TACSI MADAXWEYNE
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo
waxa uu t acsi u dirayaa waayeelka, waxgaradka, Qoyskii, Eheladii,
Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka
tacsiyadaynaaya geerida ku timid alle ha u naxarii stee Marxuum
Maxamud Axmed Barre Garaad oo saaka (24/06/2015) ku geeriyooday
Boorama.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey aqoonyahankii iyo
waxgaradkii kaalinta mugda leh ka soo qaatay dhismaha, iyo taabo
gelinta qaranka Somaliland, waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii iyo
haldoorkii, hogaamintiisu tusaale fiican ay u ahayd jiilasha soo
kaca ya.
Waxaanu ahaa Oday qaran oo ka baxay dalka iyo shacbiga somalilandba,
isaga oo muddo dheer ka mid ahaa xubin sharafeed gollaha guurtida ka
tirsan, mudooyinkii u danbeeyeyn a ka mid ahaa golaha wasiirada.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii
jannatu fardawsa ka waraabiyo, waayeelka, waxgaradka Qoyskii,
Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ah aanba shacbiga Somaliland
ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|