Madaxweyne waxaan ku
idhi hadda an ku idhi Fuloow Guuli Ku dhaweyda

Siyaasada iyo cayaaruhu waxay wadaagan shuruucdooda lama taabtanka
ah ka mid oo runtii loogu talo galay in lagu kala badbaadiyo
bulshada labada dhinca ka soo jeeda ama labada dhinca kala
teegeersan marka ay ciyaarto dhamaato ama siyaasada lagu kala
guuleysto, waxa shuruucdaasi ka mid ah si bulshada loo tuso xaga
wanaagsan in ey cayaartooyigu iswada salaaman iyo labad tababare
iyagoo qosleya.
Runtiina siyaasaduna waa la mid oo marka ey dhamaato doodeedu ama
ololaheedu ama guusheedu waa la iswada salaama si bulshadu u ogaato
in aney wax dhib ihi jirin dadkan la tuso sawirkaasi guurux badan.
Waxadse mooda doorashooyinkii dalkeena ka dhacey iyo isbadalkii iyo
doorashadii ey sedexda xisbi qaran u tartamayeen madaxd nimada
qarankan ee gacan qaadka iyo farxada kusoo dhamaanteyd sida sharafta
ahna xilkii loola kala wareegey dawladan cusubna loogu hambalyey,
sida caadada ah wax loo sameyay xaflada maalintii xilwareejinta
runtii waaney dhacday xafladii oo sacab iyo gacan qaad baa ka dhacay
dadkii mabsuudbey noqdeen caalamku wuu soo dhaweyay runtii guud
ahaan xaflad qurux badan bey aheyd oo caalamku inagu amaaney dhamaan.'
Waxa haddaba maanta soo if baxaysa in aney xafladaasi aheyn sidaa
iyo muuqaalkaasi dadka iyo caalamka la tusey ee uu ahaa DHUXUL
DANBAS HUWAN, runtii waxa markhaati ma doonto ah oo shaki badani
kujira sida maalintii dhaweyd ee uu madaxweyne Rayaale uga soo
guriyo noqda dalka wixii madaaar Hargeysa ka dhacay ee lagula
dhaqmay madaxweynihii hore ee mudane Rayaale ayaa ka marag kaceysa
in an xafladii xilwareejinta heshii lagu aheyn, waxa kaloo iyan
maanta markhaati ma doonta ah in madaxweynaheeni hore ee sharafta
iyo karaamada inaga mudana ee dalkan soo xukumayay mudo gaadheysa 15
sanadood maanta la yidhaahdo raaci meysid dayuuradii ay K/Suudaan u
soo dirtey isaga iyo madaxweyne Siilaanayo taasin waxay ku
cadeyneysa in an la heshiin maalintii xilwareejinta.'
Xatta wuxu kala bakheylay madaxweyne Siilaanayo inuu dayuuradaasi
caga saaro mudane Daahir Riyaale Kaahin oo uu ka mid noqdo rakaabka
ama wafdiga JSL ee u amabaxaya Ksudan taaso waliba casuumada rasmiya
ka heysto maamulka dawlada cusub K sudan, waxay iyan qarankan ceeb
ku ah oo ad la socotaan inuu madaxweynaheeni hore mudane Riyaale
maanta transit kuyahay Dubia biritoolan Kampla salaada horan joogo
Juba waa diriiq dheer oo runtii ceeb inagu ah iyadoo dayuuradii
madaxweynuhu usii jeedo Juba in loo diido madaxweynihii hore ee
sharafta iyo karaamada inaga mudnaa, '
Waxaa haddaba an caqliiga fayoobi qaadan karin madaxweyne Siilaanayo,
Gaboose, Xirsi iyo qaarkaloo badani in ey shalayba ka dageen Juba
islamarkan la dajiyay huteelkii loogu talo galay, madaxweyniheenii
horena mudane Daahir Riyaalan transit dheer kolba dayuurada
halabsanayo taasi waxay muujineysa sida an loogu heshiin doorashadii
dhacday sanadkii hore waayo colaadan ka muuqata dawlada Siilaanayo
maaha mid loo duqaadan karayo oo aynu qaran ku noqon kareyno
maadaama aynu sharaftii uu mudnaa madaxweynaheeni hore awood u
waayay inuu dalkiisa qumaatina uga duulo qumaatina uga soo dago,
taasi waa sawir xun oo ay dawlada Siilaanayo mas'uul ka tahay
mustaqbalkan yeelan doonto natiijada ka soo baxda colaadaasi iyo
dhibaatadaasi lagu sameynayo madaxda qarankan ee mudan.
Siilaanayo cadaalada ma sidan buu u yaqaana
Xagee lagu arkey wafti madaxda ugu sareysa isku wada beel yihiin
taasi maaha cadaalad iyo sharaf, Madaxweynihii, wasiirkii Duulista
iyo Hawda, wasiirkii khaarajiga iyo wasiirkii daakhiliga intaaso
abtirsimo wadaagta ma xaq bey u leeyihiin in ay iswada daba galan,
may dadkii dalkan inala lahaa ee harti lahaa, Gadabuursi lahaa ee
Ciise laha wasiiradoodu ma fanaajin ba mise waa qolooyinka diyuurada
ku dawakha maxaa looga waayay in ay ka mid noqdan wufuuda baxaysa,
sow ariinkaasi maaha mid gobonimo daro ah iyo waliba wixi aynu ka
dagaalaney ee aynu qoriga u qaadaney, waxa mudan in sharafta iyo
karaamada beelaha inala dagan ee dalka inala leh la dhoora si aynu
qaran buuxa u noqono.
Beelahan shirayaa ee baaqyada soo saareya maxa sababey aakhristow
wali ma si weydiisey, madaxweyihiin hore ee Maxamed X Ibrahim Egal
illaahey naxariistii jano ha ka waraabiye wuxu ahaa nin aad iyo aad
uga soo horjeeda shir beeleedyada an kusaleysneen dhaqanka oo anu
runtii ogoleyn, Riyaale naftiisu aad buu uga soo horjeeday
hadhaqanka shir beeleedyada, waxa haddaba nasiib daro ah sida anu
madaxweyne Siilaanayo uga hadaleyn habdhaqanka cusub ee shir
beeleedyada ku saleysan, runtii waxaan aaminsanahay inuu
madaxweynuhu isagu shirarkan aaminsan yahay oo runtii anu wax dhib
ah u heysan, waayo isaga ku yimid habkan qabaliga ah oo marna ma
diidayo shirbeeleedyadan, waayo qabiilkasto shira wuxu doonayaa ama
aaminsan yahay inuu qabiilkiisa ka horgeeyo oo halkaasi fooda la
isku daro maadaama uu aaminsan yahay inuu kursigan saare inuu
reerkiisa iyo beelo ay shuraakooben saareen.
Waxan haddaba u sheegaya madaxweynaha iyo inta sacabka u garaaceysa
ee xaqdarada ugu hiilineysa in isagan mustaqbalka dhaw lagu ridi
doono shir beeleedyadan socda maadaama isba dalkan ku qabsaday shir
beeleedyo la wada garaneyo.
Waxan illaahey inooga baryayaa inuu guul iyo soo dhaweyn wanaagsan
kala soo noqdaa madaxweyne Siilaanayo maadaama uu taladii
wanaagsaneyd iyo madaxdii qiimaha laheydba diiday inuu gacanta
qabsado, madaxweyne illaahey ku fududeyo mas'uuliyada kusaaran iyo
axdigaad qaadey, taladan la ruugin waa lagu rafaada bey soomalidu
tidhaahda, waxan leeyahay madaxweyne Siilaanyo Fuloow guuli ku
dhaweyda.
Afeef ma ihi in siyaasadii Daahir Riyaale aaminsan ama taageersan
xisbigiisi UDUB, ee waxa qoraalkan igu dhaliya habdhaqanka xun ee
madaxweynaheeni hore ee sharafta lahaa lagula kacayo iyo dhibaatada
bushada walaalaha ah la kala dhex dhigayo taasa ah ujeedadan
qoraalkan usoo diray Daahirna reekeyga maaha oo reer ahaan u
difaacimaayo.
Guul iyo Gobonimo ayaan u rajeynayaa JSL, illaheyna safar kheyr qaba
ha uga dhigo wufuuda JSL ee ka qeybgashey dhamaantood
Omar Darood
Hassan
Norway |
|