Madexweynyhu wuxu
qaaday talaabo geesinimo leh waan an ku hambalyaynayaa dhiiranaanta
iyo wadaniyada uu muujiyay

Marka hore waxan salaamayaa
dhamaan saxaafada madaxa madaxa banaan ee somaliland iyo
hawlwadeenadoodaba sidoo kale waxan hambalyo udirayaa dhamaanba
dadweynaha r eer somaliland meel kastoo ay joogaanba anigoo
kuhambalyaynaya guusha balaadhan ee u soo hoyatay umada reer
somaliland iyo doorashooyinka xalaasha ah ee kadhacay wadank
eenii hooyo
Runtii waxay ahayd maalin aad igu layaab badnayd shalay galabnimadi
kadib markaan ka ar kay websiteyada somaliland war aad looga
xumaado oo kasoo baxay xisbiga talada haya ee udub oo carqalad iyo
dhaawacba ugaysan lahaa qaranimada somaliland haddii uu noqon
lah aa mid sii taagan, balse markaan arkay cidda hadaladani kasoo
yeedheen inay yihiin Xogah ayaha guud ee udub Jugsoodhacay iyo
cismaan hindi waxan iswaydiiyay su aal ah Tolow ma daxweyne
rayaale malaqabaa fikirkan maxayse uga danleeyihiin hadalka noocan
ah miyaan ay muwaadiniin nimanku ahayn,
waxa markiiba iisoo baxday jawaab ah inay yihiin niman
kuguuldaraystay inay cod usoo hoo yaan xisbigay hormoodka ka
ahaayeen kuna fashilmay gaar ahaan degaanadii ay kasoo jee
deen inay wax guul ah kasoo hooyaan oo ay xisbiyada mucaaradku kaga
xoog bateen sida Gobolada Gabiley Iyo oodweyne isla markaana ay
hadalkan rabaan inay kuraali galiyaan mus haraxoodii oo ay
yidhaahdeen waa lagu shubtay, oo waliba somalida waxay tidhaahdaa
been sheeg oo mid run u eg sheege waxa guud ahaanba shacaka reer
somaliland kasii yaabisay goobaha iyo degemooyinka ay tiriyeen ey
yidhaahdeen musuqmaasuq ayaa kadhacay oo w ada ah meelaha sida
weyn Kulmiye looga taageero,
Haddaba waxa xusid gaar ah mudan oo aan runtii aad ula dhacay
talaabada geesinimada leh ee uu qaaday madaxweyne rayaale iyo sida
uu uga damqaday raga magaciisa iyo maamuus kaba inay
baabiiyaan doonayay waana wax aad loogu farxo dhawaaqa kasoo yeedhay
mada xweyneheena somaliland waanan kuhambalyaynaynaa,
Mudane madaxweyne waxad qaaday talaabo aad u wanaagsan waana mid ay
umadda aad madaxweynaha u ahayd kaafilaysa taariikhduna way qori
doontaa hadba wixii aad kusagoot ido kursiga dalka ugu mudan
ee mudada dheer aad soo haysay waxaanan rajaynaynaa inaad natiijada
kadib aad xilka si xarago leh uga dagi doonto uguna wareejin doonta
musharaxa kuguulaystay talada dalka
sidaad adiguba ballan qaaday taasi oo kaadhigi doonta hogaamiye
taariikhiya oo wadankiisa samcad iyo karaamo kudhex jooga
bulshadiisuna aad uqadariso
Madaxweynaha cusub ee lasaadilanayana waxaan leeyahay waa in loo
sameeyaa madaxwey naha talada wadanka kadagaya maamuus qaran lana
ixtiraamaa oo laga dhigaa oday talada wadanka wax laga weydiiyo
looguna magac daraa Airportyada wadanka qaar kamida iyo
jaamacadahaba
dadweynaha reer somalilandna waxaan leeyahay Madexweyne rayaale waa
in loo aqoonsad aa Aabaha dimuqraadiyada somaliland
ugu dambayn waxan usoo jeedinayaaa dhamaan dadweynaha reer
somaliland meelkastoo a y joogaanba inay iska ogaadaan
cadawgooda gudaha ee doonaya in qaranimada iyo nabadg alyada
ay umaddu haysato la burburiyo kuwaas oo ay kala weyntahay
qaranimada inay man sab helaan sida Cismaan hindi iyo Jaamac jug soo
dhacay oo kale
wabillaahi tawfiiq
Axmed Aw cabdilaahi
khaliif |
|