Ma-hadhooyinka Xukuumada iyo Maalmihii Tegay.Qaybtii
1aad

Waa qormooyin taxane ah oo aan kusoo bandhigi doono ma-hadhooyinka
xukuumada ee 913kii maalmood ee la soo dhaafay kuna beegay 27/januarey/2013
oo ay 2 ˝ sano jirsatay xukuuma dani
Waxaa laga joogaa 27-July-2010, xiligaas oo ay xilka lawareegtay
xukuumadani 913 maalmood una dhiganta 2 sano iyo badh, mudadaasi
waxay lahayd mahadhooyinkeeda iyo xasuusteeda u gaarka ah,hees uu ku
luuqeeyo maxamed axmed kuluc midhaheedana uu leeyahay abwaan xuse en
aw faarax ayaa tidhaa:-
Sanad waliba hoodiyo
Hawl iyo dhibaatiyo
Wuxuu hadimo leeyahay
Waa laga helaayoo
Hadhaw lagu xasuuustaa.
Hadaba sanadahaas u danbeeyay jSl wixii somaray ee hoodiyo wanaaga
xukuumada ayaa isha iyo gacntaba ku haysay waxayna saartay waynayso
(Microscope) ay ku tilmaamayeen wax-qabadka xukuumada.
Aragtidooda ka maamul ahaan aan u dhaafno taa ayaga, maadaama
shacabku uu yahay daneeyaha wanaaga iyo hurumarka waxay si wacan ula
socdaan dhaqaaq kastoo kasoo fulaya xafiisyada dawlada,ama ay soo
bandhigaan waxayna ku qiimeeyaan halbeegii dhabta ahaa ee ku
haboonaa, jawaabtedana ayagaa bixiya .sidaa daraadeed kagama hadlayo
qormadan taas.
Laakiin waxaan taxanaheenan kusoo bandhigi doona mahadhooyin curad
ku ah dalka oo ay masuulka ka ahayd, qaar kale oo ay gacan dadban
kula jirtay iyo kuwa ay kagaabisay wax ka-qabashadeeda. bal aan dib
umilacsano maalmaahas si aynu wax uga ogaano xaaladaha siyaasadeed
iyo nabadgalyo-darro ee ina la soo dersay iyo hababkii loo maareey.
Ujeedada qormadan;
Qormadaydan waxay tuse ama hagaal u tahay dhamaan cidii danaynaysa
ee jecel wanaaga dalka kana mida kawa masuuliyadu saarantahay ,
waayo waxay soo taxaysaa dhacdooyin lasoo dhaafay, intooda badana ay
shacabka ku reebeen murugo iyo uur kutaalo, si looga hortago falal
aan raali laga ahayn oo dib usoo laabta. Lana awdo gol
doloolooyinkii,isla mar ahaantaana laga faa’idaysto casharadii laga
bartay. Waayo taariikdu waxbay hagtaa, runtii waa arrin aad u qiimo
badan in la ururiyo oo la kaydiyo dhacdooyinka inna soo maray.
Waxaa suura gala inay dadka qaar ka xajiimoodaan ama ay dhibsadaan
waase daawo aanay garanayn, hubaal weeye inay kuwaasi yihiin ku wa
hagardaamada iyo burburka dalka la doonaya. Sidana xasaanad iyo
masuuliyad qaran. ama kuwo hayb iyo dhuuni kuraacay.Waxaa kamid ahaa
gabaygii Qamaam bulxan ee silsiladii GUBA
Baadida nin kula doonaa jira * Daalna kaabadane
Oo inaad hesho doonayn * Daa’im abidkaaye.
Waxaa hadda ka dhigin qolyahan majarihii dalka haye ee ummadda u
muujisanaya wanaaga isla mar ahaantaana qaadaya dhabihii burburka.
Haddii aan u daadago, dhacdooyinkii dalka soomaray oo badnaa
daraadeed waxaan gaar u calaamadiyo kuwana:
1. Soodegidii ciidamada ONLF
2. Bilawgii Dagaalkii kalshaale
3. Xadhigii iyo cabudhintii saxaafada
4. Aasaaskii maamul gobaleedyada
5. Ka qayb galka shirarkii maamul goboleedyada
6. Shaqaaqadii ceel bardaale iyo seemaal
7. xatooyada raashinkii mucawinada ahaa
8. Dhacdadii wershada kabista
9. Doorashadii iyo casharadeedii
1. Ka soo degidii ciidamada ONLF ee xeebaha Saylac
13-Sep -2010 waqti maalinimo ah ayaa xeebaha saylac ay kasoo degeen
laba doonyood oo siday ciidamo jabhadda ONLF ah tiridooduna lagu
qiyaasay 200-250 askari .
Jabhadani dagaal kulama jirin Somaliland,wanaag kadhaxeeyaana inta
la ogyhay majirin, isla mar ahaantaana marti ugamay ahayn
xukuumadeena inay ka soo degaan soona dhex jiidhaan ama maraan dhul
dherer ahaan ku dhaw 170 mayl (272 km) ugu danbayntiina u gudbaan
Ethiopia, ayagoo bad qaba hubkoodii iyo saanadoodiina milaterina
wata. ……..Lasoco........
Sayid-maxamed C/laahi Xasan
Burco,Somaliland.
Email:-Sayidmaxamed22@gmail.com
|