Madaxweyne Siilaanyo ugu yaraan Xil wasiir ma ku aamini doonaa bahda 35ka Sano ka yar....

 

 

30 Jirada dalku kama liitaan, 30jirada dunida ee wasiirada iyo ra’iisal wasaareyaasha ah..

Waxaan u holloday inaan kalmad ka idhaahdo doorka dhalinyarada iyo hogaanka dunida iyo  dalk aba, waxaan rabaa inaan hogo tusaaleeyo sida ay dhalinyaradu u hanan karaan uguna  qal maan xil kasta oo manta loo igmado, tan waxaa igu dhaliyay taxane taariikhi ah iyo halgan  dh eer oo aanu mudo ugu soo jirnay sidii ay dhalinyaradu qayb uga noqon lahayd hogaanka  dalka, mujtam acana loogu qancin lahaa inay u qalmaan inay hogaanka ka mid noqdaan...


Horaantii iyo dabayaaqadii sanadihii 2008da ilaa 2009 ka waxaan kulano isdaba joog ah la  yeela nay dhamaan hogaanada asxaabta iyo xukuumada iyo goleyaasha parlamanka si aan ugu  qanc ino in dhalinyaradu xaq u leedahay inay si toos ah uga mid noqoto hogaanka dalka.... kulamadaa taariikhiga ahaa waxaa ugu muhimsanaa kulanadii aan la yeelanay Madaxweynaha manta la  doo rtay oo markaas ahaa gudoomihaya xisbiga Kulmiye, waxaa isagana kulan muhim ah aan la  yeel anay Madaxweyanaha manta xilka wareejinay oo ahaa madaxweyanaha  qaran ka xiligaa...


Hadaba kulanka aanu la yeelanay Madaxweynaha manta la doortay, waxa ugu badan ee aanu ka wada hadlaynay waxaa uu ahaa sida uu isagu u arko ka qayb galka dhalinyarada ee talada dalka taas oo uu markaa si buuxda noogu taageeray una cadeeyay inuu aaminsan yahay inay u  qalma an inay talada ka qayb noqdaan, kuna balan qaaday inuu dhalinyarada mansabkasta oo ay u  qal maan aanu kala bakhayli doonin.... Halka kulankii madaxweyne riyaale aanu la  yeel anay uu noo sheegay in dhalinyaradu ay manaasibta qaar uun mudan doonaan, xiligaas xilka iyo milgaha dalka isagaa ku suntaa isganaa midida daabkeeda hayay, go’aankiisuna sidaasuu ahaa, dhalinyartana go’aankooda iyo awoodoodu maalintaas umay muuqan, laakiin xiligii ay  si da cadceeda isku  cade ysay waa tii loo wada joogay.

Hadaba, nin ay ku hadhay hawli haysaaye, manta waa maalin aan sugaynay inaan aragno  Ahme d Mohamed Mohamoud (Siilaanyo) oo madaxweyne ah, iyada oo aanu banaanka balano iyo  kulan aba isku soo waydaarsanay...hadaba, wax cusub manta kama hadlayo, waxaan rabaa  in aan  xu suusiyo madaxwaynaha la doortay in balantii iyo hadaladii naxariista badnaa ee aanu ku soo  wa da hadalnay ay dhalinyaradu manta uga fadhido, ficilkii iyo fulintii.

Dhinaca kale waxaan filayaa in awooda iyo kartida dhalinyarada manta aanu daah ka  saarnay n, aqoon ahaan iyo waayo aragnimoba, laakiin arintu waxay tahay Madaxweynaha la doortay ma ku dhiiran doonaa oo go’aan geesinimo leh ma ku qaadan doonaa in uu markii koowaad ta  ariikh da soomaalida uu xil wasiirnimo ku aamino qof dhalinyaro ah oo da’diisu 35 jir ka  yar  tahay, taa riikhdu iyadaa is qoraysa, waanay kuu qormi ama kaa qormi.

Maanta dunida aan ku noolnahay waa duni la aaminay xooga iyo kartida dhalinyarada, si  hab oona looga faa’iidaystay, waxaa xusid mudan, madaxwayne Joseph Kabila (President of the  Dem ocratic Republic of the Congo) waxaa uu xilka qabtay isagoo 30 jir ah, sidaana waxaa uu ku  noq day madaxwaynihii duinida ugu yaraa.. sidoo kale prime minister ka Roosevelt Skerrit (Prime  Min ister of Dominica) waxaa uu xilka qabtay isaga oo 32 jir ah, waxaanu noqday prime minsterkii  loo gu jeclaa Dominica dalkaas.

Sidoo kale Mrs. Agatha Sangma (minister of state for rural development) waxay jirtaa 28  san o oo qudha waana wasiirad lagu hirto marka dalka India la joogo.

Sidoo kale, Kalina Krumova (24 y. old) waxaa xubinta parlamentka ee dunida ugu da’da yar. Ku wan iyo qaar ka badan oo kaleba waxay hayaan xilal qaran oo kuweena ka balaadhan, had ana waxaa lagu aaminay inay qabtaan xilkan, waxayna ku jiraan bahda dhalin yarada, waxaan ay  mu ujiyeen karti iyo hufnaan ka duwan tii waayeelka.

Hadaba akhriste waxaan arintan qalinka ugu qaatay si halgankii iyo hawshii sanadaha la soo wa day een markhaatiga ka ahaa, aan u xasuusiyo madaxda manta u diyaarka ah inay hogaanka  qa btaan, sidoo kalena aan u baraarujiyo dhalinyarada damaca iyo dareena hogaamineed leh, ee da’da iyo dhaqanku godka madaw ku rideen.


Waxaan maqaalkaygan kusoo koobayaa: Mudane Madaxweyne waan ku qanacsanahay inaad  ga rawsatay kartida iyo awooda dhalinyarada, oo waa kuwaa kursigii dalka ugu sareeyey kugu  fad hiisiyay ee qayrkaa kaaga hiiliyay, laakiin ma hubo inaad ku aamini doonta ugu yaraan xil  wasiirn imo, laakiin adigaa lagaaga fadhiyaa inaad is CADAYSO.


Ogow dhalintu qolona maaha ee da’daa u hayb ah..... ninkastoo 35 sano ka yar ood xil u  dhiibt aa wuxuu matalaa dhalinyarada inteeda kale.
 


Mahadsanid.
 

 

 

 

Ibrahim Suldan