Maraykanka oo Aqoonsaday Dowladda Somalia

Washington-DC (TNN)-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay si rasmi
ah u aqoonsat ay dowladda Soomaaliya, isla markaana ay labada wadan
u bilowday waa cusub iyo xiriir cusub oo dhinaca diplomaasiyadda ah,
markii ugu horeysay muddo 20 sanadood ka bad an.
Xoghayaha arimaha dibadda ee Mareykanka Hillary Clinton ayaa
hadalkan ku dhawaaqd ay, ka dib kulan ay Washington kula yeelatay
madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud maanta oo Khamiis ah.
Shir Ja’raid oo ay si wada jir u qabteen kulankooda ka dib ayey Mrs.
Clinton ka sheegtay in dowladda Mareykanka ay hadda wixii ka
dambeeya dhageysan doonto ulana macaamili doonto Soomaalia, sidii
laba dowladood oo xur ah oo uu xiriir wanaagsan oo saaxibtinimo uu
ka dhaxeeyo.
Mar ay VOA-du weydiisay Mrs.Clinton, waxay dowladda Mareykanka ay ka
yeeleyso, siya asadii laba geesoodka aheyd ee ay kula macaamileysay
dowladda Soomaaliya iyo maamul ada kale ee dalka ka jira ayey ku
jawaabtay in waqtigaa laga soo gudbay soomaaliyana uu u baryay waa
cusub, dowlad rasmi ahna ay u dhalatay, taasoo loga fadhiyo wax ka
qabashada mustaqbal dadkeeda, mareykankana uu ku taageerayo.
Wareysi ay VOAda la yeelatay madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh
Maxamud ay uu sidoo kale ku sheegay, in aqoonsiga dowladda
Mareykanka ee dowladiisa ay tahay ta laabo horey loo qaaday oo si
guud wax ka tareysa horumarka diplomaasiyadeed ee dow la dda iyo
Shacabka Sooomaaliyeed.
Kulanka ay maanta oo Khamiis ah yeesheen Mrs. Clinton kyo Madaxweyne
Xassan Sheek h ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay yeeshaan tan iyo
markii loo doortay madaxweynenimada sanadkii la soo dhaafay.
Source: VOA
|