Madaxweyne Siilaanyo Oo Wakiiladda Dib Ugu Celiyay Qaraarkoodii Haamaha Shiidaalka

 


Hargaysa (TNN):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dib ugu celiyay Golaha Wakiiladda go’aankii ay Axadii todobaadkan ku laaleen in Haamaha Kaydka Shiidaalka ee Berbera lagu wareejiyo shirkaddo gaar loo leeyahay.

Sidaasna waxa sheegay Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Tignoolajiyadda Cali Xaamud Jibriil, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa uu cadeeyay in madaxweyn uhu u cuskaday dib u celinta go’aankaasi qoddobka 12-aad ee dastuurka, oo uu sheegay in ay dawladda awood u siinayso inay iibiso ama kirayso hantidda dawladda.

Wasiirku waxa uu sheegay in Madaxweynuhu Go’aankii aqalka Wakiiladda ku sifeeyay mid ka hor imanaya dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. “Shirkan jaraa’id ee aanu qabanay waxay u jeedadiisu tahay jawaab celinta go’aankii laalista in haamaha kaydka shiidaalka Berbera, isla markaana xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo dib ayay ugu celisay Golaha Wakiiladda go’aankii ay soo saareen, shirgudoona Wakiiladduna way haystaan go’aankii loo gudbiyay. Qoraalka Madaxweynuhu dib ugu celiyay Golaha Wakiiladda waxa uu u cuskaday Qoddobka 12-aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhigaya inay xukuumaddu awood u leedahay hantida ma guurtadda ah, ama Guurtadda ah iyo inay iibin karto, kirayn karto oo ku bedalato qiime u dhigma ku salayso hantidaas tasarufaad kasta oo sharciga ku salaysan,”ayuu yidhi Wasiirka Xidhiidhka Goleyaashu.

Wasiirku waxa uu ku dooday in qoddobka 12-aad uu xukuumadda awood u siinayo inay kirayso ama iibiso hanta qaran “Xukuumadda Qoddobka 12-aad ee dastuurku wuxuu awood u siiyay inay kirayso ama iibiso hantida qaranka. Go’aanka Golaha Wakiiladdu ay ku laaleen in haamaha shiidaalka lagu wareejiyo shirkado waxa uu ka hor imanayaa dastuurka dalka u yaalla. Go’aan kasta oo Goleyaasha sharci dejintu ay gaadhaan ama ansixiyaan haddii aanu waafaqsanayn dastuurka JSL, waxa uu noqonayaa Go’aan aan sharci ahayn, sidaas darteed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland dib ayuu Golaha Wakiiladda ugu celiyay go’aankii ay soo saareen 30/08/2015-kii.

Golaha Wakiiladdu go’aankooda waxay u cuskadeen qodobbada 38-aad, 39-aad iyo 54-aad Fiqradiisa 3-aad ee dastuurka JSL. Markii xukuumaddu eegtay saddexdaas qoddob xidhiidh lama laha waayo ma uu jirin-ba heshiis ay isku raaceen madaxweynaha iyo shirkaduhu hase yeeshee waxa jiray wada hadal u socday madaxweynaha iyo Ganacsatadda shirkadaha oo garanaysa ahmiyadda ay leedahay in la maal-gashado haamaha shiidaalka, laakiin heshiis la gaadhay ma jiro. Waxa weeye in Golaha Wakiiladdu ay ka jawaabaan marka heshiis la galo ee loo soo gudbiyo.”

“Markaa Golaha Wakiiladdu waa Golahayagii, waanu la shaqaynaa waa saaxiibadayo. Laakiin waxa imika aanu isku haynaa Gole ahaan iyo Xukuumad ahaan waa sifaha sharciyadda loo raa cayo qodobbada ay u cuskadeen go’aankoodiina waa mid heshiis la galay oo la dhammaystiray la xidhiidha, arrintaasina ma jirto,”ayuu doodiisa ku takiidiyay Wasiir Cali Xaamud Jibriil.

Sidoo kale wasiirku waxa uu ku booriyay Golaha Wakiiladda inay waajiibaadkooda ka gutaan qoraalka madaxweynuhu dib ugu soo celiyay.
 


Source: Somaliland.Org