Mar
danbe ma aamineyno in anu axdi iyo heshiis la galno horjooga ah
Madarka Xamar Xassan Sh..
Anigoo ku hadalaya magaca xisbiga qaran ee UCID laamihiisa
Iskandanivika islamarkan ah gudo omiyaha Xisbiga UCID ee
dagaamadaasi waxanu halkan si kal iyo laab ah hambalyo iyo bogaadin
hawada uso marineyna dhamaan shacabka somaliland ee daafaha
dunidiisi ka damaashadeyd ee nasiibka u helay in ay ka qeyb qaatan
munaasabadan labo iyo labaatanaad ee kaso wareegtey maalintii aynu
ku dhawaaqney gooni isu taaga JSLand.
Mar walba wuxu xisbiga qaran ee UCID u taagan yahay oo u taageeraya
islamarkan garab iyo gaashan ba siineyna xisbiga iyo maamulka u
hiiliya qadiyada somaliland islamarkan kor u qaada, waxanu ka so
horjeedna cid wal oo dhibaato iyo afagalin ku sameysa jiritaankan
somaliland, wuxu xisbiga UCID taageersan yahay in maalinta 18 May
kor loo qaado xusideeda iyo damaashadkeedkeeda si cadawga somaliland
cadhuuftiisa dibu u liqo sida maanta ba dhacday ee ad waad la
socotan inu horjoogihii Madarka Xamar dhiigiisi boqol gaadhey markuu
daawaday shaashadaha Tviyada iyo wabebka damaashadka iyo horumarka
ay JSLand gaadhey iyo geedi socdka horumarka wadanka ka socda,
maanta wuxu ogaadey horjoogaha Madar Xamar inu cidla joogo oo anu
bugcad yarna ka talin taasa qeylo dhaanta iyo afxumada ka keentey
iyo awood dardiisa maamulkiisa ka muuqata.
Waxanu fariin u direyna horjooga Madar Xamar Xassan Sh oo anu
leenahay sidatan
Xisbiga UCID iyo taageerayaashiisu iyo dhamaan shacabka somaliland
marna raali ka noqon maaayan afxumada, aflagaadada, faragalinta
badheedka ah ee ad dalkeyaga iyo dadkeyga ad ku hayso adigoo anu
ognahey xaaladaha ad kusugan tahay iyo awood darida maamulkaaga.
Anagoo og sidii laguso doortey iyo habdhaqankiisa iyo xaalada
rasmiga ah ee uu ku sugan yahay maanta maamulkiisu waxanu caalamka
iyo dalalka anu jaarka nahay ba u sheegeyna in aanan u aqoonsaneyn
madaxweyne soomaliyeed oo la so doortey islamarkan an ka midho
dhalin karin heshiisyadii la kala saxeexday ee Turkiga iyo London ku
dhex marey dawlada somaliland iyo maamulka madarka Xamar..
Waxa maanta marag ma doonta ah inu dhawr qodob oo dawladeenu la soo
saxeexatey oo ka mid aha qodobadii lagu heshiiyay u buriyay taasina
inuu muujineyso habdhaqankiisa mas'uuliyad daro iyo shakhsiyadiisa
ba somalidu waxay tidhaahda NINKAAD GABAHA KA TOLANEYSO KABIIHIISA
LA EEGA, Waxa iyana nasiib daro ah ila maanta dawladeenu kama
jawaabin qodobadaasi u buriyay, runtii xisbiga UCID wuxu aaminsan
yahay in anu aheyn madaxweyne Axdi iyo heshiis midna lala gali karo
maanta wixii ka danbeya, waxanu ka codsaneyna dawladeena iyo
madaxweynaheena mudane Axmed Mohamoud Siilaanayo inu jawaab waafiya
ka bixiyo hadaladaasi aqoondarada ah ee ka soo yeedhey horjooga
Madar Xamar.
Waxan kuso gabagabeynayaa qormadeydan in an mar danbe la hor
fadhiisan horjoogaha madarka xamar oo dawladeenu go'aan adag iska
taagta islamarkan caalamka laga ashkateya oo kuwii dhexdhexaadka inu
aha loo sheega inta qodob ee u buriyay ila maanta waxnu leenahay No
more wada hadal danbe ila caalamku ogaaneya inu yahay Axdi laawe
Xassan Sh oo an la aamini karin ba..
Hambalyo iyo Bogaadin baanu hawada usoo marineyna shacabkeyaga iyo
dawladeyda iyo saaxiibadeyda jecel jiritaanka somaliland ee dhan
walba naga taageeraba.
Omar Darood Hassan
Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Nordic
Norway
|