuumadii ugu horaysay ee aanu aqoons ano ee Somaliya taasina macneheedu waxa weeye xukuumadihii ka soo talinayey Somaliya intii ay burbu rka iyo fawdadu ka jirtay maanu aqoonsanayn laakiin xukuumadan oo magacii ku meel gaadh nimada ka gudubtay ayaanu aqoonsanay dhinaca kalena mar qudha wasiirka arimaha dibeda Mara ykan may soo hadal qaadin inay ka bexeen heshiiskii ay ku ogolaadeen in Somaliland iyo Somaliya ku wada hadl aan oo aayahooda kaga tashadaan iyagoo laba dhinac ah, waxaan xusid mudan in Mrs. Cilinton ay go ob joog ka ahayd heshiiskaas xiligii uu ka dhacayey london 23/02/2012 iyadoo ahayd xubnaha ku adk aysanayey in Somalia ay kumeel gaadhnimada ka baxdo lana sii wado wada hadalada labada dhinac.


Waxaa halkaa ka cadayd in dawladaha caalamku ay wadahadalada labada wadan ee Somaliland & So malia danaynayaan faragelina aanay ku samaynayn ee iyaga isu deynayaan sidaa darteed ma jirto sabab ay masuuliyiinta mucaaradku shacabka niyada uga dilaan oo ay saxaafada ugu mariyaan Som aliland way u dhamaatay, waxaad moodaa in masuuliyintaasi aanayba fahmin wixii laga wa da hadlay ee keliya ay ku soo duushay Somaliya ayaa la aqoonsaday, waxaa kaloo jirta in BBC laanta Afsomal igu ay si badheedha cadow ugu tahay qadiyada Somaliland iyagoo yidhi Helery Cilin ton waxay tidhi way dhamaatay habkii ( Dual Track Policy ) ee aanu dhinacyada Somaliya kula dha qmi jiray,, iyadoo arinkaasi uu yahay been oo aanay Helery Clinton sooba hadal qaadin balse ay tidhi

waanu ku faraxsanahay in Somaliya oo dhinacyo badan u kala burbursanayd inay madaxweyne qudh a yeesheen arintaas oo aanay qadiyadeena waxba ka khusayn ee ay ku egtahay kooxihii hogaan ka Somaliya ku hirdamayey.


Waxaan mar labaad Shacbiga Somaliland leeyahay idinkoo feejigan oo qadiyadiina si wada jira u ilaas hanay shacab iyo xukumad iyo asxaab qaranba hadana marna ha u dhega nuglaanina shakhsiya adka saxaafada idiin soo mariya waxyaabaha mala awaalka ah ee aad moodo inay aaminsan yihiin inaynu nahay dad qadiyadooda iyo jiritaankooduba uu ku baabi karo hadal meel laga yidhi, waxaan aad ugu amaanayaa Siyaasiga Ali warancade oo si adag uga hadlay xili horena yidhi xataa dagaal baanu ka xignaa halka Faysal aamin sanyahay in jiritaankeena hadal burburin karo, waan leeyahay Faysaloow Quwada aad sheegtay ee Aduunku waa Maraykane iyagoo aqoonsan Sudan ayay ka sh aqaynayeen South Sudan gooni isu taagto, iyagoo aqoonsan Serbia ayay ka shaqaynayeen in Ko sovo gooni isu taagto markaa adeer umada niyada ha dilin cadwoguna yuu u qaadan inaynu nahay nahay dad badh aq nugul oo si yar ku burburi kara.

 


Halkan waxaad ka daawan kartaan Video dhamaystiran oo ah hadalkii Mrs. Cilinton
 

 

 

 

 

 

 

Abdirahman Ali Ubaxle
Gudoomiyaha Qurbajooga Sland EU
Birmingham Uk.