Madaxweyne Siilaanyo Oo Sheegay In Aanay Qaranimadda Somaliland Gor-gortan Geli Karin
 

 


waxaanu tilmaamay in Shacabiga Somaliland ay 21 sanno aayahooda ka tashadeen oo.......


Hargeysa (TNN)- Madaxweynaha Jamhuuryadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siila anyo) ayaa sheegay in Qaranimada Somaliland aanay gor-gortan geli kerin, waxaanu tilmaam ay in Shacabiga Somaliland ay 21 sanno aayahooda ka tashadeen oo ay samaysteen Maamul Dawladeed, Goleyaal ku yimid Cod Dadweyne.

Waxaanu sidaas ku sheegay khubad uu maanta ka jeediyey Salaadii Ciidal Fadriga oo uu dadw eynaha kula tukaday Masajdul Jaamaca Hargeysa.

Waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Waxaan shacbiga u soo jeedinayaa inaynu ilaashano nabad-gelyada dalka iyo midnimadda Somaliland.waxaan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo walaalah eena Koonfureed ee Soomaaliya arrimaha ka socda dalkaasi waxaan doonayaa inaan u cadee yo dadweynaha iyo caalamkaba in Somaliland ay tahay dal madax-banaan. Waxaan jeclahay inaan dunida ka dhaadhicino in ummaddani ay tahay mid madax-banaanideeda muddo dheer u soo halgantay oo wax ka joojinaya iyo wax ka bedalayaa midna aanu jirin qaranimadeeda,

Waxaanu intaas ku daray Waxaanu jecel nahay in Dalkaas (Soomaaliya) ee aanu walaalaha nahay iyagana ILAAHAY dhibaatada ka dul qaado oo nabad-gelyo iyo dawladnimo ay samayst aan oo dad jaar ah oo walaalo ah aanu noqono.”
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland