War-saxaafadeed

Taariikh: 03 September 2011
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu
caawa xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay 0170/092011 ku magacaabay
Guddida diiwaan-gelinta ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta
Qaranka.
Madaxweynuhu :
:
Markuu Arkay: Qodobka 9aad iyo 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland,
Markuu Arkay: Qodobka 3aad ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta
Siyaasadda Xeer Lr. 14/2011,
Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in la magacaabo Guddida
Diiwangelinta Ururada Siyasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee
JSL.
Wuxuu go’aansaday
In uu magacaabo Guddiga Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda iyo
Ansixinta Axsaabta Qaranka ee JSL, Guddidaas oo ka kooban 7 xubnood,
oo ay kala ah:
1. Cabdalle Ibraahim Maxamed
2. Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale)
3. Xasan Axmed Ducaale (Macalin): Garyaqaan
4. Cumar Xasan Jaamac
5. Maxamed Cabdi Maalik
6. Aadan Geedi Qayadi
7. Ismaaciil Cabdilaahi Cali
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
|