Madaxweyne Sillaanyo oo Koobka Qaranka Gudoonsiinaya Kabtanka Xulka Gobolka Maroodijeex

 

 


Burco (TNN)-Xulka gobolka Maroodi jeex ayaa ku guulaystay tartankii ciyaaraha goboladda Somaliland, ka dib markii ay galabta 1-0 eber ku muquuniyeen xulka gobolka Hawd oo ay ciya artii kama dambaysta iskugu soo baxeen.

Daawadashada ciyaartan waxa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Ma xamed Maxamuud (Siilaanyo), Wasiirro ka tirsan xukuumadda, Marwada koowaad iyo Xildhib aano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka

Gool qurux badan oo uu bilowgii ciyaarta u dhaliyay xulka gobolka Gobolka Maroodijeex, ciya ar yahanka numberka 18-aad oo la yidhaahdo Cabdi-Riyaad, ayaa xullka Matroodijeex u suu rto geliyay inay ku guulaystaan koobkii labaad ee ciyaaraha gobolada Somaliland.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u adag waxa labada kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar aad u xiiso badan oo weerar iyo weerar celis ah.

Ciyaartan waxa kale oo ka soo qeyb galay kumanaan qof oo ka mid ah shacbiga ku dhaqan Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer iyo dadweyne tiro badan oo ka yimid Magaal ada Hargeysa kuwaasi oo kala taageeraya labada gobol.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa markii ay ciyaa rtu dhamaatay waxa uu xulka Gobolka Maroodi jeex gudoon siiyay koobabkii kubaddaha cag ta iyo kollayga ee ciyaaraha gobolada Somaliland ee ka socday magaalada Burco oo maanta lagu soo gabogabeeyay garoonka Alamsey ee Burco.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud oo ciyaartii ka dib hadal ka jeedi yay garoonka ayaa sheegay inuu aad iyo aad ugu faraxsan yahay tartanka ciyaaraha gobol adda dalka .


Xulka gobolka Hawd-na waxa la gudoon siiyay koobkii labaad ee tartanka ciyaaraha gobolad da.Halka uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo bilado iyo agab kale oo Spor t uu gudoonsiiyay xulalkii loo aqoonsaday inay ugu ciyaarta ,akhlaaqda iyo tababarayaashii iyo Garsoorayaashii ugu wanaagsanaa mudadii uu tartanku socday.

Tartankan ayay Xukuumaddu siisay ahmiyad weyn iyadoo uu Madaxweyne ku xigeenka Som aliland Md. C/Raxman Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) uu si rasmi ah u furay 1-dii bishan Dece nbar, iyadoo madaxweynaha Jamhuuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo ay weheliyaan wasiirro badan iyo marwada koowaadna ay magaalada burco u tageen soo gabo gabaynta tartankan .

Sida ay ku soo waramayaan weriyayaashayadu waxaa magaalada Burco weli ka socda xafl ado loo samaynayo xulka hantay koobka shanaad ee tartanka ciyaaraha gobolada Somalil and oo ah Gobolka Maroodi jeex.

Source:TH