Madaxweyne Siilaanyo Oo Tacsi U Diray Ehelkii Iyo Qaraa badii Uu Ka Baxay Marxuum Maxamed Maxamuud Khaawi

 



Marxuumku waxa uu ka mid ahaa odayaashii, wax-garadkii iyo aqoon-yahankii sida weyn uga soo shaqeeyey nabad-gelyada iyo walaalnimada............


Hargeysa (TNN) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Eheladii, Qarabadii, Qoyskii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxay MARXUUM, MAXAMED MAXAMUUD KHAAWI oo ku geeriyooday Dalka Mar aykanka.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa odayaashii, wax-garadkii iyo aqoon-yahankii sida weyn uga soo shaqeeyey nabad-gelyada iyo walaalnimada beelaha Somaliland, waxa uu ka mid ahaa dadka tusaal ooyinka waxtarka leh ummada u sheega ee ku dayashada mudanaa.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Eheladii, Qarabadii, Qoyskii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.



IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
 

 


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.