Madaxweyne
Xigeenka Somaliland oo Soo Khatimay Kormeerkiisii Goobaha Diiwaan
gelinta Togdheer
Madax-weyne Xigeenka Somaliland
ayaa maanta daboolka ka qaaday in isdiiwaan-gelinta aanay ahayn mid
loo adeegsanayo doorashooyinka oo keliya ee ay ku hoos jiraan qodoba
muhiima oo xidhi doono muwaadiniinta aan qaadan kaadhadhka, iyo
weliba faa’iidooyin ay u keeni karaan dalka ..
Madax-weyne Xigeenka Axmed Yusuf Yaasiin wuxuu hadalkan maanta kaga
dhawaaqay shir jaraa’id oo ku soo khatimay safar qaatay muddo dhawr
cisho ah oo uu ku maray deegaanada diiwaan-gelinta ee Gobalka
Togdheer, kaasi oo maanta ku qabtay guriga martida Burco..
Madaxw-weyne Xigeenka cadeeyey
muwaadiniinta aan haysan kaadhadhka jinsiyada ay caqabad kala kulmi
doono joogi taanka wadanka, gaar ahaana safarada, shaqooyinka, iyo
weliba xaqiijinta aqoonsigiisaba. isla markaana ay wadanka
Somaliland u furfuri karto horumarinta dhaqaalaha, amaanka iyo
weliba qaybsiga khayraadka dalka..
“ Qofna yeyna u dhuuman waxa uu
noqonayaa furaha mustaqbalkiisa” ayuu yidhi.<p
Madax-weyne Xigeenka waxaa kale oo shirkiisa jaraa’id kaga hadlay
waxyaabihii uu ku arkay mudadii uu marayey goobaha diiwaan gelinta
Gobalka, oo uu sheegay in dhibaatada ugu daran ay ahayd gabaabsiga
qalabka is diiwaan gelinta, iyo isgaadhsiinta. Waxaanu ugu baaqay
Komishanka Qaranka sidii loo gunaanadi lahaa hawl galkan..
“ Xooga dheeraadka ah ee Burco la
geliyey waxa weeye sidii dalcada looga saari lahaa Gobolada Bari “
ayuu yidhi..
Madax-weyne Xigeenkani wuxuu kale uu sheegay in soo jeedimaha ka soo
yeedhaya qaar kamida Xisbiyada Mucaaradka ee ku saabsan in hal mar
laga wada qabto Gobolada Sool iyo Sanaag diiwaan gelinta aanay ahayn
wax suura gala oo aanay taageeri doonin .
“ Hadalkaasi waxaa yidhi nin aan
aqoon dhulka Sanaag” ayuu yidhi..
Madax- weyne xigeenka waxaa kale oo shirka jaraa’id kaga hadlay
dhaqdhaqaaq uu sheegay in cadawga Somaliland ay ku talo jiraan in ay
carqaladeeyaan diiwaan-gelinta, balse ay xukuumadiisu ay isha ku
hayso..
Waxaa kale oo uu soo qaaday hawl
galadii is qarxinta ah ee laga sameeyey caasimada Hargeysa, oo uu ku
dheeraaday in dadka sameeyey ay dhaawac u geysteen nolasha bulshada
Somaliland ayna baa’bi’iyeen sumcadii iyo sharaftii Islaamka..
Waxaa uu ku dhawaaqay in Xukuumada Somaliland cafis u fidin doonto
inamada u dhashay wadankan ee qayb ka ah hawl galadan iyo kuwa la
midka ka ah haddii ay ka tanaasulaan shir-qooladaas..
“ Haddii waalidku qaban kari waayo inamadiisa isaga laftiida ayaa la
wareegaya ciqaabta ay leeyihiin “ ayuu yidhi..
Madax-weyne xigeenkani isagoo ka sii hadlaya qadiyadan waxaa uu
yidhi.
“ Diinta Islaamka waxay ka
dhigeen mid is qarxina, dadkii soo geli lahaa way ka joogsadeen” ..
SN
|