Madaxweynihii hore ee Somalliland Axmed Siilaanyo oo geeriyooday

 


ALLE ha u naxariistee waxa caawa gurigiisa magaalada Hargeysa ku geeriyooday madaxwey nihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), sid a uu warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta JSL Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan).

Wasiirku wuxuu Eebe uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo Marxuum Axmed Maxam ed Maxamuud (Siilaanyo), qoyska iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somalilandna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo wuxuu ahaa madaxweynaha Somaliland 2010 kii ilaa 2017kii. Waxaanu ahaa madaxweynihii labaad ee lagu soo doortay cod iyo doorasho dimuqraadi ah.

Taariikhdiisa dib ayaanu idiinku soo gudbin doonaa.