Madaxweyne Siiraanyo Oo Dhambaal Tacsi ah u diray Eheladii,Bahda Tacliinta, Udub iyo Shabaka S/L Geerida Ku Timid Muj Talaabo
 



Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraaba dii, Asxa abtii, Bahda Waxbarashada, Xisbiga UDUB iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiy daynaayo Geerida Naxdinta leh ee ku timid Xog-hayihii Xisbiga Kulmiye MARXUUM, YUUSUF CIISE DUCAALE (TA LAABO) oo ku geeriyooday Waddanka Nairobi Maanta 23-07-2011.

Marxuumka oo ahaa Masuul Xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii hore ee JSL, kana mid ahaa ururkii Dhaqdhaqaa qa Xornimada ee SNM, qayb libaaxna ka qaatay Dib u dhiska nabadaynta ama hubka dhigista ee Maleeshiyo beleedkii ma rkii danbe noqday xooga Ciidamada JSL,

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qara abadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.



IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN



Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.