Madaxweynihii Hore Ee Maraykanka Bill Clinton Oo Ku Guulaystay In Ay Kuuriyada Waqooyi Sii Dayso Laba Suxufi Oo Ku Xidhnaa K/Waqooyi




 

Hargeysa (Longlivesomaliland Newsa)-kuuriyada waqooyi oo daboolka ka qaaday in ay siidaysay laba suxufi oo u dhashay dalka Maraykanka oo hore loogu xukumay mudo dhan 12 sano

labadan suxufi ayaa ay kuuriyada waqooyi danbi uga dhigtay in ay dalkeeda ku soo galeen sifo sharci daro

labada suxufi oo ah haween u dhashay dalka maraykanka ayaa waxaa sii dayntooda kaalin mug leh ka qaatay madaxweynihii hore ee dalka maraykanka Bill Clinton, kadib markii uu kulamo la yeeshay madaxweynaha kuuriyada waqooyi

sidoo kale waxaa iyana cafiskaas kaalin ka qaadatay wasaarada arrimaha dibada ee dalka kuuriyada waqooyi kadib markii ay ku dhaqaatay cafiska loo fidiyey labada suxufi.


Gelinkii hore ee maanta ayey gabdhaas suxufiyiinta ah iyo madaxweyne Bill Clinton ay gaadheen wadanka Maraykanka gaar ahaana Gobolka loss Angels

Waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey xukumada maraykanka iyo eheladii labada suxufi.

Markii ay labada suxufi ka soo degeen gegada diyaaradaha ee gobolka loss Angels ayaa ka waramay dareenkooda iyo sida uu yahay jawigoodu hada, waxaana ka mid ahaa hadalkoodii.


“Markii aanu maqalnay in dawlada kuuriyada waqooyi ay na fasaxday waxaanu dareenay farxad, kadib markii aanu albaabka ka soo baxnay waxaanu aragnay madaxweyne Bill Clinton”

waxaa markii ay gadheen Gobolka Los Angels dareen kooda ka muuqday farxad iyo raynrayn, waxaanay meel fagaare ah uga mahad celiyeen Madaxweynihii hore ee Mr. Bill Clinton


 


Mustafe Future
mccfuture@longlivesomaliland.com
Xafiiska Wararka Longlivesomaliland News
Hargeisa/Somaliland