Majallad Caalami Ah Oo Faahfaahisay Ahmiyadda Casriyaynta Dekadda Berbera

 


 


Hargeysa (TNN) :- “Waxaan qorshaynaynaa inay Berbera noqoto albaabkii Geeska Afrika, s annad gudahiina aanu dejino badeecadaha kontiinarada gaadhaya 200,000 Berbera waa xa run istaraatiji ah sida Jabuuti,” ayuu sheegay Maareeyaha Dekedaha Somaliland Cali Max amed (Xoor-xoor).

Warbixin Rugta Ganacsiga, Warshadaha & Beeraha Somaliland soo saartay dhowaan kagan a hadlaysay muhiimada heshiiska maalgelinta shirkada DP World ee casriyeynta dekeda Ber bera oo lagu daabacay wargeyska Publicnow.com oo ka faalooda arrimaha ganacsiga ayaa lagu bilaabay:“Shirkada DP World iyo Somaliland waxay ku heshiiyeen qorshe lagu maal geli nayo dhaqaale gaadhaya $442 million dekedda Berbera, si wadaag ah. Heshiiskan oo qeyb ka ah hindise shirkada DP World ku xoojinayso hawlahooda Barriga Dhexe & Qaarada Afri ka, sida dekedda Dooraale ee Jabuuti, marsadda Jabal Cali ee Dubai, iyo dekedaha wadam adda Senegal, Masar, Mozambique iyo Algeria.

“Waxaan qorshaynaynaa inay Berbera noqoto albaakii Geeska Afrika, sannad gudahiina aanu dejino badeecadaha kontiinarada gaadhaya 200,000- Berbera waa xarun istaraatiji ah sida Jabuuti,” ayuu sheegay Maareeyaha Dekedaha Somaliland, Cali Maxamed Xoor-xoor.

Dekedda Berbera ayaa ku taal albaabka Badda Cas iyo marinka Suez, isla markaana ah wad do-mareenka maraakiibta ganacsiga Aasiya, Khaliijka iyo Yurub.

Berbera oo baddi loo adeegsan jiray dhoofinta xoolaha ee wadammada Khaliijka, kana soo degi jireen badeecado kontiinarro gaadhaya 40 kun sannadkii, ayaa shirkada DP World ku qalabayn doontaa kaabayaasha loo adeegsado rogista badeecadaha kontiinarada (gantry cranes) iyo nidaam casri ah oo lagu xafido badeecadaha iyo baddi aqabka loo adeegsado dekedaha.

“Qorshahani waa baahidii deked kastoo casri ah, laakiin markaan leenahay waan casriyeyn aynaa, kuna qalabaynaynaa dekedda Berbera sidii ay u noqon lahayd xudun ganacsi, macn aheedu maaha, inaanaan qorsheyaal u hayn horumarinta kaabayaasha kale,” ayuu sheeg ay Afhayeen u hadlay shirkada DP World.

Heshiiska qoraalka hordhaca ee ay kala saxeexdeen shirkada DP World iyo xukuumadda So maliland, ayaa $442 million lagu maalgelin doonaa horumarinta dekeda Berbera iyo ganacsi ga Geeska Afrika. Heshiiskan hordhaca ayaa bilow u ah qorshayaal maalgelineed iyo heshii syo horumarineed sharci ah oo laba dhinac si dhammaystiran u wada saxeexan doonaan.
Heshiiskan ayaa taageeri doona aqoonsiga Somaliland ee beesha Caalamka, ka dib muddo 25 sannadood oo dal madaxbanaan aan aqoonsi haysan u socdeen. Waa heshiiskii ugu qii mo badnaa abid iyo cod kalsooni siinaya awooda Somaliland ee ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonida xuduudahooda.

Dekeda Berbera ayaa muhiim u ah wadammada aan baddaha lahayn e egobolka, isla marka a na heshiiskani waxa qeyb ka ah abuuritaan goob ganacsiga cashuurta ka caagan (free trade zone), ayey DP World sheegtay.

“kalsooni weyn ayaan ku qabaa Afrika, waa qaarad fursado badan yaalaan,” ayuu yidhi Gudoomiyaha DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem. Isagoo raaciyey, “Geeska Afrika waxay xidhiidh ganacsi wadaagi jireen Dubai, heshiiska casriyeynta dekedda Berbera wuxuu dhisi doonaa xidhiidhkii dhaqan ee u dhexeeyey bulshada Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.”
 


Source: Wargeyska Dawan