Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Wajiga Kowaad Ee Wadado Isku Xidhaysa Hargeysa Iyo Salaxlay+ Sawiro

 

 


Madaxweynaha iyo wefti uu hogaaminayo oo ka qayb galay munaasibada xadhiga lagaga jarayey wajiga koowaad ee dhismaha wadadan..........


Hargeysa (TNN) - Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maan ta Xadhiga ka jaray Wajiga koowaad ee dhismaha wadada cad oo isku xidhi doonta Hargeysa iyo Sallaxlay.

Madaxweynaha iyo wefti uu hogaaminayo oo ka qayb galay munaasibada xadhiga lagaga jarayey wajiga koowaad ee dhismaha wadadan, ayaa waxa xaflad loogu sameeyey degmada Toon, iyada oo xafladaasi ka soo qayb galeen masuuliyiin tiro badan oo iskugu jira Wasiiro, Salaadiin iyo masu uliyiinta u xil saaran dhimasha wadadan.

Munaasibadan oo ay ka hadleen masuuliyiin tiro badan ayaa waxa ka mid ahaa masuuliyiinti mada shaasi ka hadashay Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isaga oo sheegay inay gacan balaadhan ka gaysan doonaan dhismaha wadadan.

Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare) Wasiirkii hore ee Qorshaynta Somaliland ahna Guddoomiya ha Guddida dhisaysa wadadan oo hadlkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyey wadadan hawlaheedu halka ay marayaan, isaga oo sheegay in ay qayb qaateen dhismaha wadadan dadka deegaanku, waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in ay xukuumadduna qaybteeda ka qaadato.

Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdi Raxma an Suldan Diiriye ,Xaaji Cabdi-waraabe, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiq aadir iyo Wasiiro ka tir san Xukuumadda, kuwaas oo dhamaantood sheegay inay soo dhaweynayaan cidkii ka qayb-qaad atay dib u dhiska wadadan.



Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland