JAMHUURIYADDA SOMALILAND
Republic of SOMALILAND


Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL Date:17/08/2010


War-Saxaafadeed



Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu magacaabay Guddi ka soo tala bixisa Su’aasha Gobolada Bari.

Waxaanu madaxwaynuhu Guddidaasi uu Magacaabay faray in ay ka soo talo bixiyaan soona qiimeeyan, isla markaana soo darsan Duruufaha ka taagan iyo qorshe Nabadeedkii lagu Xalin lahaa Aaga Bariga ee Gobolada Sool iyo Sanaag Bari.

Xubnaha Guddidan Madaxwaynuhu uu magacaabay waxa uu Gudoomiye uga dhigay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Mudane: Dr: Maxamed Cabdi Gaboose.

Waxanay kala yihiin Xubnaha Guddidu : -
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose
Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhiga

Mudane: Axmed X. Cali Cadami
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada

Mudane: Maxamuud Xaashi Cabdi
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga,Wershadaha iyo Dalxiiska Mudane: Cabdirisaaq Khaliif Axmed

Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

Mudane: Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Mudane: Cismaan Garaad Soofe
Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiiladda

Mudane: Baashe Maxamed Faarax iyo
Mudane: Fu’aad Aadan Cadde



ALLAA MAHAD LEH

C/laahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
AF-hayeenka Madaxtooyadda JSL