Magacyada Ardayda
Kaalmaha ugu Sarreeya ka Galay Imtixaankii
Shahaadiga ah
Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, ayaa si rasmi ah shalay u soo
saartay natiijada imtixaanka shahaadiga sannad-dugsiyeedka
2007/2008-da fasallada 4aad iyo 8aad ee dugsiyada sare iyo dhexe ee
dalka.
Imtixaankan oo guud ahaan u fadhiisteen 9,727 oo arday oo isugu jira
fasallada siddeedaad ee dugsiyada dhexe iyo afraad ee dugsiyada sare,
ayaa ah mid ardaydu badankoodu gudbeen, isla markaana dhicidiisu
sannadkan yarayd. Waxaana dugsiyada sare oo ay u fadhiisteen
imtixaanka 3,027 arday gudbay 2,905, halka ay ka dhaceen 9 keli ahi.
Dugsiyada dhexe oo iyagana ay u fadhiisteen 9,727 arday waxa gudbay
5,683, waxana dhacay 707.
Xaflad ballaadhan oo lagaga dhawaaqay natiijada imtixaanaadkaas oo
shalay lagu qabtay xarunta Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka ee
magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay masuuliyiinta Wasaaradda
Waxbarashada, madaxda iyo hawlwadeennada xafiiska imtixaanaadka,
maamulayaasha dugsiyada iyo marti0sharaf kale.
Wasiirka Waxbarashada Md. Xasan X. Maxamuud Warsame (Xasan-gadhweyne)
oo isagu ku dhawaaqay natiijada imtixaankaas, ayaa isaga oo
arrimahaas faahfaahinayey waxa uu yidhi; “Waxa maanta ii sharaf ah
in aan halkan kaga dhawaaqo natiijada imtixaankii shahaadiga ahaa ee
2007/2008-da oo guud ahaan ardayda u fadhiisatay ee fasallada
siddeedaad ee dugsiyada dhexe iyo afraad ee dugsiyada sare tiradoodu
marka la isku daro dhammayd 9,727 arday, kuwaas oo isugu jira
dugsiyada sare oo ay u dhafiisteen 3,027 ka kala yimi 36 dugsi iyo
dugsiyada dhexe oo ay u fadhiisteen 6,702.
Haddaba, ardaydii dugsiyada sare ee imtixaanka u fadhiistay waxa
gudbay imtixaankoodii 2,905 arday, waxa dhacay 9 arday, waxa laga
tirtiray 37, waxana ka maqnaaday oo aan gelin 113 arday. Halka kuwa
u fadhiistay dugsiyada dhexe ay gudbeen 5,683 arday, waxa dhacay
707, waxa tirtiray imtixaanka 68, waxaan gelin imtixaanka 244.”
Wasiirku waxa uu sheegay in sannadkan wasaarad ahaan ay culayska
saareen ka hortagga ardayda sida aan sharciga waafaqsanayn
imtixaanka uga qaybgashay, kuwaas oo aanay shaacin natiijadoodii oo
laga reebay ilaa ay soo caddaynayaan sharcidda ardaynimadooda.
“Waxaan filayaa sannadba sannadka ka dambeeya waxaynu u sii
gudbaynay sidii waxbarashada dalka loo tayeyna lahaa, loogana gudbi
lahaa surmaseegtooyinka yaryar ee weydaynaya nidaamka iyo dhaqanka
waxbarasho ee Somaliland. Ardayda laga tirtiray imtixaanku waa arday
laga waayey shuruudihii imtixaanka loogu fadhiisanayey oo ay ka mid
tahay imtixaankoodii fasallada 7aad la waayey ama kii fasallada 3aad
ee dugsiga sare oo kale,” ayuu yidhi Md. Xasan-gadhweyne.
Waxa kale oo wasiirku uga digay waalidiinta iyo cid kasta oo jecel
inay gacan ku siiyaan ardayda sidii ay sifo aan waafaqsanayn
nidaamka waxbarasho dugsiyada dalka ugu dhigan lahaayeen, isla
markaana doonaya inay sidaa imtixaannada ku fadhiistaan.
Guddoomiyaha Guddiga Imtixaanaadka Qaranka Mr. Daa’uud Axmed Faarax,
ayaa faahfaahin buuxda ka bixiyey sababaha ay u cuskadeen baabi’inta
imtixaanka ardayda ee ay joojiyeen, isagoo sheegay in ardayga laba
jeer wax laga tirtiri karo - mar imtixaanka dibaddiisa oo uu
sharci-darro ku yimi dugsiga ama fasalka uu ka qallinjabiyey iyo mar
imtixaanka gudihiisa ah, taas oo ah qishka ka dhaca imtixaanka
dhexdiisa ama arday mid kale u gala.
“Sannadkan waxa nagu soo kordhay baabiinta dibadda ee ardaygu sida
sharci-darrada ah markiisa horeba uu ku yimi fasalka uu ka
qallinjabiyey. Markaa ardayda imtixaanka laga baabiiyey 68 ka mid
ahi waa dugsiyada dhexe, dugsiyada sarena waa 37 arday, waxay isku
noqonayaan 105 arday. Dhammaan ardaydaasi way iska waayi doonaan
natiijada imtixaanaadka, waxana arrintan soo baadhay oo laga duulay
kormeerka guud baadhistii uu sameeyey, iyagaana daliil u keenay.
Sidaa daraadeed ardaygii dacwad ka qabaa baabiintaa, waxay la kulmi
doonaan guddigaa kormeerka wax dhib ah malaha ee natiijooyinka waa
la hayaa, ciddii wax sax wadata way u hagaagi doontaa,” ayuu yidhi
Mr. Daa’uud.
Guddoomiyuhu waxa uu digniin ka bixiyey in dhaqan xumo uu sheegay
inay sannadka ku soo koradhay imtixaanaadka dalka Somaliland, taas
oo ah in qaar ka mid ah ardaydu waraaqahoodii imtixaanka ay ku soo
qoreen farriin ay kaga dalbayaan macalinka u sixi doona inuu ka
caawiyo imtixaanka, isla markaana ay siin doonaan abaalmarin, iyaga
oo u soo qoray lambar telefoon. Waxaannu Guddoomiyuhu tilmaamay in
dhaqankaasi aannu weligii bulshada soo marin, sidaa daraadeed
guddiga imtixaanaadku ay goosteen inay ardaydaana la joojiyo
imtixaankooda.
Sidoo kale waxa Mr. Daa’uud uu ka dayriyey saamaynta ay waxbarashada
ku yeelan doonto ardayda ka booda fasalada toddobaad ee dugsiyada
dhexe iyo saddexaad ee dugsiyada sare, arrintaas oo uu tilmaamay in
haddii ay sidaa ku sii socoto ay keeni doonto inay labadaa fasal
baaba’aan.
Magacyada, dhibcaha iyo dugsiyada ardayda kaalmaha ugu sarreeya ka
galay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo dhexe ee dalka
waxay kala yihiin sidan:
15 arday ee ugu sarreeyey imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare
ee dalka:
Wiilasha:
1. Aidarus Cali Muxumed Bakal 929 26th June
2. Mohamed Omer Warsame Hersi 918 Al-aqsa
3. Hassan/wali Aadan Ahmed Diriye 908 Ilays
3. Yuusuf Ahmed Mohamed Dahir 908 Timacadde
5. A/Hamed Mohamed Ali Saleiban 893 Ilays
5. A/qani Ali Aidid Handule 893 G/Libah
7. Mohamed Mukhtar Qamar Mohamed 877 Blooming
7. A/fatah Ahmed Hussein Omane 877 Al-aqsa
9. Ibrahim Nour Aqli Dirie 868 Ilays
10. A/fatah Mohamed Arab Ali 866 26th June
Gabdhaha:
1. Hibo Adan Ahmed Dirie 769 Ilays
2. Hibo Ibrahim Dirie Farah 789 Sunshine
3. Khadra Abdi Abdillahi Muhumed 754 D/Guray
4. Fadumo Mohamed Hirsi Hujaale 746 Blooming
5. Fadumo A/rahman Ahmed Muhumed 733 Prived Candidate.
10ka arday ee ugu sarreeyey imtixaanka
shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe ee dalka:
1. C/wahab Maxamed Cabdiraxman X. Yuusuf 566 Guryo-samo, Hargeysa
2. Xamda Cabdirisaaq Xuseen 545 Smart, Togdheer
3. C/fataax Axmed Cali 542 Smart, Togdheer
4. Muuse Axmed Caynaanshe Odowa 541 Arabsiyo, Hargeysa
5. Xuseen C/llaahi Cali Faarax 540 Sh. M. Warsame, Hargeysa
6. Maxamed C/raxmaan Aadan Max’ed 538 Al-irashaad, Hargeysa
7. Nuuradiin Xasan Maxamed Warsame 537 Sh. Cali Cismaan, Hargeysa
8. Barkhad Maxamed Ismaaciil Cabdi 536 New Gabiley, Hargeysa
9. Maxamed Cismaan Muxumed Nuur 534 Maxamed Mooge, Hargeysa
10. Iid Xasan Cabdi Faarax 534 Guryo-samo, Hargeysa.
10 arday ee ugu sarreeyey dugsiga SOS
Wiilasha:
1. A/rahman Shire Mohamed Samire 982 SOS
2. A/rahman Mohamed Abdillahi Urade 971 SOS
3. Abdillahi Ismail Hussien Abdillahi 939 SOS
4. Farah Elmi Farah Bullale 933 SOS
5. A/salaan Sulub Ahmed Abdi 922 SOS
6. Saleiban Abdi Muse Khaire 915 SOS
7. A/khadir Abdillahi Aidid Hassan 912 SOS
8. Mohamed Jama Anod Gullied 911 SOS
9. Mukhtar Suleiban Tarabi Hassan 910 SOS
10. Abdillahi Abdi Mohamed Farah 892 SOS
Gabdhaha:
1. Nasra Hassan Ibrahim Egal 845 SOS
2. Isra Ismail Ibrahim Warsame 778 SOS
3. Hamda Ismail Ali Mohamed 772 SOS
4. Samira Ibrahim Muse Mire 736 SOS
5. Kaltun Muse Mohamed Hassan 699 SOS.
Shaxda tirada ardayda najaxday iyo kuwa ku guuldarraystay
imtixaankii shahaadiga ah:
Source:Jamhuuriya Online
|