Madaxweyne silaanyo oo Dhambaal Hanjabaad ah u Diray Siyaasiyiintii ku Dhawaaqay ururka

 


Xili dad badan oo shacab iyo siyaasiyiin ahiba dhaliilayaan Siyaasa wadanka ee xukuumada Sila anyo .......


Hargeisa (TNN):- Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa k u hanjabay inaanay cidna ka aqbali doonin in sharciga dalka lagu tunto, isla markaana waxa uu ku dooday inay u dulqaadanayaan dhaliilaha.

Sidaa waxa uu madaxweyne Siilaanyo ku sheegay mar uu maanta ka hadlayey furitaanka  da Quaanka Kariimka ah, isaga oo dadweynaha ugu baaqay in idaacada qur’aanka kariimka ah la dhegeysto,

isagoo dadweynaha ugu baaqay inay ka fogaadaan xanta, xasadka iyo waxkasta oo Ilaahay xa araantimeeyey, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Walaalayaal, waa loo baahnaa idaacada qur’aanka kariimka ah, waxaanan wasaarada warfaafinta ku hambalyeynayaa furitaa nka idaacadan iyo bisha barakaysan ee Ramadaanta, waxa loo baahan yahay in sida Ilaahay ina faray aynu cibaadada badsano oo ay akhriska iyo dhegaysiga qur’aanka badsano, kana fog aano xanta iyo waxkasta oo Ilaahay innaga reebay, isla markaan wax u dhimaya dadkeena iyo qaranka Somaliland, kalana fogaynaya dadkeena. Mar labaad shacbiga Somaliland iyo masuuliy iinta waxaan ku hambalyeynayaa bisha barakaysan ee Ramadaan, Ilaahayna ha innaga yeelo inta uu soonka iyo cibaadadaba ka aqbalo.”

Madaxweynaha Somaliland waxa uu tilmaamay in bisha ramadaan tahay bil cibaado, waxaannu yidhi; “Bishani waa bil barakaysan. Waa bil cibaado oo iyadoo ay mar walba cibaadadu waajib tahay, hadana bishani waa mid gaar ah oo had iyo jeer culimadu inoo sheegto in aynu ka dheer aano xanta, xasadka iyo waxkasta oo Ilaahay (SWT) innaga reebay.”

Wax kale oo uu madaxweynuhu yidhi “Suurtogal maaha in dadka qaarkood ay caadaystaan ina y maalin walba la taagnaadaan cay, aflagaado, been abuur sharci-darro ah, iyadoo xataa lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaanta. Maalmahanba waxa aynu saxaafadda kala soconay ha dalo naxli xambaarsan oo ragga qaarkood ka soo baxayey, hadaladaasi waxay isugu jireen ku wo loogu tallogalay in toos loogu dhaawaco deganaanshaha iyo xasiloonida dalka iyo kuwo sh aqsi cay iyo xiqdi ah oo loo badheedhay.”.Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

“Dabcan, annagu masuuliyad culus baanu haynaa, waana lagama maarmaan in aannu u dulqaad ano dhalliilaha, hasayeeshee, waxa aan shacbiga u sheegayaa in aanan cidna ka aqbalayn in sharciga dalka lagu tunto,”ayuu yidhi Md. Siilaanyo, Hadalkan madaxweynaha Somaliland ayaa ku soo beegmay wakhti siyaasiyiin miisaan culus maalintii shalay dalka kaga dhawaaqeen Golle ay ugu yeedheen “Golaha Wada-tashiga iyo toosinta Qaranka”, isla markaana ku tilmaamay inay u-jeedada ay u sameeyeen tahay “Sidii loo bad-baadin lahaa Qaranka”
 

 

 

Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland