Madexweyne Riyaale Saddex Arrimood midba la gudboon

Madaxweyne Riyaale ayaa hadda tabihii iyo xeeladihii uu isticmaalayey ay soo afjarmeen talidina ku soo oodantay ka dib markii si weyn looga horyimid go’aamadu keligii qaatay. Golaha Wakillada Somaliland, ayaa bi sha 11/08/09 cod-aqlabiyad ah ku ansixiyay in Madaxweynaha iyo  Kom ishanka Qaranku ay ka noqdaan go’aankoodii ay ku laaleen diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland iyo erigii wakiilkii hay’adda  Interpe ace ka joogay Somaliland, hadii ay ka dhego-adaygaan go’aanka. Goluhu talaabada sharciga kaga haboon ka qaadi doono, waxaana loo qabtay muddo toddoba cisho ah { 7 days } inay ku fuliyaan go'aanka.

Madexweyne Riyaale maanta saddexdan arrimood midbaa la gudboo in raaco ama wajaho.

1- Inuu ka noqdo go’aanka ay Madaxweyne Riyaale iyo Guddida  Dooras hooyinku ku laaleen natiijada diiwaangelinta iyo erigii hayada  Interp eace. Ixtiraamana nidaamka diiwan gelinta ee natiijada Server-ka, ee ay ku heshiyeen seddexda 3da xisbi qaran iyo komishinka, ogolaadana bedelida hogaanka komishanka. Doorashaduna waqtigeedi dhacdo, doorasho xor ah oo xalaal ah. Fursadan haduu doorta waata u  wanaa gsan Madaxweynah naftiisa iyo Somalilandba.

2. Inuu iska casilo xilka Madaxweynaha ee uu ummada Somaliland u  ha yo. Fursadani waa mid madaxweynaha u wanaagsan haduu qaato oo xilka iska casilo intaan xaaludu sii xumaan, waxaana laga yaaba inay ka badbaadiso, dambiyo lugu soo oogi lahaa oo xag dhaqaale, mid  bina'a adamnimo iyo mid siyaasadeedba leh oo uu ka galay qaranka. Si-sharaf iyo maamus lehna ugu noolan doono wadanka gudihiisa iyo dibediisaba kii uu doono.


3. Inuu ka dhaga-adaygu oo uu diido rabitaanka shacabka Somaliland, Bulshada caalamka iyo go'aankii golaha wakiiladu soo saareen  11/08 /09, ka dibna uu wajaho in golaha wakiiladu ka xayuubiyaan maamuskii iyo xilkii Madaxweyne ee ummada u hayey. Kadibna maxakamad sharciya la saaro oo lagu qaado wixii dambiya oo uu qaranka ka galay { Qodobkan saddexaad waa ka ugu xun hadii uu qaato }.

Waxaan aad u dhaliilayaa habku u fikiro Madaxweyne Riyaale ama dadka ku xeeran ee talada siinayaa, ma-siiyaan talo fiican. Tusaale ahaa: khabiirkii ka socoday Hayada Interpeace ee ka talo bixinayey diiwaan gelinta Server-ka wuxuu u soo bandhigay saddexdan qodob:

• In arinta diiwaangalinta iyo server-ka la soo af-jaro lana qaato laguna hawlgalo tirada natiijadii serverku soo saaray oo tiradeeduna tahay 1,146,832 oo ah tirada maanta la hayo ah
• In khubaro dheeraad ah iyo software cusub la hawlgaliyo si waliba loo sii kala shaandheeyo tiradaa kor ku xusan
• In diiwaangalintii la laalo doorashadana lagu galo bilaa diiwaangalin

Xisbiyada mucaaradka UCID iyo Kulmiye waxay qaateen qodobka  kowa ad oo ah ka ugu wanaagsan, Xisbiga UDUB wuxuu qaatey qodobka  laba ad oo aan laftiisu sidaas u xumayn , Madaxweyne Riyaale wuxuu doortay qodobka saddexaad ee ugu xumaa, waanu ka baydhay qodobkii u xisbigisu UDUB doortay, haddaba waxay su'aale ka taagan tahay oo il-gaar ah lagu eegayaa saddexda qodob midku dooran doono Madaxweyne Riyaale ?.


Allah Mahad leh,
 


Kosaar Aideed Abdi
Kusimaha UCID UK
London UK