7 wax-yaabood oo caafimaadka u xun, haddii wax yar kadib wakhtiyada cuntada la sameeyo

 

 

Waxaa jira 7 arrimood oo aan habboonayn inaad sameyso kadib markaad wax cuntid. Wa x yabaasi waa qaar keeni kara caafimaad darro haddii aad sameyso wax yar kadib cunta da gaar ahaan xilliyada cuntada culus (sida quraacda, qadada ama cashada).
 



Marka 1aad, ha cabbin SHAAH cutada kadib. Maxaa yeelay? Shaahu wuxu leeyahay Aysi dh (acidic). Markaa haddii shaaha la cabbo cuntada dabadeed, waxaa dhacda in Borotiink a (proteins) aynu quudanno uu ku dhib ku noqdo dheefshiidka, waayo Borotiinka ayaa no qda mid qallafsan oo adag. Sida awgeed waxa wacan in ugu yaraan saacad cuntada kadib shaaha la cabbo.



2aad, ha cunin khudaarta/midhaha (fruits) isla marka aad cuntayso kadib. Dhakhaatiirtu waxay dadka kula dardaarmaan inay khudaarta cunaan, waxayse had iyo jeer iloobaan in ay u sheegaan oo talada ay u raaciyaan waxyeelada caafimaad ee ay leedahay haddii cun tada kadib la cuno. Waxa habboon in khudradda la cuno cuntada horteed. Haddii khudrad da (marka laga reebo Timirta iyo Muuska) la cuno kadib marka la cunteeyo waxay taasi gaas ku sameysaa caloosha . Sidaa daraadeed waxa habboon in khudaarta muddo saacad ah ama in ka badan laga dambaysiiyo cuntada.
 



3aad, ha cabbin SIGAAR kadib marka aad cuntayso. Shaki kuma jiro in sigaarku marwalba uu caafimaadka waxyeelo u leeyahay, laakiin haddii aad Sigaar cabto cuntada dabadeed, xabadda qudha ee sigaarka ahi waxay la waxyeelo tahay oo ay u dhigantaa 10 xabbado od oo sigaar ah. Sidaa awgeed haddii aad sigaar cabtid cuntada kadib waxa sii kordha oo laba jibbaarma halista aad ugu jirto inuu kugu dhici karo xanuunka Kansarku.

 



4aad, ha SEEXAN cuntada dabadeed. Maxaa yeelay? Nafaqooyinkii ku jiray cuntadu ma he layaan dheefshiid wanaagsan. Haddii aad toos u tagto sariirta cuntada kadib, taasi waxay kuu keeni kartaa boog-calooleed (stomach ulcers) iyo infakshan xiidmaha ku dhaca (intes t inal infections). Hurdada degdega ah ee xilligaa cuntada kadib waxay kaloo sababtaa mii saankaaga oo cuslaada ama buurni xad-dhaaf ah (Obesity). Wax kaloo aad samaysaba, ( ha ahaato inaad Tv-ga daawato, inaad wax akhristo ama inaad asxaabtaad la sheekaysat aba), laakiin fadlan marna ha seexan (inta cuntadu kugu jabayso) ilaa 2 saacadood kadib .

Duhurkii toggaa Herer haddaad qado ka soo tuurto
Hurdo laguma taamee naftaa lala tacaalaaye.

 



5aad, ha MAYDHANIN (ha Qubaysan) cuntada dabadeed, Waayo? haddii aad maydhato c untada kadib, taasi waxay kordhisaa socodka dhiigga ee gacmaha iyo lugaha taasoo keen ta inuu is dhimo socodka dhiigga ag-agaarka calooshu, kadibna uu daciifo habka dheefshii dku. Waxaa kale oo taasi sababi kartaa xannuunada ku dhaca wadnaha. Sida habbooni wa a in maydhashada aad sugto muddo 30 daqiiqadood ah kadib marka aad cunteyso.


 



6aad, ha iska dabcin ama ha furin SUUNKA cuntada dabadeed. Iska-dabcinta suunku waa astaan muujinaysa in aad dhereg xad-dhaaf ah sameysay, taasina wax fiican ma aha. Wa xa habboon in marka horeba aad cunto in kugu filan oo aan u baahnay inaad marka damb e suunka iska furto. Iska dabcinta suunku waxay xiidmaha ku keenaysaa majiirid ama mar oojin iyo xannibaad.
 



7aad, ha sameyn DHAQDHAQAAQ badan cuntada dabadeed. Haddi aad samayso Dhaqdha qaaq aad u badan, sida socod, orod iyo ciyaarta , waxay taasi sababaysaa in nafaqooyin kii uu xiidmuhu si fiican u nuugi kari waayo. Waxa dardaaran ah in ugu yaraan 30 daqiiqo aanad dhaqdhaqaaq noocaas ah sameynin. Waadse samayn kartaa socod ama jimicsi ugu yaran saacad kadib, waana arrin caafimaadka u fiican sidaasi.


Ilaahay baa qaddarka haya laakiin haddii aad iska ilaaliso ama ka fogaato 7daa Wax-yaa lood ee aan soo sheegnay taasi waxay wax weyn ka taraysaa caafimaad qabkaaga.


Wabillahi Tawfiiq


 

 


 

Qalinkii: Cali Xaruuri
Rotterdam. Holland
Adam.32@live.nl