WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo
waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2643/072014
uu xilal kii ay qaranka u hayeen kaga qaaday Guddoomiyihii Gobolka
Daad-madheedh iyo Gudd oomiye Ku-xigeenkii Gobolkaasi isla markaasina
u magacaabay laba masuul oo cusub G obolka Daad-madheedh.
MADAXWEYNUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda ay Gudoomiyayaasha Gobolladu u
leeyihiin dhismaha Qaranka,
Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagadan,
Markuu La Tashaday: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Jamhuuriyadda Somaliland.
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Cali Cawil Cabdi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado
Gudoomiyaha Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.
In Mudane, Maxamuud Cali Axmed laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda
Somaliland.
Ujeeddo: Xil-ka Qaadis
1. Ku: Mudane, Jamaal Xuseen Hurre
Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Daad-madheedh
2. Ku: Mudane, Faarax Cabdi Xasan
Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Daad-madheedh
Mudanayaal,
Waxaan idinka mahadinayaa mudadii aad soo hayseen xilalka
Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee
Jamhuuriyadda Somaliland. Xilalka Qaranka ayay dabcigeeda tahay in
ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaas darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalka
Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee
Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu
wareejisaan xilalka aad hayseen Mudane, Cali Cawil Cabdi
Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh iyo Mudane, Maxamuud Cali Axmed
Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda
Somaliland oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
|