Magaalada Buuhoodle ee Lagu Naas-nuujiyo Xaglo-toosiye oo Soomaali-weyn la Jaanqaaday


 



Madaxtooyada oo dhaqaale iyo taageero la barbartaagan Saleebaan Xaglo-toosiye + dega ankiisa Buuhoodle oo calanka Soomaaliya lala dhex meeraysanayo


Buuhoodle (TNN)- Magaalada Buuhoodle oo ka tirsan dhulka Jamhuuriyadda Somaliland, ay aa shalay looga dabbaal degay soo dhowaynta ra’iisal-wasaaraha cusub ee loo magacaab ay Soomaaliya.

Mudaharaad lagu taageerayo ra’iisal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdo on oo ka dhacay magaalada Buuhoodle, waxa hoosta ka soo abaabulay, isla markaana ka qayb galay masuuliyiin iyo xubno ku qadhaabta magaca kooxdii Khaatumo ee burburtay iyo dadweyne badan oo sitay, kuna lebbisnaa calanka buluugga ah ee Soomaaliya, kuwaasoo ku dhawaaqayey hal-ku-dhegyo lagu taageerayo ra’iisal-wasaaraha cusub iyo mabda’a be ri hore dhintay ee Soomaali-weyn oo nuxurkiisu ahaa sidii la isugu keeni lahaa shantii qayb ood ee wixii ka horreeyey sannadkii 1960kii gumaystuhu u kala qaybiyey ummadda Afsoom aaliga ku hadlaa.

Magaalada Buuhoodle ee mudaharaadka Soomaali-weynta ah ka dhacay, waxa ku qadhaab ta, isla markaana dhaqaale xooggan lagu siiyaa hoggaamiyaha kooxdii hubaysnayd ee SSC Mr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo toddobaadkii hore booqasho ku yimi caasim adda Hargeysa, kaasoo ku hawlan sidii xil culus looga dhiibi lahaa xukuumadda Madaxwey ne Siilaanyo si uu u kasbado quluubta dadweynaha reer Buuhoodle, ugana dhaadhiciyo qa ddiyadda Somaliland.

Madaxtooyada Somaliland, ayaa la sheegay inay kharash iyo taageero xooggan la barbar taagan tahay Mr. Saleebaan Xaglo-toosiye, iyadoo sidoo kalena hore loogu fuliyey shuruu do ay ka mid ahaayeen in dib loo raro ciidanka qaranka ee deganaa duleedka Buuhoodle iyo in xorriyadooda loo celiyey maxaabiistii ciidammada Somaliland ku qabteen dagaallada ka dhacay degaankaas Buuhoodle. Taas beddelkeedana waxa looga fadhiyey Mr. Xaglo-toosi ye inuu bulshada reer Buuhoodle ka dhadhaaciyo sidii ay nabad iyo nololba ula qaybsan lahaayeen walaalahooda reer Somaliland.

Haseyeeshee, ilaa hadda Saleebaan Xaglo-toosiye kama soo bixin shuruudaha dhinaca nab adaynta ah ee uu la galay dawladda Somaliland iyo sidii Buuhoodle looga taagi lahaa calank a Somaliland, waxana shalay badhtamaha magaaladaas meel walba lala dhex socday calan ka buluugga ah ee Soomaaliya.
 

Source:Jamhuriya