Madaxweyne-ku-xigeenka oo Qiray Musuqmaasuq ku
Baahay Guud ahaan Dalka

“Dalkii
waxa looga wada cararay intii ka soo aflaxday Afweyne, markaa
musuqmaasuqu meel walba wuu ka jiraa, kumana koobna oo keliya inta
xafiisyada fadhida oo qudha ee xataa shacabka ayaa kula jira”
“Beddellaadda
xubnaha Komishanku waxay qaadanaysaa ugu yaraan sannad kale oo
dib-u-dhac ku ah doorashada”
Waraysi Xiiso badan – Md. Axmed Yuusuf Yaasiin
Hargeysa (Jam)- Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin,
ayaa qiray in musuqmaasuq baahsan hadheeyey guud ahaan hay’adaha
dakhliga dalka iyo dadweynaha reer Somaliland.
Madaxweyne-ku-xigeenka oo shalay u warramayey weriye Maxamed Cabdi
Ilig oo ka tirsan telefishanka madaxbannaan ee Horn Cable TV, waxa
uu sheegay in aqoonyahankii Somaliland dalka uga cararay arday ka
soo aflaxday taliskii Siyaad Barre, taasina sabab u tahay musuqa ku
baahay geyiga Somaliland, isagoo dhinaca kalena shacabka ku eedeeyey
in iyagu horseed ka yihiin bixinta laaluushka iyo musuqmaasuqa.
Waraysigaas oo Md. Axmed Yuusuf Yaasiin kaga hadlay arrimo kala
duwan oo ay ka mid yihiin muranka doorashada, khilaafka Komishanka,
dhaliilaha xukuumadda, rajada uu qabo in markale dib loo soo doorto
iyo qodobo kale oo aad u xiiso badan waxa uu u dhacay sidan:
Su’aal: Madaxweyne; bal marka hore faahfaahin ka bixi mowqifka
xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB ka taagan yihiin muranka doorashada,
shuruudaha deeqbixiyeyaasha iyo khilaafka hadheeyey xubnaha
Komishanka Doorashooyinka?
Jawaab: Deeqbixiyeyaashu waxay soo saareen shuruudo ay ka mid yihiin
in xukuumaddu bixiso 25% dhaqaalaha ku baxaya doorashada, taasna
xukuumaddu way shubtay iyo in la sameeyo guddi xeer-beegti ah oo
madaxbannaan. Guddi xeer-beegti way inoo jirtay oo waa Komishanka
Doorashooyinka, guddi kale oo ka sarrayn kartaana ma jirto. Waxa
weeye guddi kasta oo imanaysa; ha ahaadaan guddiga anshaxa amma kan
xeer-beegtida ahba waa in ay soo sameeyaan Komishanka Doorashooyinka
oo iyaga hoosyimaaddaan.
Haseyeeshee, waxa soo baxday axsaabta oo yidhi kuma kalsoonin
xubnaha Komishanka, kaasina waa qodob ayaan-darro ah, waxaanan odhan
lahaa Komishanku dib ha ugu dhaartaan xisbiyada mucaaradka oo ha u
sheegaan in ay dhexdhexaadnimo ugu shaqaynayaan axsaabta qaranka,
haddii kale waqtigan xaadirka ah haddii la leeyahay ha la wada
beddelo xubnaha Komishanka oo dhan oo loo arkayo in aannu annagu [xukuumadda]
dan gaar ah ka wadano, waxa weeye waqtigii doorashada ee aynu
qabsanay dib ayuu u dhacayaa, waayo nimanka cusub ee lagu soo
beddelayana keenistoodu waqti badan bay qaadanaysaa, waxaanay u
baahnaanayaan waqti ay shaqada kula qabsadaan, taasina waxay
qaadanaysaa ugu yaraan sannad kale oo dib-u-dhac ku ah doorashada,
waxana la odhan doonaa xukuumadda ayaa kordhisanaysa, annaguna ma
wadno dib-u-dhaca oo 27ka September in doorashadu dhacdo ayaannu
diyaar u nahay.
Arrinta kale ee ah xubno cusub ha lagu kordhiyo Komishanka, waxa
weeye toddobadii qof baa isla qabsan la’ oo xaalku wuu sii
xumaanayaa, markaa waxa weeye hawlaha doorashada inta badan waxa
wadaya guddoomiyeyaasha doorashooyinka ee gobollada iyo degmooyinka
dalka, balse maba ah in lagu mashquulo toddobadan xubnood oo iyagu
dusha uun ka hagaya siyaasadda guud.
S: Waxa jira musuqmaasuq badan oo lagu eedeeynayo xubnaha Komishanka
dhexdooda, xisbiyada mucaaradka ayaa kalsooni-darro ka muujiyey,
deeqbixiyeyaashii ayaa yidhi xubno cusub ha lagu kordhiyo, markaa
idinka xukuumad ahaan iyo xisbigiina UDUB miyaanay dhaliilahaasi u
muuqan?
J: Horta waa kala jaad Komishanku waxba ma gudan karo iyo wax buu
xaday, haddii musuqmaasuq lagu eedaynayo hantidhawr baa la gelin
karaa, deeqbixiyeyaasha lacagta bixiyeyna maxay iyagu u keensan
waayeen hantidhawre lacagtooda u dabagala, waxa weeye waa in
hantidhawr la geliyaa Komishanka oo kii dembi xatooyo lagu helo
dembigiisa lagu qaado oo daaqadda laga tuuraa, laakiin waxa weeye
qaabka loo beddelayo ayaa golihii hore ee wakiilladu adkeeyeen,
iyagoo u arkayey in aan xubinta Komishanka si dhib yar loo eryi
Karin maadaama uu yahay dhexdhexaad u garsooraya saddex qaybood,
sidaa darteedna waa in xubinta Komishanku noqotaa mid madaxbannaan
oo aan cidna hoos tegin, balse hadday arrintu tahay xatooyo iyo
lunsi hantiyeed deeqbixiyeyaashu ka keenaan hantidhawrahooda,
annaguna waannu keenaynaa, markaa cidda dembi lagu helo dibadda ha
loo tuuro. Haseyeeshee, waxaan ku baaqayaa in la xoojiyo xubnaha
jira, iyaguna dhexdooda tawfiiq yeeshaan.
S: Iyadoo aan weli doorashadii la gaadhin ayaa Komishanka dhexdiisii
khilaaf iyo isqab-qabsi ka taagan yahay, hadhow marka doorashada la
qabto miyaanay arrintaasi saamayn ku yeelan Karin natiijada,
khalkhalna gelin Karin qarannimada Somaliland?
J: Horta anigu taas ma qabo. Kun iyo boqol goobood ayaa mid kasta
waxa jooga guddoomiye Komishan iyo shaqaalihiisii, goob kastana waxa
ka soo fulaya tiradii ay soo gudbiyeen oo wixii gobol kastaa lahaa
iyadoo xidh-xidhan bay halkan [Hargeysa] imanaysaa, waxaanan qabaa
toddobada xubnood ee halkan fadhiyaa natiijada waxba kama beddeli
karaan.
S: Dhawr jeer bay doorashadu dib u dhacday oo xukuumadda lagu
eedeeyey, ballanqaadyo badanna waad samayseen, haddana waxba kama
fulin, markaa maxaa hadda bulshadu idinku aaminaysaa in doorashadu
ku qabsoomayso 27 September 2009?
J: Waxa nalagu aaminayaa; horta annaga way naga go’an tahay in
doorashadu ku dhacdo waqtigeeda, diyaarna waannu u nahay.
S: Waxa jira dhaliilo badan oo sheegaya in aan Madaxweynaha iyo
ku-xigeenkiisu waxba u qaban bulshadii idin soo dooratay, iyadoo
dhaliilahaasi jiraan ma ku kalsoon tahay in markale kursiga ku soo
noqotaan?
J: Horta waa wax Alle hayo, aniguna nin weyn baan ahay oo markii
horeba umaan ololayn kursiga aan ku fadhiyo oo Ilaahay baa i keenay,
waxaanan ahay nin qaddarka Alle ku socda oo haddii aan helana
dalkiisa si daacad ah ugu shaqeeya, haddii aan waayana ka yimaad si
fiican ula shaqayn doona, sababta oo ah waxaan garanayaa waxa meesha
yaal iyo dhibka jira.
S: Xukuumaddiina hadda talada haysa kaalin intee le’eg ayuu kaga
jiraa musuqmaasuqa mucaaradku idinku eedeeyaan?
J: Waxaannu samaynay xeerkii la-dagaallanka musuqmaasuqa oo ah kii
abid ugu adkaa, runtiina ninka tuugga ah meel walba wuu joogaa,
waxaanan xusuusnahay ninkii waddankan ninba ninkii uu ka tacliin
badnaa ayaa ka dhoofay.
Markii aan tegay dalka Ingiriiska waxaan arkay dadkii aqoonyahanka
ahaa oo halkaa wada jooga, dalkiina waxa looga wada cararay intii ka
soo aflaxday Afweyne, markaa musuqmaasuqu meel walba wuu ka jiraa,
kumana koobna oo keliya inta xafiisyada fadhida oo qudha ee xataa
shacabka ayaa kula jira. Waxa weeye gacanteennu isma taagayso;
ninkii shicibka ahaa ayaa isagoo gar leh maxkamadihii wax u laabaya,
waxaanan qabaa haddii inta badan saxsan tahay dadka yar ee ku jira
musuqmaasuqa waa la qaban karaa, laakiin kuligeen waynu ku wada
jirnaa, mana aha inaad tidhaa hebel waa tuug, balse waxa lagaaga
baahan yahay in aad ku soo caddayso oo la xidho, aniga ayaana taas
jecel, waddankanna waxa uu u baahan yahay in dadkiisii dib loo
dhiso, musuqmaasuqna wax buu baabi’iyaa oo wax buu halligaa, markaa
odhan maayo musuqmaasuq ma jiro, laakiin yaan la hadlin ee qofkii
wax lagu soo helo ha lagu caddeeyo.
S: Maadaama idinku taladii qaranka haysaan miyaanay masuuliyaddiina
ahayn inaad dabagashaan musuqmaasuqa dalka ka jira?
J: Annagu xeerkii baannu soo saarnay, waxaanan ku baaqayaa in
xeerkaas maxkamadaha la geeyo oo la dhaqan-geliyo si ciddii dembi
lagu helo loogu ciqaabo.
S: Dalka waxa jira Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen, shuruucduna
inta badan awoodda waxay siinayaan madaxweynaha, markaa macno ahaan
adiga muxuu kuugu fadhiyaa kursiga madaxweyne-ku-xigeenku?
J: Horta anigu waxaan u aqaan ku-xigeenka halka lagu barto samirka,
dastoorkuna wuxuu isiinayaa awoodaha madaxweynuhu ii igmado iyo in
aan xilka ku sii simo marka uu maqan yahay iyo markuu geeriyoodo,
laakiin anigu taas waan ka badsadaa oo madaxweynuhu waxa ii igmado
iyo wax ka badanba waan qabtaa, maadaama dalku dib-u-dhis badan u
baahan yahayna waa in la wada shaqeeyaa, waxana igu waajib ah aniga
in aan dalkayga si daacada ugu shaqeeyo oo weliba xataa ka i beddela
la shaqeeyo, waxaanan ku faraxsanahay inaan hadhow suuqa iska
lugeeyo oo aan lay odhan waa kaa kii tuugga ahaa.
S: Madaxweyne-ku-xigeen; bal waxaad bulshada u sharraxdaa waqtigii
aad siyaasadda ku soo biirtay iyo halkaad ku soo kortayba?
J: Anigu Hargeysa ayaan ku dhashay, waxaanan ahay siyaasiga keliya
ee cusbitaalka Hargeysa ku dhashay, sababta oo ah aabbay baa ka
shaqayn jiray intii aannu wareegin telefoonnada, waxbarashadayda oo
dhanna waxaan ku dhammaystay Hargeysa, dadkuna waxay igu yidhaahdaan
waa reer Saaxil, malaha haybta ayuun bay iigu malaynayaan ee waxaan
ahay nin reer Hargeysa ah.
Waxa kale oo aan ahay ninka keliya ee aan weligii u soo shaqayn
dawladdii Faqashta, haddii aan beenta iska dhawrana waxaan filayaa
1974kii ololihii Af-soomaaliga ayaan kaga jiray Gobolka Awdal, gaar
ahaan degmada Lughaya, anigoo dawladdaas ka qaadan jiray bishii laba
shillings, waxaanan qabaa in aanay taasi ceeb ahayn ee uu ahaa
waxyaabaha lagu ammaani karo dawladdii Afweyne oo iyadu hirgelisay
qorista luqadda Af-soomaaliga.
Markaa kadib waxaan tegay dalka Sucuudiga oo aan ka shaqeeyey
shirkad Sucuudi ah, sannadkii 1997kii ayaanan soo galay Golaha
Wakiillada Somaliland aniga oo aan haba yaraatee wax olole ah u soo
gelin, waxaanan beddelay ninka la yidhaahdo Maxamed Muuse Cawaale oo
markaa wasiir noqday, iminkana waxaan marayaa sannadkii 13aad ee aan
ummadda u shaqeeyo, waxaanan rajaynayaa hadhow insha Allaahu
tacaalaa anigoo Axmed ah in aan suuqa isku aragno
Jamhuuriya Online
|