Maleeshiyadda Puntland
Oo Weerar Gaadmo Ah Ku Soo Qaa day Ciidanka Qaranka Somaliland Ee ku
Sugan Jiidda Horre Ee Deegaanka Gambadhe

Jiida Tukaraq waxaa sanadihii la soo dhaafay uu ahaa furin dagaal.........
Gambadha (TNN)- Wararka naga soo gadaya jiidda horre ee dagaalka
ayaa sheegaya in dagaal culusi uu mar dhoweyd uu ka qarxay deegaanka
Gambadhe oo ku dhow Jiida Tukaraq oo horey la isugu horfadhiyey,
dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa in uu u dhaxeeyo ciidamadda
Qaranka Somaliland iyo maleeshiyadda Khaatumo Seeg oo gaashan ka
helaya Maamulka Majeerteeniya ee lagu magacaabo Puntland.
Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in la maqalayo dayaanka
madaafiicda, iyadda oo ay labad da dhinacba ay is weydaarsanayaan
hubka noocayaddiisa kalla duwan, waxana wararku intaas ku sii
darayaan in labadda dhinacaba ay wali ku kala sugan yihiin halkii ay
dagaalku ka bilaabmay lamna garan karro khasaaraha dhabta ah ee
dagaalkaas.
Jiida Tukaraq waxaa sanadihii la soo dhaafay uu ahaa furin dagaal oo
ay isku horfadhiyaan ciidam ada Somaliland iyo maleeshiyadda
Majeerteeniya ee lagu magacaabo maamulka Puntland.
Si kastaba ha ahaatee deegaanka Tukaraq ayaa ku taalla duleedka
magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxana Dagaalkan ka
dhacay gobolka Sool uu ku soo beegmayaa xili uu da gaal kale saaka
ka dhacay duleedka magaalada Buuhoodle.
Timacade News Desk
|