Ma-hadhooyinka Xukuumada iyo Maalmihii Tegay. Qaybtii 2aad

Waa qormooyin taxane ah oo aan ku iftiimin doono ma-hadhooyinka
xukuumada ee 913kii maalmood ee la soo dhaafay kuna beegay 27/januarey/2013
oo ay 2 ½ sano jirsatay xukuumadani
Waad fahmi kartaa halista uu leeyahay ciidan shisheeye oo hubaysan
oo soo galay dalkaagii , adna aanad ka warqabin iyo sida uu ufulin
karo dhamaan danaha uu kaleeyahay ilaa uu ka gaadho. Wax lala yaabo
ama lafogaystana maaha in jabhadani marin karaadiso somaliland
sababtoo ah; wuu garan karaa ninka jabhadka ahi sida uu u helayo
marinka xeradiisa iyo sida uu uga guulaysan karo cadawgiisa , horaa
loo yidhi “ carab lo’aad caws looma tilmaamo”.
Sahankii kasoo horeeyay waxay arkeen habacsanaanta iyo kala
daadsanaanta xukuumada, waxay u noqotay fursad ay ka faa’idaystaan’
run ahaantiina wuu u hirgalay qorshohoodii.
Tamartii iyo awoodii xukuumaduna waxay kusoo kaliyawday inay
wargaliso dawlada deriska la ah ee Ethiopia, isla markaana ahayd
yoolkii iyo bardhamaadka safarka ciidamada la sheegay in tababar
loogu soo xidhay dalka Eritrea.
Haddaan halkaas ku dhaafo jabhadda iyo xaalkeeda.
Xukuumada cusbayd waxay ku mashquulsanayd; shaqaale hoosaadkii ay
ugu timi xafiisyada sidii ay uga saari lahayd shaqooyinka
abaalmarinana usiin lahayd mujaahidiintii kulmiye ( magaca mujaahid
hadda wuxuu noqday eray qofkii dan lihiba isku amaano, halkana waxay
ug jirtaa qoladii kulmiye mucaaradka la ahayd, oo ayagu isu yaqaan)
Madaxdii la doortay waxay ilaaween masuuliyadii ay ummadda u qaadeen,
waxay kaseexdeen sugidii amaanka muwaadinka , ilaalintii
dhawrsanaanta dhulka iyo xuduudaha dalka, hees xaliimo khaliikh ku
luuqayso ayay midhaheedii kamid ahayd “ nin lagu seexdaw ha seexan”.
Maalintaa 13- Sep -2010, waxay baraarujisay shacbigii dalka ku
dhaqnaa, waxaa hoos u dhacday rajadii buurnayd ee ay kaqabeen
balanqaadyadii tirada badnaa ee ay sameeyeen. Dadka qaarkoodna waxaa
u xaqiiqoobay male ay qabeen oo ahaa ‘ inaan kulmiye dalka ku soo
kordhin doonin wax hor-u-socod ah dib-u-dhac mooyaane’ ayagoo dib u
jaleecaya mudadii somaliland jirtay iyo marxaladhii ay soo martay
qaarkood ay ka jilicsanayd maalintaa, hadana aanay marna soo
hungarayn ONLF iyo kuwa kale toona.
Waxayna garteen inaan cidina dalka u maqnayn xoogsato macaash iyo
magac doona mooyee. Sidoo kale waxaa meesha iyana kabaxday
kalsoonidii laga qabay sirdoonka qaranka oo ayagu lahaa inay soo
ururiyaan,xuuraamaan ama ogaadaan xogta kusaabsan, sheegaana
imaanshiyaha ciidanka qalaad ee sida sharci darada ah ku soo galay
dalka.
Dadkuna weli waxay is weydiiyaan xageebuu jiray ciidankii sirdoonku,
mudada ciidan shisheeye oo xadigaasi ka soo degeyeen kana
talaabayeen xuduudka.
Taliyihii sirdoonku kama hadlin dhacdadani lama dhaafaanka ah,
ummaddana umay soo bandhigin waxay ku qancaan.
Si kastaba ha ahaatee xeer Lr.59/2012 oo ah xeer lagu unkay haayada
sirdoonka qaranka (National Intelligence Agency)
9-Jan-13.madaxweynuhu qalinka ku duugay dhaqan galkiisa ayaa
ciidankii sirdoonka u badalay haayad madaxbanaan.
Inagoo og mogaanta ciidanka ee xaalada dalka,horena usoo xusnay
dhacdooyin uu ku fashilamay ayaa xeerkani waxaa kujira qodobo dhiig
bax ku ah xoriyatul qawlka iyo saxaafada xorta ah.
Waxaana cadaatay in dawladu u aragto cadawgooda koowaad inuu yahay
shacabkii soo doortay,noqotayna dawlad dagaal siyaasiya kula jirta
dadkeedii.
Doqontu waxay leedahay baa layidhi 9 indhood, 8 kamida sokeeyahay ku
eegtaa midhka soo hadhayna qodaxday iskaga eegtaa. Waxaa hadda
kadhigan xukuumadeenan aan indhaha u lahayn cadawga dalka.
Waxaa kaloo ayaan darro ah; golihii wakiilada ee loo igmaday curinta
iyo dejinta shuruuc wax tar leh in dood la’aan iyo duuduub lagu
dhaafiyo xeerar u adeegaya ashkhaas gaara. Tolow ma la isweydiiyay
inta xeer ee duuduub lagu ansixiyay mudadii xukuumadani jirtay?!
Dood la’aan taasi waxay muujinaysaa xidhiidhka dhaw ee kadhaxeeya
golohooda iyo xukuumad. Guurtida ayaga hadalkooda dhaaf.
……..Lasoco........
S/Maxamed C/laahi Xasan
Burco, Somaliland.
Sayidmaxamed22@gmail.com
|