Madaxweyne Siilaanyo oo shirweynihii Xisbiga Kulmiye Cirka ku laalay illaa wakhti aan la garanayn

 

 

Hargeysa (TNN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa qo raal uu soo saaray oo uu u kala diray Hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye iyo Golihiisa Dhexe ku cadeeyay Xukuumaddu inay ku mashquulsan tahay hawlo waaweyn oo aanay ka haleeli Karin qabashada Shirweynihii Xisbiga Kulmiye ilaa bisha laba iyo tobnaad ee sanadkan sidaa si daraadeed waxa uu faray in dibu dhigista Shirweynaha ay ka taliyaan Golaha Dhexe ee Xisbigu.

Qoraalka Madaxweynaha oo maanta oo Jimce ah soo baxay isla markaana la gaadhsiiyay ho gaanka sare ee Xisbiga waqxa uu u cuskaday sababaynta Dib u dhigista Shirweynaha Qodd ob 28 Dastuurka Xisbiga oo dhigaya sidan:-

“Haddii duruufo adag oo Xisbiga ama Dalka la soo gudboonaada dartood, ay muuqato inaan shirweynihii caadiga ahaa ee xisbigu qabsoomi Karin xiligii u qorshaysnaa Golaha dhexe ee xi sbiga ayaa shirkiisa caadiga ah ama caadiga ahayn ee ugu xiga taariikhda shirweynuhu qors haysnaa ku qiimaynaya duruufaha lagaga gudbi karo, isla markaana go’aan ka qaadanay mu dada shirweynaha lagu qaban karo.” Ayuu ku yidhi qoraalkiisa.

Talaabadan ayaa shirweynihii Xisbiga Kulmiye galinaysa Mugdi badan isla markaana aan la g aranayn waxa ka dhalan doona, maadaama awooda Dibu dhigista uu iska leeyahay Golaha D hexe ee Xisbiga Kulmiye, kuwaasoo aan la malayn karay wakhtiga danbe ee ay ka dhigi doon aan maadaama aanay Xukuumaddii talada haysay ee Xisbigu haleelayn ilaa dabayaaqada sa nadkan.
 

Source:Waaheen