Maqaalkan kooban waxaan jeclaan inaan ku bayaamiyo mawqif   kayga iyo qorshahayga ku aaddan Madaxbaaninada iyo Ictiraafka Raadinta Somaliland

 


Hargeysa (TNN)-Horta Somaliland dal ma tahay mushkiladu weyni maaha, waayo weynu buuxinay shur uudaha dal lagu noqdo, oo ah: Dhul (territory), dad (population) ku nool dhulkaas iyo dawlad iyo  maa mul dhulkaas dadku ku nool yihiin ka taliya. Dhulku waa dalkii loo yaqaanay British Somaliland  Protector ate ee xornimada ka qaatay Dawladii Ingiriiska 26kii Juun 1960 iyo xudduudiisii wakhtigaas ee ay dhawr iyo labaatanka dal ee Ingiriisku ku jiro aqoonsadeen. Dadkuna waa inta xudduudaas ku kool, dawladuna waa Xukuumada Somaliland iyo labada Gole Qaran oo leh Dastuur afti dadweyne lagu ansixiyay. Caqabadaha ugu weyni waxay yihiin:


Qaraar (UN Resolution) Boutrous Boutrous-Ghali soo saaray 1991 oo odhanaya waa in la ilaaliyaa midnimada iyo qaranimada Soomaaliya oo si khaldan loo fasiray, loona qaatay.

Shaki ay waddamada qaarkood ka qabaan in haddii Somaliland la aqoonsado ay horseedi doonto in deegaano kale goostaan.


Arrintan dambe waxaa meesha ka saaray Warbixintii Somaliland ay ka qoreen Guddigii Xaqiiqo Raadiska ahaa ee uu hogaaminaya Mudane Patrick Mazimlaka ee Somaliland yimid May 2005. Warbixintani waxay Midowga Afrika u soo jeediyeen in arrinta Somaliland tahay mid gaar ah oo aan lala xidhiidhin karayn in ay horseedi doonto deegaamo kale oo goosta, loona baahan yahay in Midowga Afrika uu xal degdeg ah ka gaadho (the situation was sufficiently “unique and self-justified in African political history” that “the case should not be linked to the notion of opening a pandora’s box and it recommended that the AU “should find a special method of dealing with this outstanding case” at the earliest possible date.

Arrinta horena waxaa jira in maanta caalamku soo fahmayo in Somaliland tahay waddan ka baxay  mid ow dhicisoobay (failed union) ee aanu ahayn dal goostay. Waxaa markhaati u ah, taageerada iyo  saax iibada Somaliland ee isa soo taraya. Waxa jira kooxda ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska (All-Party  Parli amentary Group on Somaliland) ee u ololeeya ictiraafka Somaliland ee uu hoggaamiyo Mudane Allen  Mi chael oo ah Xildhibaan ka tirsan Xisbiga Labour-ka lagana soo doorto Magaalada Cardiff iyo weliba  xil dhibaano badan oo ku jira Baarlamaanka Yurub sida Dr. Charles Tannock oo ka tirsan Xisbiga  Conserva tive-ka ee Ingiriiska oo ka mid ah xildhibaanada daneeya aqoonsiga Somaliland.

Waxaa iyana qadiyada Somaliland soo dhaweeyay Madaxa Xisbiga Green Party ee dalka Belgimka, iyo xildhibaano kale oo ka tirsan xisbiyada Social Democrats ee Finland iyo Norway. Waxa kale oo jira in 2007, Kooxda Xisbiyada Liberal-ka ee Baarlamaanka Waddamada Yurub (European Liberals) ay  shirwe ynahoodii ka soo saareen qaraar shirweyne (conference Resolution) oo ugu baaqaya Midowga Yurub in Somaliland la aqoonsado. Booqashadii Dr. Jendayi Frazer, Kaaliyahii hore ee Xoghayaha Arrimaha  Di beda ee Maraykanku ku timid Somaliland 2007, waxay ahayd iyana isbedal ku yimid siyaasadda  arrina ha dibeda Maraykanka ee ku wajahan Somaliland iyo Soomaaliya loona baahan yahay in laga  faa’iiday sto.

Inkasta oo aynu haysanay fursado fiican iyo saaxiibo badan, waxaan aaminsanahay inaynaan ictiraafka sidii la rabay ugu hawl galin. Xisbi ahaan iyo shaqsi ahaanba waxaanu muhiimad gaar ah siin doonaa  ict iraaf raadinta. Waxaanu garaaci doonaa albaab walba, kana dagaal geli doonaa furin kasta, anagoo  hi rgelinayna siyaasado iskaabaya (well-coordinated policies) oo ku wajahan ictiraafka raadinta  Somalila nd. Waxaan ku rajo weynahay inaynu ictiraaf dhakhso ah heli doono.

Afrika & Midowga Afrika: Waxaanu ka daba tegi doonaa warbixintii Guddiga Xaqiiqa Raadiska oo muddo badan iska taalay Golaha Midowga Afrika, una hawl geli doonaa sidii Ururka Midowga Afrika uu cod ugu qaadi lahaa qadiyada Somaliland, iyo weliba sidii ay Somaliland u heli lahayd Observer Status inta arrintan go’aan laga gaadhayo.

Ingiriiska: Waxaynu u baahanahay dawlad awood leh oo inoo ololaysa (Powerful lobby) sidii East Timor u lahayd Australia. Maadaama Ingiriisku yahay dalkii aynu xornimada ka qaadanay, jaaliyad weyn iyo saaxiibo badan aynu ku leenahay, waxaanu xidhiidh sokeeya la samaysan doonaa dawlada cusub ee Ingiriiska kana codsan doonaa inay waddamada Afrika iyo kuwa Barwaaqosooranka (Commonwealth) ay ku dhiiri geliso sidii ay Somaliland u aqoonsan lahaayeen. Waxaanan dhawaan warqad arrintan ku sahabsan u qoray Mr. Henry Bellingham, Wasiirka Afrika (Minister for Africa). Waxaa kale oo aanu la shaqayn doonaa, xoojinna doonaa anagoo adeegsanayna jaaliyada deggan Ingiriiska kooxda All-Party Parliamentary on Somaliland si tiradoodu u gaadho 45 xildhibaan si ay xaq ugu yeesheen maagelin  dha qaale oo ay ka helaan Galaha Wakiilada si ay ugu fududaado ololaha ay inoogu jiraan.

Maraykanka: anagoo halkii ka sii ambaqaadayna booqashadii iyo xidhiidhkii Dr. Jendayi Frazer, waxaanu qorshayn doonaa inaanu xidhiidh fool-ka-fool ah la yeelanayo Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibeda ee Arrimaha Afrika, Mr. Johnnie Carson, si aanu uga dhaadhicino, in Somaliland madaxnanaan, xasiloon oo dimuqraadi ah ay wax weyn ka tari doonto xalinta mashaakilka ka oloosan gobolka Geeska Afrika.

Midowga Yurub: Ururka Midowga Yurub wuxuu qaatay Qaraarkii Boutrous-Ghali, waxaana loo baahan yahay sidii qaraarkaa loo burin lahaa (repeal) si waddamada Yurub xor ugu noqdaan go’aanka uu dal waliba ka qaadanayo arrinta Somaliland sidii Kosovo, markii ay siyaasad midaysan ka yeelan waayeen uu wadan weliba go’aan gaar ah ka qaatay mid aqoonsada iyo mid diidaba (sida Spain). Waxaanu olole baaxad leh ka dhex samayn doonaa, Baarlamaanka Yurub, anagoo adeegsanayna saaxiibada reer  Yur ub ee aan kor ku soo sheegay.

Carabta: waxaanu u sheegaynaa inayna wakhti iskaga lumin midnimada Soomaaliya, soomaaliduna ay noqon karto waddamo jaar ah sida Kuwait, Qatar, Bahrain iyo Saudi Arabia u yihiin waddamo jaar ah, carab-na ah.

Soomaaliya: Walaalahayo waxaanu leenahay 1960 laba dal oo middoobay baynu ahayn, cidi nama  khas bin, doonista shacabkayaga iyo rajadii shanta Soomaaliyeed ayuu midowgaasi ku yimid. Maantana cidi nama khasbi karto, doonista shicibka ayaanu xornimadii kula soo noqonay iyo fikradii Shanta  Soomaaliy eed oo suurtoobi weyday ee laba dal oo jaara aynu ahaano.

Ilaahay baa ina aqoonsan, shuruudihii dalnimo weynu haysanaa laakiin shardiga koowaad wuxuu yahay inaynu inagu marka hore is ictiraafno, Somaliland-na ugu kalsoonaano si 100% ah oo aan lahayn laba-boglayn iyo afkana ka dheh uurkana federaal ama midnimo ka aamminsanow.

Waxaan Caalamka iyo cid walba si aan gabasho lahayn ugu sheegayaa in Madaxbanaanida Somaliland tahay muqadas aan gorgortan iyo ka noqosho lahayn, midnimo dambena ka xigno xabaal.



Wabilaahi Towfiiq


Eng. Faysal Cali Waraabe