Maraykanka oo ka
Baaraan-degaya sidii Taageero u siin
lahaa Madax-bannaanida Somaliland
Masuuliyiinta Maraykanka ayaa
imika ka baaraan-degaya sidii dawlada Maraykanku taageero u siin
lahayd madax-bannaanida Somaliland kadib markii Maraykanka iyo
xulafadoodu ay ku guul daraysteen inay deganaansho ka abuuraan
Soomaaliyada ay dagaaladu aafeeyeen. Maraykanku wuxuu isha ku hayaa
gooni isu taaga Somaliland oo uu arko inay tahay goob cusub oo
Istaraatiiji u ah arrimaha gobolka geeska Afrika. Waxaana taa
cadaynaya kulankii uu dhawaan Madaxweyne Rayaale kula yeeshay
Djibouti Senator Russ Feingold.
Sidaa waxa lagu sheegay warbixn lagu qoray warsidaha Medheshi oo ka
soo baxa Itoobiya, warbixinta oo Cinwaan looga dhigay “Dawladda
Maraykanka oo indhaha ku haysa Somaliland” waxay tidhi:-
“Somaliland waa inay noqotaa dal madax-bannaan” sidaa waxa yidhi
sarkaal ka tirsan wasaaradda difaaca Maraykanka oo u waramayay
jariirada Washington Post.
Somaliland waa maamul ka dhisan dhinaca waqooyi galbeed ee dalkii la
isku odhan jiray Somalia oo ku doodaysa inay ka madax-bannaan tahay
Somaliya. Dalkan ka go’ay Somaliya 1991-kii oo ay ku nool yihiin dad
gaadhaya 3.5 milyan qof ayaan loo aqoonsan si caalami ah.
Masuuliyiinta dawlada Maraykanka ayaa waxay imika ka fikirayaan
sidii ay dawladoodu taageero u siin lahayd madax-bannaanida dalka
Somaliland. Waxay qabaan in Somaliland ay ka ciyaari karto door wayn
gargaar milatari oo uu Maraykanku ka fulliyo gudaha Soomaaliya.
“Waa in aanu wax la dhisnaa maamulada shaqaynaya oo aanu ka
hortagnaa khatarta gobolada aan xasiloonidu ka jirin, gaar ahaan
inta ku teedsan Muqdisho” sidaa waxaa yidhi sarkaalkaas ka tirsan
wasaaradda difaaca.
Hogaamiyayaasha Somaliland ayaan iyagu ku dhex milmin dawlada dhexe
ee ku meel-gaadhka ah ee Somalia. Dalkani wuxuu ka badbaaday inta
badan qaska iyo qulqulatooyinka saameeyay Somalia tan iyo markii ay
dawlada la deriska ah ee Itoobiya u dirtay ciidamada gudaha Somalia
si ay meesha uga saaraan Maxaakiimtii Islaamka iyagoo garab siinaya
dawlada ku meel-gaadhka ah ee Somalia. Tan iyo wixii intaa ka
dambeeyay, Somalia waxay ku dhacday bohol dheer, waxa maalin walba
ka socda dagaal iyo toogasho.
Qorshaha Pentagon-ku ayaa la kulmaya diidmada ka timid wasaarada
arrimaha dibeda oo iyadu aaminsan in Washington aanay aqoonsan karin
Somaliland ilaa uu marka hore Midowga Afrika aqoonsado.
“Ma doonayno inaanu ka hor dhacno urur qaaradeedka Midawga Afrika
arrin sidan oo kale muhiim u ah” sidaa waxa tidhi kaaliyaha arrimaha
dibeda Maraykanka ee Afrika, Jendayi E. Frazer oo u waramaysay war-baahinta.
Sarkaal ka tirsan wasaaradda difaaca Maraykanka ayaa sheegay inay
jirto caqabad hortaala, taas oo ah in Somaliland ay tahay dal aan la
aqoonsanayn.
Masuulkan ka tirsan wasaarada difaacu wuxuu sheegay in siyaasadii
ahayd in marka hore loo meel dayo Soomaaliyada burbursan ay noqotay
siyaasad guul daraysatay.
Dhinaca kale, ciidamada Maraykanka ee ku sugan Jabuuti ayaa aad u
doonaya inay is kaashadaan Somaliland. “ waanu danaynaynaa
Somaliland, waxaanu sugaynaa oo kaliya in dawladayadu na siiso
ogolaansho” sidaa waxa yidhi Bob Wright oo ah madaxa xidhiidhka
istaraatijiyadeed ee ciidamada isku dhafka ah ee geeska Afrika.
Ciidankani wuxuu ka kooban yahay 1,800 askari oo Maraykan ah oo
gobolka ka fulliya tababaro milatari iyo mashaariic dib u dhiseed.
Waaheen
|