Madax Weyne Waad ku fashilantay xilkii

 



Shacabka Somaliland markii ay ku dooranayeen waxay moodayeen inaad isbedel iyo horumar ku samayn doonto dalka laakiin nasiib daro waad ku fashilantay waxana ay manta aqoonsade en in dawladii Dahir Riyaale Kaahin si kastaba uga fiicnayd marka dhinac kasta laga eego.


Daahir Riyaale maalintii uu kuu tirinaayey xilka wuxuu ku yiri dal isku duuban oo nabad ayaan kugu wareejinayaa waxana ay ahayd mid run ah maantana waa la wada arkaa afar geesood ee dalkaba in dab ka qiqaayo hadaba sidii aad xilkii SNM ugu fashilantay ayaad tana ugu fashil antay ee is casil.

Golahan toosinta iyo wada tashiga raga aasaasay dhamaantood waa mujaahidiintii SNM ee ku taqaanay kaana tuurtay kursiga markaad ahayd gudoomiyaha SNM ee aad ku fashilantay, maantana ilaahay mahadii intii ka noolayd ayaa ilaashanaysa dalkooda iyo dadkooda waxana hubaal ah hadii aanad deg deg uga tagin inaad adigoo intaa ka fool xun ka tegi doonto.

Waxaa la yaab leh in aad arki wayday ninkan Xirsi la yiraa ee ku dilay kuna dhaxal wareejiyey adigoo nool ee ku faanaya magacaaga kaana dhigay inaad tahay wax aan jirin ama bukaan jiif ah oo aan xiskiisu joogin oo kooma ku jira.

Madaxweyne ma raalibaad ka tahay dhaqan xumada, afxumada, hanjabaada uu kula kacaayo shacabkii shalay ku soo doortay ee adigoo xaalkaaga la ogaa boodhkii iyo duligii ku saarnaa kaa tumay ?

Mishkilada ugu weyn ee adiga iyo shacabka Somaliland idin dhex taalaa manta waxa weeyi nin kaa Xirsi la yiraa iyo kooxda uu wato oo kugu diray dhamaan shacabkii Somaliland ee ku jeclaa adigana kaa dhigay oday talax gabay oo uu afduub ku haysto, waanad ogtahay in dhamaan shacabka Somaliland neceb yihiin ee ka tasho oo soo cesho haybadii aad lahayd markii shacabku ku dooranayeen ee ahayd inaad noqon doonto madaxweyne dalka iyo dadkaba wax u qaban doona.

Waxa kale oo aan kuu sheegayaa inaad ka maarmi doonto Xirsi iyo dhamaan inta uu wato ee si deg deg ah daaqada uga tuur oo dib ugu soo noqo shacabkii ku doortay oo la tasho hadii kale waxa dhici doonto maalin dhaw oo aan Xirsi iyo qayrkii aanay ku anfici doonin oo aad gaadhi waydo meel aad ka soo dabaasho.

 



Maxamed Faarax
Somalilander